Turkigu Istaraatiijiyad Ka Baxsan Taynu Doonayno Ayuu Somaliya Ka Leeyahay, Heshiisyada Koontarabaanka Ah Hore Ayaa Loogu Jabay Aaden Siiro

0
Saturday April 06, 2013 - 08:23:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkigu Istaraatiijiyad Ka Baxsan Taynu Doonayno Ayuu Somaliya Ka Leeyahay, Heshiisyada Koontarabaanka Ah Hore Ayaa Loogu Jabay Aaden Siiro

    Hargeysa,(xogreebnews.com)—Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud (Aaden Siiro) oo maanta khudbadii Jimcaha ku soo qaatay islaamka iyo Xoriyada, ayaa si adag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com)—Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud (Aaden Siiro) oo maanta khudbadii Jimcaha ku soo qaatay islaamka iyo Xoriyada, ayaa si adag uga hadlay gooni isku taaga Somaliland, waxaanu xukuumaddu ugu baaqay inay ka fiirsato heshiisyada saamaynta ku leh qadiyada Madax-banaanida Somaliland.
Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in Somaliya aanay waxba oolin isla-markaana soddonka sanadood ee socda aanay waxba ka hagaagayn, sidaa daraadeedna aan loo baahnayn in umadda khilaaf loo horseedo.
Sheekh Aaden Siiro, oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waar waxaa yar ee inaga dhexeeya hala ilaaliyo, Somaliland heshiiskeeda boqol ma gali karaan iska daa xukuumaddoo go’aankeeda waxba kama badali karaan, waayo 97.9%, ayaa u codeeyay in Somaliland ay gaar isku taagto, golaha wasiirrada ee 50-ka ah, iska daayoo saddex golle qaran waxba kama badali karaan, laba gobol oo is raacaa waxba kama badali karaan, qabiil waxba kama badali karaan, waxa kaliya oo wax ka badali kara 97% iyo wixii dheer, Xamar ILAAHAY nabad iyo dawladnimo ha siiyo, laakiin NO MORE XAMAR, haku riyoonina, 30-ka sanadood ee soo socda waxba kama dhawa, waar khilaafkaa ha inoo soo rarina, Waar Heshiisyada Koontarabaanka ah hore ayaa loogu jabay, waar ka daaya umadda, manta Xamar waxba ma yaalaan”

Sheekh Aaden Siiro, waxa kale oo uu soo qaaday “Turkigu istaraatiijiyad ka baxsan taynu inagu doonayno ayuu Somaliya ka leeyahay, adduunku waa Keen iyo hoo, laakiin adiga ayay ku xidhan tahay caqligaaga inaad cid walba sharkeedana iska moosto, khayrkeedana soo qaadato, laakiin tallaabooyinka aad qaadaysaa maaha inaynu saamayn ku yeeshaan heshiiska umadda, xukuumadda waxaanu ku waaninaynaa xil weyn-baa idin saaran waa arimaha u fiirsada”ayuu yidhi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured