FAYSAL GORMUU SALAANKA SIYAASADA CAGTA LA HELAYAA?

0
Thursday October 10, 2013 - 10:17:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1151
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAYSAL GORMUU SALAANKA SIYAASADA CAGTA LA HELAYAA?

    Waxaan aad ula yaabay hadal aad u qadhaadh oo ka soo yeedhay faysal cali waraabe oo runtii ah ninka ugu saamaynta badan bulshada somaliland marka laga hadlaayo siyaasada somaliland waa masuul meel walba isku tuura, waa masuul kildhi walba oo meel la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan aad ula yaabay hadal aad u qadhaadh oo ka soo yeedhay faysal cali waraabe oo runtii ah ninka ugu saamaynta badan bulshada somaliland marka laga hadlaayo siyaasada somaliland waa masuul meel walba isku tuura, waa masuul kildhi walba oo meel la sudho madaxa la gala, ka dibna day-daya cid ka saarta marka uu qorta iskaga maro. Waxaan aad ula yaabay hadal aad u qadhaadh oo ka soo yeedhay faysal cali waraabe oo runtii ah ninka ugu saamaynta badan bulshada somaliland marka laga hadlaayo siyaasada somaliland waa masuul meel walba isku tuura, waa masuul kildhi walba oo meel la sudho madaxa la gala, ka dibna day-daya cid ka saarta marka uu qorta iskaga maro.

Waa masuul ay ummaddu ku dawakhday siyaasadiisa dhinacyada badan hadaba waxa aan wargeys-yada iyo Television-nada ku soo baxay waraysi la yaab leh oo uu bixiyey faysal cali waraabe habeen dhawayd kaasi oo uu kaga hadlaayo arrimo badan oo bulshadu la yaabtay waxaana ka mid ahaa dalka in uu ka yahay laandheere isaga oo weliba ku faanaya oo leh hargeisa anigaa ugu laandheeraysan oo dadku way I yaqaanin taasi oo uu ula jeeday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland oo faysal uu u adkaysan waayey hadalada wasiirku la barbartaagan yahay xukuumada uu ka tirsan yahay iyo nabaradii faysal ka damqan jiray oo yara xoqay wasiirku taasina way dhalisay in ina cali waraabe la soo baxo wejigiisa dhabta ah ee qabiilnimo.


Taasi waxa ay faysal ku reebtay inuu Tv ga soo fadhiisto isaga oo xambaarsan sumcadii iyo milgihii siyaasada Xisbigiisa iyo ta Somalilandba isaga oo itaalka isleh Cod ku raadso hadaladan xanafta iyo xajiintaba leh ee uu faysal ku faanay in u la soo bixi doono kuna hanjabay in magaalada looga yaaci doono qabiilkiisa, isaga oo u jawaabaya Cabdi Daahir Camuud (Cabdi dheere) oo ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga balse faysal ismuu waydiin in wasiir ku xigeenkani yahay Ayuub.

Ayuubna yahay Sheekha Beelaha Somaliland ama Soomaalidaba ugu Welisan ee ay qadariyaan uguna faca wayn ama ugu da’a weyn ee aynu ogsoonahay qiimaha iyo mudnaanta ay bulshada ka mudan yihiin, balse faysal aanu aqoonsanayn taariikhda, milgaha sharafta iyo maamuuska beesha ayuub ay ka mudan tahay shaqsi walba oo ku hadla afka somaliga.

Hadaba waxa aan leeyahay Faysal yaanay meelwaba kula gelin ee ka dhawrso afkaaga waxyaalaha qaar adiga oo weliba sheeganaya siyaasi weyn oo somaliland u dhashay, taasi oo qarankan ceeb ku noqon karta markaad tv-yada qaaradaha aduunka laga daawanayo aad la soo fadhiisato qabyaalada iyo siyaasad xumada halkaasi ku dhigtay.

Midna waan kugu la talinayaa hadii aad tahay siyaasi ama waxgarad taasi oo ah inaad afkaaga ka dhawrto meelaha mudan qadarinta iyo sharafta eebbe u dhaliyey kuna manaystay inaad ku tixgelisana ay tahay.

Abdinuur M axamed Yuusuf

Hargeisa
abdinour78@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured