Dugsi Kaliya Baa Jira, Diric Kaliya Baa Dhiga!. W.Q: Liibaan Xaaji Fagadhe.

1
Thursday October 10, 2013 - 10:08:52 in Featured by Super Admin
  • Visits: 3023
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dugsi Kaliya Baa Jira, Diric Kaliya Baa Dhiga!. W.Q: Liibaan Xaaji Fagadhe.

    Sida aynu la wada socono qaybaha ay dowladi ka koobnayd waxa inagaga soo hadhay Madaxtooyada, Adeegayaashii ka howl gali jirayna wa ka nool Xirsi. Hadaba hadii dugsi nasiib u yeesho in hal macalin oo kaliyi ku soo hadho, waxa khasab noqonaysa in maa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aynu la wada socono qaybaha ay dowladi ka koobnayd waxa inagaga soo hadhay Madaxtooyada, Adeegayaashii ka howl gali jirayna wa ka nool Xirsi. Hadaba hadii dugsi nasiib u yeesho in hal macalin oo kaliyi ku soo hadho, waxa khasab noqonaysa in maadooyinkaas oo dhan laga dhagaysto halkaa macalin haday tahay Taatiikh, Saynis, Xisaab, Suugaan iyo dhamaan inta dugsi laga barto.
Sida aynu la wada socono qaybaha ay dowladi ka koobnayd waxa inagaga soo hadhay Madaxtooyada, Adeegayaashii ka howl gali jirayna wa ka nool Xirsi.
Hadaba hadii dugsi nasiib u yeesho in hal macalin oo kaliyi ku soo hadho, waxa khasab noqonaysa in maadooyinkaas oo dhan laga dhagaysto halkaa macalin haday tahay Taatiikh, Saynis, Xisaab, Suugaan iyo dhamaan inta dugsi laga barto.

Hadaba, ayaan macallinkaasi taariikh noo dhigayay waxa aanu ka faa’iidaysanay taariikho aan hore naloogu sheegin. Waxa u noo sheegay in u jiray dagaal yahan dagaalka buuraha balo ku qabay oo la odhan jiray Xirsi Xaaji Cali, aakhirkiina kaaraha silsilada lihi jiidhay balse aan waxba noqon, dhaawacna ka muuqan. Dhacdadan, mar arday naga midahi uu macalinka waydiiyay in ay jiraan buugaag wax ka qortay ama cid wax ka ogayd, waxa u noo sheegay in aan hore waxba looga qorin balse ay jiraa afar qof oo markhaati ka ahaa, nasiib darro se ayuu yidhi afartaa qof saddex waa dhinteen midna waa waalan yahay.


Ayaan kale oo xiisadu taagnayd siyaasad, oo wax laga waydiiyay tacadiga dowlada iyo cabudhinta saxaafada waxa u ku jawaabay ‘Oo saw Nalama dooran’. Sidoo kale ayaan u ka hadlayay casharo la xidhiidha Arrimaha dibada waxa u noo xaqiijiyay in Ingiriis ka diday Turkiga habenkii ayuu ku gabyey magaalada London xafladii madaxweynaha Siilaanyo

Shiidaalka dihin
Markii aan islaam
Daawo kula yeeshey
Ingiriiska didey
Feejigey naga dareemeen

Oo ay Somaliland la heshiisay. Waxa jirtay wakhtiyo u caddaalada nooga waramayay oo waa kii inoo xaqiijiyay in u Inantii u xidhay si u ugu hanjabo ama raganimadiisa u tuso niman suuqa jooga. Caddaalad wanaagiisa waxa kale oo ka mid ahay isku darkii ama is raacintii ninkii haystay guddida qandaraasyada iyo ninkii u ina yidhi wuu ku guulaystay keenida qalabka waddooyinka waxanu u diray dalka shiinaha. Tani maalintaa waxay noola muuqatay in libaax waraabe adhi raaciyay, oo yaa ku dhaca in libaaxa loo sheego in aanay qumanayn in waraabe iyo adhi la is raaciyo, Faan waynaa.

Barrahani kuma ekaan maadooyinkii la yiqiin oo kaliya,ee waxa u ku darsaday qaar aan hore loo arag sida Maadada Suugaan qabiileed, isaga oo wax naga barayana waxa u so qaatay maanso u tiriyay oo uu yaridhi
Dowliisha geelee
Nirgaha laga daboolaayo
Dibjirkaan waraabuhu cuneyn
Daan Dan jiid laha
Alow yaa aflame daaliyee
Daacad ugu sheega

maadooyinkan cusub waxa ka mid ah ‘ Is cajabis’ oo iyada aanu maalin walba laba saacadoo dhigano, casharadeedana waxa ka mid ahaa tii u lahaa
‘ Markay ay xaajo durugtee
Dacalo dheeraato
Ee daafta imanweydo
Waxaab ahey ninkii loo diree
Soo daweynkara
sidoo kalena waa kii ino sheegay in u yahay ninka ugu da’da yar, uguna shaqada badanaa,

Malaa Ilaah inama badin in Golayaasheennu noqdaan arday kalaas fadhida oo macalinkoodii u soo galay,

Bal hada u fiirso waxa ku dhacay barrayaasha intii kale, wasiirka xidhiidhka golayaasha looma cayimin shaqo u leeyahay; wasiirka warshadaha xafiisba male; wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa uu ku mushahar qaataa sheegista labada Iidood iyo billashada bisha barakaysan ee Ramadaan; Wasiirka Caddaaladu,(Budhcad badeedii hoos imaneysey markii duxlagu arkey ayaa sidii dhaqanku ahaa lagala hoos baxay) waxa u horjooge ka yahay labada xabsi ee Mandheera iyo xabsiga dhexe ee Hargaysa, wasiirka Hawlaha guud markii uur ku jirtii waddooyinka Xirsi kala baxay,waxa u daawadaa dhowrka guri ee ay shicibku bari hore xalaalaysteen; Waadiga arkaya madaxwayne ku xigeenkan Meehanowsan, Intaa waxan ka soo qaatay inta si sharciya inoogu magacaaban in ay shaqo inoo hayaan balse looga dhaartay in ay maamulka wax ka fuliyaan,
Maxaynu se ula yaabi, mar hadii maamulihii dugsiga loo ogaa koomo galay— Xirsina ha qaado heestii ‘
Mar hadaan madaxtooyadii ,
Midigtaa ku haysto,
Maqli maayo madashana,
inta Mahaye sidan yee,
Waa inaan Magac uyaalada,
Sidii Malow I eegaaya,
Waxaan doono Mariyaa.
Hadaba hadii Xirsi kaligii inoo shaqaynayo maxay kaa dhibi lahayd, Illaahay haduu ku tuso pay rollka ama liiska mushaharka fajac iyo amankaab ayaad la kowsan lahayd, Waar miyaad aragtay boqolaal qof oo danahooda gaarka ah qurbaha u jooga ama wadanka gudihiisaba jooga oo mushahaaro boqolaal ama kumaankun doolar qaadanaya waddankana aan waxba ugu filayn,

Waxaan ku soo gabagabeynayaa hadaba wasaaradahan kale maxaynu kharashkooda uga baahaney marhadii Macalinkan kaliyi uu inoogu Filanyey inuu inawada baro Quraankii iyo
Musigiiba.

Qalinkii Liibaan Xaaji Fagadhe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured