Xisbiga UCID Oo Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixiyay Jawaab Ay Gudida Diiwaangelintu Ka Soo Celiyeen Dawcad UCID U Gudbisay

0
Thursday October 10, 2013 - 10:04:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga UCID Oo Jawaab Deg Deg Ah Ka Bixiyay Jawaab Ay Gudida Diiwaangelintu Ka Soo Celiyeen Dawcad UCID U Gudbisay

    JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND JAMHUURIYADDA SOMALILAND
REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka
UCID
Justice and Welfare Party
حزب العداله والرأفة

Ref:195/ UCID /2013 Date:08/10/2013
Ku: Guddida diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka
Og: Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL
Og: Guddoomiyha Gobolka Saaxil
Og: Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL


Ujeedo: Jawaab Celin
Anagoo tixraacanay Qoraalka Sida Rasmiga ah uga soo baxay Xisbiga UCID ee Sumaddiisu ahayd Ref: 194/ UCID /2013 kuna taariikhaysnaa 02/10/2013 nuxurkiisuna ahaa Dacwad Xisbiga UCID Ku soo oogay kana dhan ah labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf, ku waas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE.
Waxaynu ka wada dharagsanahay hadaladii iyo barnaamijkii arintaa ku saabsanaa ee dhamaantood ka baxay warbaahinta Xukuumada iyo kuwa madaxa banaanba taas oo Xisbiga UCID uu ka hayo Cajalado IYO Ducumentiyo Kayd ah oo ka marag kacaya dhamaan hadaladii iyo ujeedadii munaasibadaas.

Wuxuu Xisbiga UCID idiin soo gudbiyay Dacwad buuxda oo ka dhan ah labada Xildhibaan ee kor ku xusan isagoo raacaya Xeer hoosaadka Xisbiga UCID, Xeer Lb14 iyo Xeerka Anshaxa Ururada si faahfaahsana ugu sharaxay dhamaan qodobada aanu u cuskanay labadan Xildhibaan.

Hadaba markaanu tixraacnay Warqada ka soo baxday Xafiiska Guddida Diiwaangelinta Ururradda iyo Axsaabta Qaranka ee sumadeedu ahayd REF:GDU/AAS/189/2013 kuna taariikhaysan 06/10/2013 Ogaysiintana lagu soo siiyay Xisbiga UCID sida tooska ahna ugu socotay labada Xildhibaan ee kor ku xusan taas oo nuxurkeedu ahaa su’aal lagu waydiinayo labada Xildhibaan in ay Xisbiga UCID ka baxeen kuna biireen Xisbiga KULMIYE iyo inkale.
Haddaanu nahay Xisbiga UCID waxaanu u aragnaa Guddida Diiwaan Gelinta Qaranka jawaab celinta ay soo gaadhsiiyeen Xisbiga UCID in aanay ahayn mid kuf u ah Xilkii iyo Waajibaadkii uu u jideeyay Xeerku iyo jawaabtaanu ka sugaynay toona.

Mar labaad waxaanu xusuusinaynaa Guddida Diiwaangelinta Ururdda iyo Axsaabta Qaranku in ay Xilkooda ay uga gutaan Dacwadan sida uu Xeerku ugu jideeyay kana ilaaliyaan arinkastoo baal marsan nuxurka laga sugayo.


WA BILLAAHI TAWFIIQ

Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Eng, Faysal Cali Waraabe



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured