Gudoomiyaha Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Baashe Moorgan oo Telefoon ku wadahadlay iyo sheekadii dhexmartay!.

0
Thursday October 10, 2013 - 09:46:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Baashe Moorgan oo Telefoon ku wadahadlay iyo sheekadii dhexmartay!.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Masuul mudakara oo aad ugu dhawdhaw Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka cudur daartay inaan magaciisa warbaahinta la gelin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Masuul mudakara oo aad ugu dhawdhaw Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka cudur daartay inaan magaciisa warbaahinta la gelin Hargeisa-(xogreebnews.com-Masuul mudakara oo aad ugu dhawdhaw Gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe oo ka cudur daartay inaan magaciisa warbaahinta la gelin ayaa Qarannews uga sheekeeyay, una xaqiijiyey inay jirto sheeko ku dhexmartay khadka Telefoonka maalmihii la soo dhaafay Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe iyo wiilka madaxweyne Siilanyo Soddoga u yahay ee Baashe Cawil X.Cumar.

Bashe Cawil X.Cumar oo ku magac dheer ama loo yaqaano “Moorgan” ayaa sida masuulkaasi u sheegay Qarannews ka soo wacay Faysal Cali Waraabe Telefoon Nambarkiisu qarsoon yahay (Unknown Numbar) oo aan la aqoonsan karin ama la garan Karin Numbarka soo wacay iyo meeshuu ka soo wacay toona.


Baashe Moorgan ayaa sida masuulkaasi u sheegay Qarannews si weyn u goolaaftamy ,goodiyey Faysal-na u sheegay inuu yahay “Moorgan” ninkii Faysal warbaahinta ka sheegsheegaayey ,una soo wacay inuu ku wargeliyo inuu isna mawjado cay iyo aflagaadooyina Face-book-ga iyo Jaraa’idka ugu afka dhaadheer Hargeysa u soo dhigi doono, isagoo ku hanjabay inuu kun qof oo kun magac isticmaalaya been abuur iyo wuxuu rabo ka faafin doono,dhaqaale buurana u adeegsan doono.

Hase yeeshee sida masuulkaasi Qarannews uga sheekeeyay Faysal ayaa la sheegay inuu si saraaxad leh ula kaftamay Baashe Cawil una sheegay inaanu isagu wax gaara ka sheegin,si gaarana u beegsanayn balse magacan Moorgan ee uu soo hadal qaadey aanu isagu bixin ee warbaahinta maxalliga ahi u bixisey, cay iyo aflagaadana aanay meesha oolin.

Isku soo wada duuboo wuxuu masuulkaasi sheegay in Wiilka madaxweyne Siilanyo soddoga u yahay Baashe Moorgan Erayo meeqaamkoodu hooseeyo oo aanu u meel deyin afkiisa ka soo burqanayeen intii ay Gudoomiyaha UCid oo uu isagu soo wacay telefoonka ku wada hadlayeen, waxaanu sheegay inuu Morgan ku cataabay in Faysal Siilanyo is hayaan ee uu isaga faraha ka qaado hadii kalena hirar cay iyo aflagaado ah miidhiyaha u soo dhigi doono!.Ku darsoo Gudoomiyaha Ucid Faysal cali waraabe oo warfidiyeenka Qarannews isku deyay inuu arintan wax ka weydiiyo ayaaney suurtogelin Telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa markaa awgeed.
cource qarannews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured