Iska horimaad hubaysan iyo Dirir ka dhex qaraxday laba Ardaa oo Beesha Bariga Burco ka soo wada jeeda+khasaarihii nafeed ee ka dhashay dagaalkaas!.

0
Thursday October 10, 2013 - 09:39:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska horimaad hubaysan iyo Dirir ka dhex qaraxday laba Ardaa oo Beesha Bariga Burco ka soo wada jeeda+khasaarihii nafeed ee ka dhashay dagaalkaas!.

    Qoor-lugud-(xogreebnews.com-Hal ruux oo Rayid ah ayaa ku dhintay, Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somalilanda wuu ku dhaawacmay iska horimaad iyo dirir ka dhex qaraxday laba Ardaa (Axmed Faarax iyo Suulal-madaw) oo ka soo jeeda Beesha bariga Bur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoor-lugud-(xogreebnews.com-Hal ruux oo Rayid ah ayaa ku dhintay, Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somalilanda wuu ku dhaawacmay iska horimaad iyo dirir ka dhex qaraxday laba Ardaa (Axmed Faarax iyo Suulal-madaw) oo ka soo jeeda Beesha bariga Burco degaanka Qararo oo ka tirsan Qoor-lugud. Qoor-lugud-(xogreebnews.com-Hal ruux oo Rayid ah ayaa ku dhintay, Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somalilanda wuu ku dhaawacmay iska horimaad iyo dirir ka dhex qaraxday laba Ardaa (Axmed Faarax iyo Suulal-madaw) oo ka soo jeeda Beesha bariga Burco degaanka Qararo oo ka tirsan Qoor-lugud.

Labadan Ardaa ayaa xoggaha xogreebnews heshay tibaxayaan in khilaafkoodu ka bilaabmay Dhul daaqsimeed Ardaa ka mid ahi doonayo inay Barraago ka qodataan,halka Ardaaga kalena diidan yahay.


Askarigan dhaawacmay oo dhaawaciisa laga dayrinaayo ayaa ka tirsanaa ciidamo Booliisa oo Xukumada Siilanyo degaankaas Qararo gurmad ahaan ugu dirtay si ay labada beelood u ka dhexgalaan oo dirirta u joojiyaan.

Geesta kale waxaa magaalada Burco ka baxay Oday dhaqameedyo xukumada Siilanyo abaabushay oo ka soo jeeda beesha bariga burco oo ay wehelinayaan ciidamo hubaysan si ay colaadaas aloosantay u demiyaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured