Xildhibaan Waabeeye Oo Dhaawac Gaadhsiiyay Xildhibaan Rayte, Iyo Xoog Oo Nac Nac Sigay

0
Wednesday October 09, 2013 - 19:24:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1055
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Waabeeye Oo Dhaawac Gaadhsiiyay Xildhibaan Rayte, Iyo Xoog Oo Nac Nac Sigay

    Hargaysa(xogreebnews.com-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye kuixgeenka Xisbiga Kulmiye ayaa manta dhaawac gaadhsiiyay Xildhibaan rayte kadib markii ay ka soo dareereen Dood uu Telefishanka HCTV ugu qabtay Xarunta Golaha Wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye kuixgeenka Xisbiga Kulmiye ayaa manta dhaawac gaadhsiiyay Xildhibaan rayte kadib markii ay ka soo dareereen Dood uu Telefishanka HCTV ugu qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda kaasoo la dhex dhigay afar Xildhibaan oo laba Mucaarad yihiin labana Muxaafad. Hargaysa(xogreebnews.com-Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye isla markaana ah Guddoomiye kuixgeenka Xisbiga Kulmiye ayaa manta dhaawac gaadhsiiyay Xildhibaan rayte kadib markii ay ka soo dareereen Dood uu Telefishanka HCTV ugu qabtay Xarunta Golaha Wakiiladda kaasoo la dhex dhigay afar Xildhibaan oo laba Mucaarad yihiin labana Muxaafad.
Xildhibaan Waabeeye oo isku dhigay inuu yahay Qoodha Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka difaaca wixii Mucaarad ku ah oo dhan ayaa la sheegay in uu Xildibaanka Feedh iyo Hidh isugu daray markii uu af-ku ka xumaaday waxaanay xildhibaano goob joog ka ahaa dhacdadan noo xaqiijiyeey in dhaawac soo gaadhay Xildhibaan Rayte oo ah Xildhibaan si xoog ah u naqdiya Qorshayaasha Xukuumadda.

Dooda Telefishanka HCTV u qabtay Xildhibaanadan ayaa waxa daadihinayay Wariye Suugaan yahan Cali Seenyo oo saxaafadda qaarkeed toddobaadkii ugu danbeeyay soo bandhigayeen in ay Xukuumadda Somaliland Mushahar gaar ah u qortay, waxaanu isugu keenay Xildhaibanaada kala ah Rayte, Xoog, Waabeeye iyo Bukhaari, waxaana la sheegay sababta dagaalka keentay in ay ahayd Dooda oo ay saluugeen Xildhibaanada Mucaaradka ahi.
Dhinaca kale, Xildhibaan C/raxmaan Xoog ayaa saaka isagoo ka xun hadal jees jees ahaa oo uu Xildhibaan Nacnac ku durayay aragtidiisa la xidhiidha qaadhaanka Jidka Ceerigaabo loo gurayo oo ay xildhibaanadu go’aansadeen in ay $ 100 bishiiba u jaraan ayaa kaladhkiisa soo jiiday isagoo damacsanaa in uu gacan-saaro balse markii danbe dib isku lad-qabeeyay, waxaanay dhacdadani isla saaka muujisay xaaladda dhabta ah ee ka dhex taagan Xildhibaanada oo aad u kala fog.
Labada dhacdaba waxa ay saaka ka wada dhaceen Golaha Wakiiladda Somaliland halkaas oo ay xildhibaanadda ku sugnaayeen, mana jrto illaa hada talaabo Goluhu ka qaaday dhacdooyinkan maadaama Fadhiga Golaha ay dibeda ka ahaayeen dhacdooyinkan oo dhami.
Qaar ka mid ah xildhibaanada oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino dhacdadan ayaa ku tilmaamay talaabo ay filayeen iyagoo si dadban ugu sibir saarayay Xukuumadda maadaama xurgufta siyaasadeed ee u dhaxaysa ay tahay mid ka soo aloosantay Xeerkii Wadooyinka ee u danbeeyay.
Xildhibaan Rayte ayaa ka soo horjeeda aragtida Xukuumadda waxaanu si xoog ah u daadifeeyaa qorshayaasha Xukuumadda, isagoo saaxiibo dhaw la ah inta ka soo horjeeda xisbiga iyo kooxda ay doonto ha ahaatee.
XOGREEBNEWS.COM- Hargaysa Office
Source waaheen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured