GUDIDA DHAQAALAHA EE WAKIILADA OO KU TALIYAY IN LA ANSAXIIYO MIISANIYADA 2014

0
Monday October 07, 2013 - 18:34:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDIDA DHAQAALAHA EE WAKIILADA OO KU TALIYAY IN LA ANSAXIIYO MIISANIYADA 2014

    Hargaysa(xogreebnews.com-Gudiggu waxay Ku Baaqday In Golaha la Horkeeno Ha’yadaha Miisaaniyada ku jira ee aan sharciyadooda la Ansixin Gudigga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta warbixin ay horgeeyeen aqalkaasi waxay ku baaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Gudiggu waxay Ku Baaqday In Golaha la Horkeeno Ha’yadaha Miisaaniyada ku jira ee aan sharciyadooda la Ansixin Gudigga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta warbixin ay horgeeyeen aqalkaasi waxay ku baaqeen in la ansixiyo miisaaniyad sanadkeedka qaranka ee 2014-ka ee dhawaan ay wasaarada Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha. Hargaysa(xogreebnews.com-Gudiggu waxay Ku Baaqday In Golaha la Horkeeno Ha’yadaha Miisaaniyada ku jira ee aan sharciyadooda la Ansixin Gudigga dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta warbixin ay horgeeyeen aqalkaasi waxay ku baaqeen in la ansixiyo miisaaniyad sanadkeedka qaranka ee 2014-ka ee dhawaan ay wasaarada Maaliyaddu u soo gudbisay Golaha.
Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Gudoominayay Guddoomiye C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxay gudiga dhaqaaluhu xildhibaanadda ka dalbadeen inay meel mariyaan miisaaniyaddan.

Guddoomiyaha Gudida dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Md. Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar-xaashi, ayaa Golaha ka akhriyay warbixin dheer oo la xidhiidha daraasado kala duwan iyo qiimayn guud oo ay ku sameeyeen ujeedooyinkii iyo siyaasaddii ay xambaarsanayd odoroska miisaaniyad sanadeedka.
Warbixintaasi oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:-

1. HORDHAC
Mudanayaal sida aad ka war qabtaan waxa aanu mudo kooban haynay Odoroska Miisaaniyadd Sanadeedka Qaranka ee 2014ka si aanu uga gudano waajibaadka dastuuriga ah.
Miisaaniyadu waa halka laga garan karo dhaqaalah wadanka iyo isbadalkiisa, iyo siyaasadu guud ee xukuumadu dhaqaalaha ka leedahay.
Miisaaniyada sanadkan waxay dhan tahay qadar dhan 1,276,033,716000 SLSHoo u dhiganta dollar ahaan $212,672,286 taas oo u kula baxda sidan:
1. Miisaniyaadda dawladda dhexe oo dhan 912,000,000,000 una diganta $152,000,000.
2. Miisaniyaada Hayaddaha Madaxa Banan (Banka, Dekkadda, Wakaladda Bihyaha Madbacadda Iyo Korontadda IWM.) oo dhan 153,197070,793 SLSH una dhiganta$25,532846.
3. Dawlahada hoose oo dhan 129,836,638,953 una dhiganta 21,639,440.
4. Deeq ay balan inoogu qaadeen Denmark Iyo Brittan 81,000,000,000SLSH una dhiganta $13,500,000.
5. Missaniyadan oo ay ka dhex muuqdaan korodh mushaharo shaqalaha iyo ciidanamdda oo ah 20% korodhka gunnadda agaasimyasha guud oo noqonaysa 3000,000SLSHqofkiibabishiiba iyo agaasime waxeedyadda ay u kordhaysa 600,000SLSH qofkiiba oo ,waxaa sidoo kale ka dhex muuqda kharashka loogu talo galay diwaangalinta codbixiya yasha (voter registration ) oo dhan 6,000,000,000SLSH. Waxaa sidoo kale xusid mudan kharashka ku kordhaaya darajadda ciidanka oo dhan 23,244,904,000SLSH.
6. Waxay miisaniyadu si cad u qeexaysaa siyaasada guud ee miissaaniyadda oo ka kooban sadex iyo labaatan qodob oo ay ka mid yihiin qodobo golahani hore u soo jeediyay kuna lifaaqnaa miisaaniyadihii tan ka horeeyay
7. Waxa ka muuqata miisanayadan korodh xaga dakhli ururinta ah ee miisaaniyadii 2013kii iyo odoroska miisaaniyada 2014ka.
2. KULAMADDA DHEXMARAY GUDIDDA Dhaqaalaha IYO
A) WASARADDA MALIYADDA IYO HAYADAHA MADAX BANAN.
1. Kulanka Wasaaradaa Maliyada iyo Gudiga Dhaqaalaha.
Gudidu waxay kulan la yeesheen Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Mudane Cabdi Casiis Mohamed Samaale si ay uga xog waraysato nuxurka ay xambaarsan tahay miiisinyadda 2014 waxayabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa
ü Korodhka Miisinyadda
ü Kordhinta Mushaharka Shaqalaha Iyo Ciidaamadda
ü Hayadaha aan Sharcigooda golaha la hor keenin
ü Madaxa loogu magac daray hab maamulka khasnadda dawladda oo dhan 165,327,174,774SLSH.
ü Hayadaha iyo Wasaaradaha ay ka muuqato kharash badan sida TV qaran, ilaaladda madaxtooyadda, Wasaarada Waxbarashadda, Wasaradda maaliyadda IWM.
ü Wax ka badelka Takaaliifta Cashuurta
Wasiirku wuxuu xog waran ka siiyey gudida qodobadaas kor ku xusan isagoo faahfaahin iyo sharaxaad ka bixiyey korodhka Hayadda illaaldda madaxtooyada oo sheegay in 300 oo askari oo dheerad oo laga soo wareeiyey laga soo wareejiyay Ciidanka booliska laguna kordhiyey illaaladda madaxtooyada.
Waxaa kale oo uu wasiirku xusay in taakliif kooban oo lagu kordhiyey macdanaha iyo dhagaxaanta qaaliga ah ee dalkeena laga baadho iyo liisamadda loo qaato.
Waxaa sidoo kale wasarada ganacsigu soo saartay wax ka bedelna ku samaysay cashuuraha laga qaado hayada gaarka loo leeyahay ee ganacsiga iyo kuwa lagu shuraakoobaba (muwaadiniin iyo ajanabi labadaba) waxaa kale oo wax ka badal lagu sameeyay cashuuraha kala wareejinta gadiidka basaska tagaasida iyo liisamada rarista iyo dejinta (clearance and forwarding)tusale ahaan kala wareejinta gaadidka oo ahaa 3% qiimaha gaadhiga ayaa laga dhigay sidan soo socota busask iyo tagaasidda $55 gadiidka kale oo dhan $105. liisanadda rarista iyo dejinta $500 waxaana laga dhegay $250 taas oo tusaysa in aan la kordhin cashuur weyn oo la sanad miisaniyeedda 2014.
Wasiirku waxaa uu gudida u sheegay in wasaradaha boosaha iyo isgaadhsiinta,horumarinta deegaanka iyo reer miyiga, wasaaradda caafimaadka loo kordhiyey kharashka si loo hormariyo wasaradahaas.
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in ay kharakh la yimaadeen wasaradaha iyo hayadaha la kordhiyey taas oo loo qoondeeyey kharash dheeraad ah sida ka muuqata buuga miisanayidda 2014.dhinaca kale waxa uu wasiirku soo dhaweeyey cashuurta la ansixiya ee horumarinta wadooyinka.
Guddida iyo wasiirka maaliyadu waxa ay isla qaateen in hayaddaha aan sharciga ahayn sida ugu dhakhsaha badan loo hor keeno golaha
2. MADAXA LOOGU MAGAC DARAY KHASNADDA DAWLADDA:
Madaxan oo layskugu geeyey kharashiyaad badan oo ay maamuli jireen wasaraddo iyo hay,ado madaxa banana kharashiyaadkaas waxaa wada jir u maamuli doona madaxweynaha, wasiirka maaliyadda iyo wasaraddaha ama hayadaha uu kharashkaasi khuseeyo
3. BAANKA DHEXE
Gudida dhaqaalaha, maaliyada iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiiladu iyada ooo cuskanaysa qodobka 53aad farqadiisa 7aad ee Dastuurka qaranka waxay u yeedheen Gudomiyaha Bank Dhexe si ay wax uga waydiiyaan odosorka miisaniyidda ee Baanka dhexe 2014.
Maadaama uu baanku yahay halbawlaha dalka marka laga eego dhinaca dhaqaalaha.
Goluhu waxaa uu u ansixyey xeerar sida xeerka bank dhexe xeerka baananka islaamiga ah waxana uu goluhu gacanta ku hayaa xeerka ka ganacsiga hawlaha baananka taasi waxay ku tusaysaa halka uu kaga jiro baanku dalkan JSL waxay gudidu dar dar galinaysaa wixii xeerar ah ee kaga xidhan baanka golaha wakiiladda si uu banku ugu madax banaanaado hawlihiisa shaqo oo aanu u ekaan inuu noqdo khasnada dawlada dhexe oo kale.
Gudida iyadoo uga wakiil ah Golaha arrimaha maaliyadda iyo ganacsiga raacaysana dastuurka qodobkiisa 54aad farqadda 3aad oo sheegaya (in la daabaco lana soo saaro shahadooyin rahmadeed iyo kuwo kale oo leh qiimo damaanadeed )
Isla qodobkaas faqradiisa 4aad oo dhigaya in golaha awoodiisu gaadhsiissantahay (Habaynta Nimaadyadda Dhaqaale Iyo Lacageedba), baanku wuxuu ka mid yahay hayaddaha soo gudbiyey miisaniyadoodii, gudida iyo maamulka baanku waxay ka wada hadleen arrimaha soo socda:
Miisaniyada banka dhexe, Daabacadda lagacaha cusub iyo bedelkii lacag Soomaliga ee Gobolka Sanaag, Dabacadda lacagah, Qiimaha sarifka bank (Bank rate) oo 4000 SLSH iyo soo daabicista baasaborka Somaliland.
4. MIISANIYAADA BANK:
Odorosak miisaaniyaada bank dhexe oo dhan 20,451,754,116.60SLSH.i iyadoo ay miisanayaddii 2013 ay dhamayd 19,167,140,106SLSH. Farqiga ka muuqda oo ah 1,284,614,010.60SLSH, una dhigma 10% .
Marka la eego kharashka ,miisaniyyada ee 2014 waxaa laga dhex milicsanayaa sarifka kala duwan ee lagacta.
5. DABACAADA LACAGTA:
Dastuurku waxaa uu waajinbinyaa in ogolaanshaha daabacada lacagta sida (nooca ay tahay, tiradda ay dhan tahay) waxaanay ka mid tahay awoodaha golaha wakiiladda ee dastuurku jideeyay sidaa daradeed gudidu iyadoo wakiil ka ah golaha waxay weydiisay gudoomaha bank dhexe tiradda lacagta uu banku soo dabacay labadii sano ee u danbeeyey iyo kharashka ku baxay daaabacada lacagtaas iyo sidii loo isticmalay hadaba waxaa laysla qaatay in fadhi danbe layskugu yimaado si loo helo faahfaahin arintaa ku saabsan.
6. SARIFKA LACAGTA
Sida ka muuqatay warbixintii guddida ee sanadk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured