Maraykanka Oo Sheegtay Weerakii Lagu Qaaday Guriga Hogaamiyaha Shabaab Iyo Hogaamiyihii Alqaacida Liibiya Oo La Qabtay

0
Sunday October 06, 2013 - 14:17:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Sheegtay Weerakii Lagu Qaaday Guriga Hogaamiyaha Shabaab Iyo Hogaamiyihii Alqaacida Liibiya Oo La Qabtay

    Baraawe(xogreebnews.com- — Ciidamada gaarka ah ee Marykanka ayaa ka fuliyay qaarada Africa laba weerar oo qorshaysan oo kala duwan, mid ka mid ah labada weerar waxuu kadhacay laguna ugaarsanaayay hogaamiyaha ama amiirka Al-shabaab, kan kalane w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraawe(xogreebnews.com- — Ciidamada gaarka ah ee Marykanka ayaa ka fuliyay qaarada Africa laba weerar oo qorshaysan oo kala duwan, mid ka mid ah labada weerar waxuu kadhacay laguna ugaarsanaayay hogaamiyaha ama amiirka Al-shabaab, kan kalane waxuu ka Baraawe(xogreebnews.com- — Ciidamada gaarka ah ee Marykanka ayaa ka fuliyay qaarada Africa laba weerar oo qorshaysan oo kala duwan, mid ka mid ah labada weerar waxuu kadhacay laguna ugaarsanaayay hogaamiyaha ama amiirka Al-shabaab, kan kalane waxuu ka dhacay caasimadda
ilwareeddalka Liibiya, ayada oo looga gol lahaa in lagu soo qabto ama lagu dilo hoggaamiyo saro oo katirsan Alqaacida, kaas oo ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday safaaradihii Maraykanka ee wadamada Kenya iyo Tanzania sanadkii 1998.

Weerarka qorshaysnaa ee lagu qaaday guriga hogaamiyaha Al-shabaab ayaa ka dhacay goob ay ku xoog badan yihiin kooxda .Weerankaan ayaa ahaa mid hal sibuuc iyo bar ka hor la qorsheeyay, sida ya shegeen qaar ka tirsan saraakiisha Maraykanka, laakiin, waxaa soo dadajiyay weerarkii ay shabaab ku qadeen xaruntii ganacsiga ee westgate ee magaalada Nairobi.
Ciidamo si gaar ah u tababar ee Maraykanka,, laguna magacaabo Navy SEALa ayaa weeraka ku qaaday guri ku yaalo magaalada Baraawe oo uu kusugnaa Axmed godane oo ah hogaamiya shabaab, laakiin, ma aysan xaqiijin in ay dileen iyo in kale, sababta oo ah waxay la kulmeen iska cabin xoogan, iyadoo uu meesha ka dhacay dagaal adag, waxaan qasab ku noqotay ciidamadii Maraykanka in ay isaga soo baxaan goobta, ayaga oo hubin in ay dileen iyo inkale, sidaan waxaa sheeyay sarkaal katirsan ciidamada Maraykanka.
Howlgalkii kale ee laga sameeyay caasimada Liibiya ayaa ugu dambayntii waxaa gacanta lagu dhigay Abuu Anas al Liibi, oo looga shakisan yahay in uu gacan wayn ka gaystay weeraradii lagu qaaday safaaradihii Maraykan ee Dara salaam, Tanzania iyo Nairobi Kenya.
Dowladda Liibiya ayaa la sheegay in ay wax ka ogayd weerarka lagu soo qabtay sarkaalkaan ka tirsan Alqaacida. Illaa hada lama ogo meesha la geeyay iyo khasaaraha kale ee ka dhashay weerarkaan ka dhacay Liibiya.
Al-shabaab ayaa horay u sheegay in ay ka dambeeyeen wararkii ka dhacay Baraawe dowladaha Turky iyo Britain, inkasto goor dambo daowladda Turky iska fogaysay in ay dambaysay weerarkaas.
Al-shabaab ayaa sheegtay in ay dileen hal askari oo katirsan ciidamada Britain, ayna dhawaceen ku dhawaad 5 askari.
Weeraradaan labada ahaa ee sida aad ka ah loo qorsheeyay, dhacayna isku waqtiga ayaa ku tuinaayo in ciidamada Maraykanka ay awood u leeyahay in ay si toos ugu tagaan goobaha ay ku dhumalaystaan argagixisada.
xogreebnews.com-London Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured