Weerar Saaka Waaberigii Lagu Qaaday Magaalada Baraawe Oo Fuliyeen Ciidano Ajaanib Ah

0
Saturday October 05, 2013 - 11:24:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Saaka Waaberigii Lagu Qaaday Magaalada Baraawe Oo Fuliyeen Ciidano Ajaanib Ah

    Baraawe (xogreebnews.com-War goordhow naga soo gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar saaka waaberigii lagu qaaday magaaladaasi ka dib markii ciidamo ajnabi ah oo la socday diyaarad ay ku dul degeen guri ku yaall

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baraawe (xogreebnews.com-War goordhow naga soo gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar saaka waaberigii lagu qaaday magaaladaasi ka dib markii ciidamo ajnabi ah oo la socday diyaarad ay ku dul degeen guri ku yaalla magaaladaasi. Baraawe (xogreebnews.com-War goordhow naga soo gaaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar saaka waaberigii lagu qaaday magaaladaasi ka dib markii ciidamo ajnabi ah oo la socday diyaarad ay ku dul degeen guri ku yaalla magaaladaasi.
Dad deegaanka ku sugan ayaa sheegay inay maqleen rasaas culus iyo bambooyin qarxay oo la isweydaarsanayo iyadoo ciidamo ajnabi ah ay ku soo daateen qeyb ka mid ah magaalada.
Si dhab ah looma oga cida weerarkan soo qaaday iyo waxa ay ahaayeen ciidamada ajnabiga ee weerarka soo qaaday, waxaase wararku sheegayaan in ciidamadii ajnabiga ahaa ee weerarka fuliyey ay iska hor yimaadeen ciidamo ka tirsan Al Shabab oo ku sugnaa guriga lagu soo dul degey.

Waxaa la sheegayaa illaa hadda in xal ruux uu dhintay dhowr kalana ay dhaawacmeen.
Ciidamadii ajnabiga ahaa ayaa markiiba isaga laabtay magaalada waxayna ku baxsadeen diyaaradii ay saarnaayeen oo ahayd nooca Qumaatiga u kaca ee loo yaqaano “helicopter”.
Ilo wareed aan dooneyn in la magacaabo ayaa sheegay in guriga la soo weeraray uu ku sugnaa hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Cabdi Godane iyo saraakiil kale oo ka mid ah kooxda Amniyaadka Al Shabaab, hase yeeshee illaa hadda lama xaqiijin karo in guriga uu deganaa Godane iyo in kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured