Somaliland Iyo Somaliya Oo Mar Kale Ku Kulmaya Dalka Turkiga Si Loo Sii Ambaqaado Wada Hadaladii Horay U Furmay

0
Saturday October 05, 2013 - 08:06:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 892
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Iyo Somaliya Oo Mar Kale Ku Kulmaya Dalka Turkiga Si Loo Sii Ambaqaado Wada Hadaladii Horay U Furmay

    Hargeysa(xogreebnews.com- Bisha November ee soo socota ayaa la filayaa in wafdiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kalunkii saddexaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo lagu sii wadayo wadahadalka u socda labada dhinac. Wasiirka ganacsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Bisha November ee soo socota ayaa la filayaa in wafdiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kalunkii saddexaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo lagu sii wadayo wadahadalka u socda labada dhinac. Wasiirka ganacsiga
Hargeysa(xogreebnews.com- Bisha November ee soo socota ayaa la filayaa in wafdiyo ka socda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay kalunkii saddexaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo lagu sii wadayo wadahadalka u socda labada dhinac.
Wasiirka ganacsiga iyo maal-gashiga Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland oo dalka Turkiga ku sugan ayaa sheegay in madaxda Turkiga iyo iyagu ay sidaas isku af-garteen.
“Madaxda Turkiga iyo innagu waxaan isla garannay in kulanka saddexaad ee Somaliland iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhaco dalka Turkiga 08-da bisha November ee soo socota,” ayuu Cumar ku sheegay wareysi uu maana siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in socdaalkooda hadda uusan wax shuqul ah ku lahayn kulan ay la yeelayaan xubno ka socda dowladda Soomaaliya, balse ay halkaas u tageen sidii madaxda dalkaas ay ugala hadli lahaayeen arrimo dhinaca ganacsiga iyo maal-gashiga ah.
“Wafdigeennu waxay la kulmeen ra’iisul wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo wasiirka dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka Turkiga, waxaana kulankaas uga hadlnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac ee ganacsiga iyo maal-gashiga,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo horay u sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaa laba jeer oo wadahadallo ku yeeshay dalka Turkiga, kuwaasoo ay kaga hadleen sidii ay u sameysan lahaayeen xiriirro iskaashi oo buuxa.
Labada dhinac ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay wadahadallada sii wadi doonaan inta natiijo wax ku ool ah laga gaarayo, inkastoo Somaliland ay ku
adkeysanaysay mar walba inaanay wax gor-gortan ka galay gooni-isu-taaga ay horay ugu dhawaaqday.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doono wadahadallada ay kula jirto Somaliland, isagoo ammaan u jeediyay dowladda Turkiga oo dadaal badan ku bixisay sidii ay u dhici lahaayeen wadahadalladii hore.
Balse madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isaguna ka sheegay magaalada Hargeysa toddobaadkan markii uu u dhoofayay dalka Turkiga in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan hadii la wada-hadlo iyo haddii kale.
xogreebnews.com-Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured