WASIIR MAXAMED YONIS BIIXI WUXUU KA DHAMAAN WAAYAY DIFAACA WASIIRADA UU SIILAANYO ADEERKA U YAHAY EE LACAGAHA LUNSADAY, DARDAR GELINTII WASAARADDIISA EE LAGA FILAYAYNA MA AQAAN MEESHA AY MARTAY?

0
Saturday October 05, 2013 - 07:50:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIR MAXAMED YONIS BIIXI WUXUU KA DHAMAAN WAAYAY DIFAACA WASIIRADA UU SIILAANYO ADEERKA U YAHAY EE LACAGAHA LUNSADAY, DARDAR GELINTII WASAARADDIISA EE LAGA FILAYAYNA MA AQAAN MEESHA AY MARTAY?

    Waxa aan odhan karaa maamulka Somaliland waa maamulka/dalka keli ah ee aan lahayn qorshe ka dheer bishan lagu jiro. Waxa aynu wada ognahay in hayadda Qaramada Midoobay (UN), dawladaha reer galbeedka iyo dhamaan dunida carabtu isku raacsan yihiin in s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan odhan karaa maamulka Somaliland waa maamulka/dalka keli ah ee aan lahayn qorshe ka dheer bishan lagu jiro. Waxa aynu wada ognahay in hayadda Qaramada Midoobay (UN), dawladaha reer galbeedka iyo dhamaan dunida carabtu isku raacsan yihiin in sanadka 2016ku noqdo
Waxa aan odhan karaa maamulka Somaliland waa maamulka/dalka keli ah ee aan lahayn qorshe ka dheer bishan lagu jiro. Waxa aynu wada ognahay in hayadda Qaramada Midoobay (UN), dawladaha reer galbeedka iyo dhamaan dunida carabtu isku raacsan yihiin in sanadka 2016ku noqdo sanadka lasoo celinayo midnimada wixii la isku odhan jiray “Somali Republic”. Sida ku cad dhamaanba qoraalada kasoo baxay heyadda Qaramada Midoobay, heshiiskii Dubai, shirkii London, shirkii Turkiga, iwm waxa ku cad in dawladda fadaraaliga ee Somaliya ay tahay dawlad rasmi ah, wixii kasoo hadhayna ay yihiin maamul hoosaadyo, xataa Somaliland-na dhehoo.


Shirkii dhawaan ka dhacay Brussels( bishan ina dhaaftay ee Sept. 2013), waxa lagu cadeeyay in sanadka 2016 la qaban doono doorasho madaxweyne iyo baarlamaan oo ka dhicidoonta dhamaanba dalkii la isku odhan jiray Somali Republic, min Saylac ilaa Raskonbooni. Si loogu madax salaaxo maamulka hurda ee Somaliland waxa la sheegay in lagula dhaqmayo Somaliland wax ay ugu yeedheen: SSA (Somaliland Special Arrangement), oo ah in si ka yara duwan maamul goboleedyada kale loola dhaqmayo, laakiin ay ka mid tahay guud ahaan waxa loogu yeedhay: Somali New Deal.

Waxa kaloo jirta in meel kasta iyo goor kasta madaxda Somaliya, ha u horeeyeen Madaxweynaha Somaliya, Mr. Xasan Shiikh iyo Raysal-Wasaaraha Somaliya, Mr. Saacid ay sheegaan in heshiisyada iyo wada hadalada u dhexeeya Somaliya iyo Somaliand ay ku salaysan yihiin soo celinta midnimaddii Somaliya, welibana ay sheegeen marar badan in aanay aad u kala fogayn oo ay aad ugu rajo weyn yihiin in ay caadifaddu ka baxdo dadka iyo maamulka Somaliland, waa sida ay u dhigeene. Hadaba waxa wax lala yaabo ah in maamulka Madaxweyne Siilaanyo weli kusii jeedo wadahadalka aan qiimaha lahayn ee weliba lagu bahdilayo. Waxa aan anigu aaminsanahay in mar kasta oo dawladda Somaliland la fadhiisato ama la hadasho maamulka Muqdisho ay guul weyn u tahay maamulkaas Muqdisho, waayo waxa ay awood u yeelaysaa maamul aan itaal iyo awood-toona lahayn.

Maamulka Muqdisho waxa uu meesha ku fadhiyaa saddex dhadhaar oo kala ah: Awooda ciidamada African Union-ka, dhaqaalaha tirade badan ee UN-ta iyo dawladaha reer galbeedku siiyaan oo beryahaa dambe inteeda badan loo soo mariyo dawladda Turkiga iyo ugu dambayn magac/aqoonsi caalami ah oo ay dabada ka riixeen dawladaha derisku. Waxa aan odhan karaa in dawladda Somaliland ee uu madaxweynaha ka yahay Mudane Siilaanyo ayna haba yaraatee fahmin sida ay dheeshu u socoto, intii ay isku deyi lahayd in ay saddexdaas dhadhaar kala dhantaali lahaydna ay weliba ugu sii dartay dhadhaar afraad oo sii siinaya awood aan hore loo arag. Waa tan la fadhiisiga iyo qiime u yeelida maamulka Xasan Shiikh’e.

Maadaama dawladda Somaliya ay sheeganayso Somaliland, isla markaana sii xoogaysigeedu yahay carqaladda ugu weyn ee ka hor iman karta qadiyadda Somalind, maxay Somaliland u taageeri wayday maamulada iyo shaqsiyaadka aadka uga soo horjeeda in maamulkaas Somaliya lugaha isku taago. Sida tusaale ahaan, maamulka Puntland oo aad u caddaystay in uu diyaar u yahay mijo xaabinta maamulka Xasan Shiikh (Puntland sidaan doono aan isku hayno’e, laakiin arrinkanu waa mid Somaliland gacan kusiin karto Puntland). Maamulada kasoo baxay Jubbooyinka ee raba in aanay dawladda Xasan Shiikh taabo gelin, iwm.

Sida aynu wada ognahay waxa uu majaro haboow badani ku dhacay siyaasaddii Arrimaha Dibedda ee Somaliland tan iyo intii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Siilaanyo, waxase iga sii yaabiyay markii xagaagii (summer 2013) loo dhigay indho sarcaad dadka reer Somaliland oo loo sheegay in lasoo helay niman belaayo ka dhacday oo aqoonsigii Somaliland ku keenaya muddo gaaban. Waxa aynu u wada taagnayn, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu kharash gareeyay in ka badan $150.000 oo diyaarado khaas ah lagu soo dhaweeyay, in ka badan 3 wasiir, 10 Land Cruiser, 14 ilaalo ciidan ahna loo xilsaaray, loona dalxiis geeyay dalka koone ilaa koone.

Su’aashu waxa ay tahay maxaa uga soo noqday dadka reer Somaliland lacagtaas ay dawladda Somaliland ku khasaarisay is tuska iyo fahan la’aanta siyaasadda Arrimaha Dibedda? Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, xagee ka dhacay, meeday aqoonsigii uu Somaliland usoo raadinayay? Inta keli ah ee aan ilaa hadda aan ka haynaa waa isaga oo kolba meel kula shira 100 islaamood oo Somalilanders ah, una sheega intii yarayd ee faanka ahayd; Waxaan ahay Professor aduunka laga yaqaan, Somaliland dadkeedu waxba ma garanayaan, aniga mooyee…, iwm, iwm. Prof. Axmed xagguu ka dhacay xidhiidhkii uu aduun weynaha la lahaa? Ilaa hadda kumaynaan arag, iska daa dalal kalee xataa dalkan uu degen yahay ee USA, isaga oo dawladeeda marna u tegay: Mee xidhiidhkii US State Department-ku? Mee xidhiidhkii Congress-ka Maraykanku? Mee xidhiidhkii US Senate-ku? Dawladda Madaxweyne Siilaanyo eeku takhakhustay shahaado bixinta iyo indho sarcaadka beenta ah ayaynu weydiin?.

Waxa isna sidoo kale diyaarado gaar ah loogu soo dhaweeyay wasiirkii cusbaa ee Arrimaha Dibedda Mr. Maxamed Yonis Biixi (the new Biixi). Run ahaantii ilaa hadda maynaan arag wax is bedel ah amaba horumarin ah oo uu wasaaradaas ku sameeyay. South Sudan, weli sidii ayay u safiir laadahay. USA iyo Kenya oo noqon kara halbowlaha siyaasadda Arrimaha Dibedda ee S/land ilaa hadda wax laga qabtay ma jiraan. Uganda iyo South Africa oo muhiim u ah siyaasadda Somaliland safaaradahoodii xagee ka dhaceen? Wasiir Biixi waxa aynu aragnaa in uu aad ugu mashquulay difaacidda wiilal ama wasiiro uu madaxweyne Siilaanyo adeer u yahay. Waxa aan uga jeedaa: Arrinkii diyaaradda Ethiopian Airlines iyo shirkaddii Shidaalka ee Genel Energy. Shirkadahan arrinkoodu waxa uu khuseeyaa Wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Wasiirka Macdanta oo uu labadaba madaxweynuhu adeer u yahay, labada arrimoodna ay salka ku hayaan musuq maasuq iyo lacago la lunsaday. Kaba sii darana Wasiir Biixi mabuu joogin dalka markii lacagahan la dhacayay, mana garan karo meelaha iyo sida loo qaybsaday. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Xaajo nimaan ogayni indhuhuu ka ridaa”.

Xaggee ka dhacday dardar gelintii siyaasadda Arrimaha Dibedda ee la inoo sheegayay? Waxa kale oo iyana wax lala yaabo ah in mar kasta oo Wasiirka Arrimaha Dibedda loo diro meel, la daba dhigo qof ka mid ah qoyska ama qaraabada hoose ee Madaxweynaha, xataa iyaga oo aan xilal dawladeed haynin. Tusaale ahaan: Socdaalkii Dubai ee la daba dhigay Baashe yare (wiilka uu sodoga u yahay Madaxweynuhu oo aan wax xil ah ku magacawnayn), socdaalkii Nairobi oo aynu wada ognahay cidda la socotay iyo kii London oo iyana aynu ka wada dheregsanahay.

Ugu dambayn waxa aan usoo jeedin lahaa maamulka iyo madaxda Somaliland in ay ka daayaan indho sarcaadka iyo sheekooyinka khiyaaliga ah shacabka Somaliland oo ay usoo ban dhigaan waxa ay ka damacsan yihiin mustaqbalka dalkan iyo dadkan. Su’aasha loo baahan yahay in maamulka Somaliland ka jawaabo ayaa waxa ay tahay: Maxaa inooga arrin ah sanadka 2016 iyo qorshaha SSA ama New Deal?


Yusuf Budle,

UCID Secretary General for Foreign Affairs and International Relations

Contact: UCIDInternational@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured