Talo Muhiima ah oo Ku Socota Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

0
Saturday October 05, 2013 - 07:48:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Muhiima ah oo Ku Socota Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland.

    Salaamu Calaykum. Mudane Wasiir, Waxanis xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad wax ka qabato tayada Waayirka lagu soo xidhayo garoonada Hargeisa iyo Berbera. Waxan sheeda ka arkay tiirarka laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salaamu Calaykum. Mudane Wasiir, Waxanis xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad wax ka qabato tayada Waayirka lagu soo xidhayo garoonada Hargeisa iyo Berbera. Waxan sheeda ka arkay tiirarka laga
Salaamu Calaykum. Mudane Wasiir, Waxanis xushmad leh kaaga codsanaynaa inaad wax ka qabato tayada Waayirka lagu soo xidhayo garoonada Hargeisa iyo Berbera. Waxan sheeda ka arkay tiirarka laga taagay Airportka berbera ee lagu xidhayo Waayiyarada deyrka u noqonaya Airportka oo ah kuwo dhulka lagu taagay oo aan lahayn wax sees ah. tiirarka nuucan oo kale ahi tayo ahaan waa laga fiican yahay sababta oo ah xoolaha iyo dadkuba dhulka ayay si dhib yar uga soo dusi karayaan. waxan kuu soo jeedinayaa in Tiirarka Shubka ah la raaciyo Sees dhererkiisu yahay kor u yahay 50cm oo dushana laga raaciyo


Shub ka dibna laga dhex taago Tiirarka Shubka ah iyo Security Wireska.
Faa´iidada uu leeyahay Seeska nuucan ahi waa inuu Airportka ka ilaaliyo in xoolaha iyo dadku ka hoos dusaan Waayirka (Fencega) iyo inuu ka ilaaliyo Gawaadhidu inay soo jiidhi karaan hadii xiitaa ay dhacdo inay falal argagixiso la isku dayo Ilaahay inaguma keenee. markaa Wasiir Waa inaad ku amartaa Shirkadaha dhisaya Deyrka Waayirada ah (Airport Security Fence) inay u yeelaan Sees shub ah oo dhererkiisu yahay 50cm ka dibna laga dhex taago tiirarka Shubka ah iyo Waayirada. Waa tayada Caalamiga ah ee loo yeelo Garoomada u baahan in amaankooda aad loo sugo. Airportka Hargeisan waxa haboon in isaga si gaara xooga loo saaro oo aan tiirarkaa Shubka ah la iska taagin Sees la´aan.

Mudane Wasiir, Qofka Garoonka ku jiraa inta badan ma arko basle shacabka ku daawanayaa ayaa arkaya wax badan oo ay tahay laguu sheego si aad wax uga qabato. runtiina waan kaaga mahad naqaynaa dhibta xooga leh ee kaa soo gaadhay shirkadii macmalka ahayd ee aan khibrada u lahayn Dhisida Airportska ee la siiyay dib u dhiska Airportka hargeisa. waanan ognahay inaad subax walba dul taagnaan jirtay oo ay xiitaa marka aad ka dul-dhaqaaqdo ay shaqada joojin jireen sida ay ii sheegeen dad ka ag dhow Airportka Hargeisa. Mudane Wasiir kolay khibrad kuugu inoogu filan dhibta ay leeyihiin shirkadaha been abuurka ah ee isku keenkeenka ah ee sheegta inay khibrad u leeyihiin shaqo aanay qaban karin. wixi imika ka danbeeya waa inaad ka taxadirtaan shirkadaha nuucan oo kale ah ee halista gelin kara mustaqbalka iyo Aaminaada dadka ina taageera ee deeqaha ina siiya.

Waxan ku faraxsanahay hadal Wasiirka Qorshaynta maalin dhaway ka soo yeedhay mar suaalo lagu wadiinayay barnaamijka Dadkaaga la hadal. wuxu sheegay inay Dawladaha deeqda ina siiya ay Somaliland ka codsan doonto inay wixii qandaraas dhinaca dhismaha ah iyo technical issueska ku saabsan inay shirkado khibrad leh ay iyagu la galaan heshiis inaguna tayada aan ilaashano si loo ilaaliyo kalsoonida deeq bixiyaha ina caawinaya iyo tayada dhismaha ama Ceelalka iyo waxa la midka ah.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Yuusuf S. Wacays



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured