Cabanaanta wasiir Cukuse iyo hadal badnaanta Ciidagale oo waliba saamigooda saluugsani sideebey uwada socon karaa.

0
Saturday October 05, 2013 - 07:42:49 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabanaanta wasiir Cukuse iyo hadal badnaanta Ciidagale oo waliba saamigooda saluugsani sideebey uwada socon karaa.

    Wasiir Cukuse oo markii ugu horeysey xukumada Siilaanyo ay fursad usiisey inuu hogaamiyo beelaha Ciidagale ayaa waxey noqotey mid aanu wasiirku adkesigeedi lahayn oo kii hadlaba uu odhanaya maxaad u hadashey anigaad kursigeyga duulimaad ku tihiiin wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Cukuse oo markii ugu horeysey xukumada Siilaanyo ay fursad usiisey inuu hogaamiyo beelaha Ciidagale ayaa waxey noqotey mid aanu wasiirku adkesigeedi lahayn oo kii hadlaba uu odhanaya maxaad u hadashey anigaad kursigeyga duulimaad ku tihiiin waxaana ka mida dhawaaqyada uu u adkaysankari waayey:
Wasiir Cukuse oo markii ugu horeysey xukumada Siilaanyo ay fursad usiisey inuu hogaamiyo beelaha Ciidagale ayaa waxey noqotey mid aanu wasiirku adkesigeedi lahayn oo kii hadlaba uu odhanaya maxaad u hadashey anigaad kursigeyga duulimaad ku tihiiin waxaana ka mida dhawaaqyada uu u adkaysankari waayey:

Dhalinyarta aqoonyahanka beesha Da’uud Ismail oo markey hadleen ee ay dawlada dhaliileen ee ay yidhaahdeen Saamigii beeshu wuu naga maqan yahey, dawladanina waa dawladii ugu musuqmaasuqa badneed ee Somaliland soo marta abid isla markiiba Cukuse dhalinyartii ayuu iskugu yeedhey Star, waxaa kaloo ku xigtey in ay beeshu tidhi waanu shireynaa oo uu yidhi waa maxey shirkad aad sheegeysaan joojiya anaad iijeedaan hadii kale.


waxaa ugu danbeysey arintan foosha xun ee uu kula kacey sheekhul baladkii Hargeysa Sheikh Ismail oo maqaal ka qorey Cukuse uu ku dhaliilaayo sida uu beeshiisa u kala qaybqaybiyey ee aanu waxba ugu filneyn, isla mar ahaanta uusheegey inaanu dawladana waxba ugu filneyn maadama uu ka aamusin kari wayay saddexda nine ee ay ilmadeerka yihiin Wasiir Cukuse oo kala ah Faysal Ali Waraabe oo aynu ognahey dawladu sida ay uga gubato hadalkiisa oo qalinjabintii jaamacada Hargeysa ay dawladu amar ku siisey jamacada hargeysa maamulkeedu inaaney u ogalaanin inuu hadlo

, waxaa kaloo jirtey in Ibrahim Mahdi Buuba oo ay isku reer yihiin Cukuse isagana baarlamaanku ay udiideen inuu wax su’aalo ah waydiiyo iyadoo ay dawladu ogtahey su’aalo adkaanta xildhibaan buuba, waxaa kaloo uu qoralka ku darey sheekhulbaladka hada xidhani in gudoomiyaha Golaha toosinta uugudoomiye ka yahey Cukuse Adeerkii(Xassan Guure oo dawlada dhibey oo Siilaanyo dhakafaar ku ridey).

Arinta markuu Cukuse arkey waxuu amar siiyey booliska Somaliland oo aqoontoodu eber tahey oo aan qabo mooye sharcigu maxuu ka qabaaba aan garaneynin, isla mar ahaantana waxey saldhiga dhexe utaxaabeen sheekhul baladkii Hargeisa.

Waxaa dad waynaha Somaliland is waydiinayaan oo isku qaban la’ sideeba Cukuse oo dulqaadkii ka dhintey ugu dulqaadan karaa beesha uu kasoo jeedo oo ah beesha Somaliland hadalka uqaabilsan oo dawlada saluugsan saamiga ay siisey oo isku raacey iney afka gacanta galiyaan sideebay uwada shaqeen karaan ama isku fahmi karaan? Su’aasha jawabteedu way fududahey oo waxaa weeye Cukuse oo dulqaad sameeya oo reerku waxey doonayaana si cilmiyeysan ugu socodsiiya, isla mar ahaantana aan xamaasad isku abuurin oo Sheekhul baladkana iska soo daaya oo xaal siiya isticmaala. Siyaad bare waxii lagu burburiyey waxaa ka mida sidaa uu imika Cukuse u abuuraayo balaayo aan u dhaweyn.

Mudana Madaxweyne Cukuse waxuu u baahanyahey wasiir labaad oo reer ka la maamula hadii kale oo aad kaligii kusiidayso beesha waxaad maqli doonta tiiyo talo faraha ka baxdey. Beelaha Ciidagale waxuunba ku maamuli kara wasiiro caqli badan oo aan hal wasiir kaliya ahayn. Madaxweyne isku day inaad umadada wada kastabato oo ay iska dhex arkaan xukuumada si aaney ku juqajuqeen.

Qalinkii:Da’uud Ibrahim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured