Waa Maxay Sirta iyo Xeeladaha ku Jira Hal-ku-dhigyada Xukuumada Siilaanyo

0
Friday April 05, 2013 - 21:51:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Maxay Sirta iyo Xeeladaha ku Jira Hal-ku-dhigyada Xukuumada Siilaanyo

    Horaa loo yidhi: “..Seban waliba samihiisa leh.”. Sida awgeed xilli ama waqti, qofba waa sida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horaa loo yidhi: “..Seban waliba samihiisa leh.”. Sida awgeed xilli ama waqti, qofba waa sida
Waa Maxay Sirta iyo Xeeladaha ku Jira Hal-ku-dhigyada Xukuumada Siilaanyo

Horaa loo yidhi: “..Seban waliba samihiisa leh.”. Sida awgeed xilli ama waqti, qofba waa sida uu u yaqaano’e waxa jira ama jirta arin ama xaalad si weyn hadal haynteedu suuqa u gasho. Taaso sida mararka qaar dhacda masraxyada Siyasada iyo Sayladaha fadhi ku dirirka ee bulshadu ku kulanto kusoo kordhiya hal-ku-dhigyo iyo ereyo caan dalka ka noqda.

Ereyada iyo hal-ku-dhigyadaasu ma noqdaan kuwo nuxur ahaan kuwo hadal-hayntoodu ku qotonto arimaha bulshada dhexdeeda ku cusub oo keliya, balse waxa qayb ka noqda kuwo dhinaca siyaasada la xidhiidha iyo kuwo kale oo iyaga lafdigoodu ka turjumaya masuuliyiinta kolba hoggaanka talada hayaa xilalka u cumaamado. Aqoon ahaan iyo dhaqan ahaan labadaba


Kelmadahaas waxa qaarkood curintoodu ka timaadaa ama iska leh bulshada, waxana badi kuwaasi noqdaan kuwo qaafiyad ahaan u dhisan is-barbar-dhigista duruufaha nololeed ee reer-magaalka iyo hoodada hogaanka markaa talada gacanta ku haya.

Intaa marka laga yimaado, waxa kaloo iyana jira hal-ku-dhigyo iyo kelmado isticmaalka badan ee masuuliyiinta xilalka haya, awgood siyaasiyiinta mucaaridka iyo waxyaabaha kale ee bulshadu qabsadaan ama xafidaan, kuwaaso sida waqtiyada qaar dhacda Cambaar xukuumada ku noqda marka dambe, kadib markay bulshadu ogaato ama dhuuxdo in wax nuxur ah hadaladaa ku jiraa aanu jirin. Hase yeeshee ujeedada keliya ee isticmaalkooda Xukuumadu ka leedahay uu yahay rajo abuuris iyo beer-laxawsi ay ku abaarayso quluubta bulshada.

Haddaba, inkastoo Saaxada ama Sayladaha siyaasada ee Somalilnd aanay curinta hal-abuurkoodu aad u badnayn, hadana marka dib loo eego maamulidii hoggaanka u soo kala dambeeyay, waxa xukuumada Maanta talad haysa u muuqataa inay tahay midii ugu hab-curinta liidatay ee Somalilnad soo marta. Gaar ahaan dhinaca hadal badnaanta oo la odhan karo waxay ku qaaday Koobka iyo ka run sheegis la’aanta arimaha xasaasiga ah ee markaa taagan.

Tusaale ahaan, haddii aynu soo qaadano qaar ka mid ah hal-ku-dhigyada caanka noqday ee la kowsaday Xukuumada uu Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo:-

- Waa markii ugu horeysay

- Waa na nagu qaabilay hab-maamuus maqaam sare leh

- Waanu ka qaybgelaynaa wadahadal kastoo dani ugu jirto Somaliland.

- Guul ayuu kusoo dhamaaday

- Waxanu ka helnay marti-qaad rasmi ah

- Casho/qado sharaf baanu/baan hebel ama heblaayo la qaatay/qaadanay

- Sumcadeenu kor bay u kacday. IWM.

Ereyadan iyo qaar kaloo badan oo aan hadda qallin lagu soo koobi Karin, waxay sida Daadka oo kale u mullacyeeyeen bulshada muddo haatan ku siman laba Sanno (2) iyo Sideed bilood, iyadoo weliba markii daraf ilaa daraf isaga baxeen gudaha Somaliland u gudbay dalalka aynu deriska nahay qaarkood, kuwaasoo Mafrishyada iyo goobaha Siyaasada lagu falaan-qeeyo qaarkood marka la kaftamayo lagaga hadlo ama la isku weydaarsado hal-ku-dhigyadan kor ku xusan iyo qaar kaleba.

Wallow’se sidii aynu horeba u sheegnay hal-ku-dhigyadani aanay ahayn kuwo leh nuxur iyo ujeedo Siyaasadeed, hadana masuuliyiinta iyo Shaqsiyaadka ku dhawaaqayaa, waxay fariintooda u gudbinayaan sida kuwo run sheegaya oo kale, iyagoo sidoo kalena Shucuurtooda aanay waxba iska bedelin, maxaa yeelay dareenka ruuxiga ah Eebe adoomaha ku galaday waxa ka mid ah in qofka Shucuurtiisu la shaqeyso kolba xaalada iyo duruufaha uu ku sugan yahay.

Sidaa awgeed, masuuliyiinteena Maanta markay ka hadlayaan Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo runtii ah arinta ugu miisaanka weyn marka loo eego duruufaha Siyaasadeed iyo xaalada nololeed ee bulshadeena ku gedaaman iyo sidoo kale markay ka waramayaan Safar Madaxweynaha Wefdi uu diray ku tegay dal kale iyo qaabkii loo qaabilay. Haba-yaraatee ma jiro wax faraq ah oo u dhexeeya labada marxaladood waxay ka sheekaynayaan.

Tusaale ahaan, haddii aynu soo qaadano kelmada odhanaysa [Wadahadal kastoo dani ugu jirto Somaliland]

waxay ka mid tahay hadalada diblumaasiyada ku qotoma, balse masuuliyiinta Xukuumada talada haysaa ay qiimaheedii ka dhigeen biyo-yaa-shuban, sababta oo ah waa ma dhacdo masuuliyiinteenu inay bulshada u soo bandhigaan dalliilo cad-cad oo ay u cuskanayaan odhaahda hadalkooda. Sidoo kalena ma jiraan xujooyin lagu qanci karo oo marag u noqon kara guulaha Siyaasadeed iyo rajooyinka tirada badan ee yaalaaba kasoo yeedha Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo, taasina waxay sababtaa inay muddo kooban kadib hoggaanka dalku ka noqdaan doodahoogii hore ama ay iskood isu buriyaan tiraabihii aan maragyada lahayn ee sida hubsiimo la’aanta ah bulshada loogu hafiyey.

Geesta kale mullaaqa maamul iyo hadalada malo-awaalka ah ee masuuliyiinta iyo madaxda reer Somaliland caadada ka dhigteen waxa ka mid ah in bulshadu wax badan iska weydiiso masiirka Siyaasadeed ee mustaqbalka Somaliland, iyo sidoo kale cidda awooda u leh go’aan ka gaadhida marxaladaha iyo mawqifyada Siyaasiga ah ee dalka la soo dersa, una baahan in si dhakhso ah loogu helo jawaabo munaasib ku ah.

Markay sidaasi tahay Waxa is weyn mudan haddii masuuliyiinta boqran iyo xubnaha ay cugteen-ba muggoodu ku eg-yahay Maalin la casuumo iyo marxabayn aan midho ahayn, warkooduna yahay mid aan lahayn dalliilo sugan, sidee ayaa looga sugi karaa inay dhabo sax ah ugu haga masiirka umadda?.

Si kastaba ha ahaatee waxa arimahan iyo qaar kale oo aynaan hadda halkan ku xusin, waxay muujinayaan ama markhaati u noqonayaan jaho-wareerka iyo gebi-dhaclaynta uu dalku ku jiro iyo sida hoggaanka talada hayaa ugu haftay inuu dhabo sax ah oo toosan ku hago masuuliyadii umaddu u igmatay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured