Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.

0
Friday April 05, 2013 - 09:04:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.

    Cusbuucii la soo dhaafay waxaa uu ku kacay maareeyaha tv.ga qaranku waxaa la odhan karaa waxaa soo baxday karti daradii awelba lagu xaban jirey taasi oo kala qaybisay shaqaalihii uu masuulka ka ahaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cusbuucii la soo dhaafay waxaa uu ku kacay maareeyaha tv.ga qaranku waxaa la odhan karaa waxaa soo baxday karti daradii awelba lagu xaban jirey taasi oo kala qaybisay shaqaalihii uu masuulka ka ahaan.

Fadeexad Qabyaaladeed iyo Karti Daro Maamul Oo Ka Soo If baxday Mareeyaha TV-ga Qaranka.Cusbuucii la soo dhaafay waxaa uu ku kacay maareeyaha tv.ga qaranku waxaa la odhan karaa waxaa soo baxday karti daradii awelba lagu xaban jirey taasi oo kala qaybisay shaqaalihii uu masuulka ka ahaan.

Hadaba hadii aanu hoos ugu daandago dulucda qormadan maareeyuhu waxaa uu sameeyey in uu ogolaado in sicadaalada ka fog loo abaal mariyo qaar ka tirsan shaqaalaha,hadaba sida ay sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha tv.qaranka oo codsaday in magacyadooda la qariyo in maareeyuhu muujiyey karti daro tii ugu weyneyd kadib markii koox iyaguna dhinac isku bahaystay ay soo magacaabeen koox gaar ah in la siiyo abaal marin la sheegay inay ku muteyn shaqo wanaag iyo aqoon kuwaasi oo shaqaaluhu tilamaameen inaysan ahayd dadkii ugu aqoonta badnaa balse ay ka mid noqdeen kooxda sida dhaw ula shaqaysa hadba kooxaha ay u arkaan inay danahooda gaarka ah ka helayaa, hadaba rinta dhacday oo ahayd mid shaqaaluhu ku tilmaameen cadaalad daro tii ugu weyneyd ee soo marta bar yahay wasaarada, ayaa waxaa dhacday in maareeyuhu wax ta laabo ah ka qaadin in uu is hortaago abaal marin been been ah oo lagu abaal mariyey qaar ka tirsan shaqaalaha tv.ga qaranka.

Arinta xusida mudan ayaa waxay tahay maareeyaha oo aan isagu wax talo ah ku lahayn kooxdan yar ee kooxda gaarka ahi sheegeen inay yihiin kuwa ugu wanaagsan shaqaalaha tv.ga .iyada oo la sheegay in shaqaalahan la siiyey abaal marintu aysan badankoodu subaxii ka soo xaadirin saxeexa buuga iyo ka hawlgelida wixii shaqo ah ee maalin laha ah, dadka odoroosa arimaha saxaafada ayaa ku tilmaamay maareeyaha tv.ga qaranku in uu ku fashilmay xilka uu qaranka u hayo kadib markii uu gudan kari waayay shaqada culus ee uu qaranka u hayo, maareeyaha ayaa waxaa la sheegay in uu amarka ka qaato wiilal yaryar oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha kuwaasi oo u yeedhiya hadba wixii ay doonaan,isla markanaa tv.ga ka fushada wax kasta oo ay rabaan inay ka sameeyaan,sidoo kale waxaa korka ka xukuma agaasimaha wasaarada warfaafinta oo ka soo jeeda beesha madaxweyne siilaanyo basle xilka loogu magacaabay oo kaliya madaaba oo uu ka soo jeedo beesha madaxwenaha basle looma eegin miyuu gudan karaa xilka mise ma gudan karo agaasimahaasi ayaa waxa uu hore uga shaqyn jiray samaynat mobilada gacanta oo u samayn jirey, isaga oo aan wax kibrad ah u lahayn arimaha maamulka iyo saxaafada.

Maareeyaha tv.ga oo had iyo jeer la sheegay in faro-gelin joogta ah lagu hayo shaqadiisa ayaa taasi lagu macneeyey inay tahay isaga oo gudan kari la shaqadiisa markaasi ay noqotay in lala maamulo shaqadiisa,dadka u dhuun daloola arimaha saxaafada ayaa waxay kale oo sheegeen in uu markii uu yimid maareeyuhu tv.ga qaranka uu balan qaaday in uu shaqaalaha loo diri doono tababaro kor loogu qaadayo xirfadooda saxaafadeed iyo sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen warbaahinta caalamka. Balse arintaasi wuu ku guuldaraystay maareeyaha tv.ga qaranku, inkasta oo dadka lafa gura saxaafadu sheegayaan in marka horeba uusan wax karti ah u lahayn in uu horumariyo hawsha balaadhan ee uu qaranka u hayo isaga oo aan lahayn wax khibrad ah oo ku saabsan arimaha saxaafada iyo maamulka taasi oo keentay in ilaa hada uusan wax la taaban karo ku soo kordhin tv.ga qaranka ee uu masuulka ka yahay.

Maareeyaha ayaa hore waxaa u ahaan jirey nin taksiile ka ah dalka UK oo uu deganaa inkasta oo aan ilaa hada aysan jirin meel uu ka soo galay liiska dadka caadiga ahi yaqaanaan ee qurba jooga xukuumada KULMIYE oo badankoodu hore qurbaha ugu ololayn jirey xisbiga KULMIYE sidaasi daraadeedna loogu abaal mariyey in xilal loo dhiibo balse maareeyaha ayaa waxa isaga la sheegay in koox ka tirsan kuwa dilaala xilalka oo ku tiirsan madaxtooyadu ay ka danbeeyeen xilka loo magacaabay ee ah maareeyaha Tv.ga qaranka kuwaasi oo dantoodu tahay sidii ay u booby lahaayeen lacagta adag ee ka soo xeroota tv.ga qaranka.

Wax yaabaha ka socda tv.ga qaranka ayaa waxaa ka mid ah iyada oo ragga daaha dabadiisa ugu jira sidii ay hantida umada ee uu soo xereeyo tv.ga qaranku ay boobaan kuwaasi oo hadba sida ay doonaan u maamula tv.ga qaranka markay arkeen in maareeyuhu uusan karti u lahayn maamulida Tv.ga qaranka.

Qalinka:C/casiis Bashiir Nuur

Tel:4144434

Email:c.casiis98@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured