DHALINYARADA REER SAHAL IYO GAASHAANBUUR OO AAD UGA MURUGOODAY MOWQIFKA KASOO YEEDHAY MAAYIRKA BERBERA C/SHAKUUR CIDIN RAALI GELIN IYO TACSINA UGA DIRAYA DHAMAAN BAHWAYNTA UCID IYO BEESHA CIISE MUUSE GUDO IYO DEBEDBA

0
Sunday September 29, 2013 - 16:32:44 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHALINYARADA REER SAHAL IYO GAASHAANBUUR OO AAD UGA MURUGOODAY MOWQIFKA KASOO YEEDHAY MAAYIRKA BERBERA C/SHAKUUR CIDIN RAALI GELIN IYO TACSINA UGA DIRAYA DHAMAAN BAHWAYNTA UCID IYO BEESHA CIISE MUUSE GUDO IYO DEBEDBA

    Anagoo ah Dhalinyarada Reer sahal iyo gaashaanbuur ee G/saaxil waxaanu u sheegaynaa Bahwaynta Xisbiga UCID iyo Guud ahaan Bahwaynta Beesha Ciise Muuse in aanu ka xunahay Mawqif Xumadii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anagoo ah Dhalinyarada Reer sahal iyo gaashaanbuur ee G/saaxil waxaanu u sheegaynaa Bahwaynta Xisbiga UCID iyo Guud ahaan Bahwaynta Beesha Ciise Muuse in aanu ka xunahay Mawqif Xumadii Anagoo ah Dhalinyarada Reer sahal iyo gaashaanbuur ee G/saaxil waxaanu u sheegaynaa Bahwaynta Xisbiga UCID iyo Guud ahaan Bahwaynta Beesha Ciise Muuse in aanu ka xunahay Mawqif Xumadii
uu ku kacay Maayirka Berbera C/shakuur Cidin anagoo aan ahayn Kuwo kula socda Mawqifkiisa, isla markaana anaga Mawqifkaygu yahay Mid Qudha oo ah In aanan Nusqaamin Taageeradii aanu u haynay Xisbiga UCID, Sidoo Kale Bahwaynta Ciise Muusana Waxaan leeyahay Xisbigii Idinkamaanan tagin ee anagaa Idiinku Horayna Taageerishiisa (Hangaraaracna Lug Uma Dhitiyo).

Waxaanu C/Shakuur u sheegaynaa In ay Wali nagu jiraan Xiniin yihii iyo raganimadii aanu kugu soo saarnay, Waxay Umadu Markhaati ka tahay In aad ahayd Musharax Keligaa Ka sharaxnaa Reer Keliya ee ay ku raaciyeen Maalkoodii, Muruqoodii, qaarkoodna ay laxaadkoodii ku waayeen, In aad maanta Gole ka tidhaahdo aniga Beeli Imay Dooran. Waa wax kuu geli doonta Taariikhda. Miyaad Ilawday In Xilkan aad manta hayso in rag hore shaqadoodii ku waayeen, una cuntami wayday Mawqif Xumada aad maanta qaadatay ee aad Kula kacday Xisbiga UCID iyo Bahwaynta Ciise Muuse. Waxaanu kuu sheegaynaa In ay Boog Madaw kugu noqonayso Mawqifka aad Maanta qaatay.
Waxaanu Aad iyo Aad uga xunahay Mawqif Xumadii uu ku kacay Maayir C/Shakuur Cidin taas oo ku eekayd Keligii iyo La taliyayaasha War Ma?oga ah ee Danahooda Shakhsi ahaaneed Fushanaya.
Waxaanu Ogaysiinaynaa Dhamaan Bahwaynta Ciise Muuse iyo Xisbiga UCID in hadaanu Nahay Dhalinyarada Reer Sahal iyo Gaashaanbuur ee G/saaxil in aanu Qaban Doono shir Wayne Guud oo aanu ku sheegayno In aanu Mawqifkaygii Bedeli Karin shakhsi keliya, Nagana Go?antahay In aanu Xisbiga UCID Hiil iyo Hooba la garab taaganahay.
By: Dhalinyara Reer Sahal iyo Gaashaanbuur ee G/Saaxil Berbera



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured