Jabuuti Oo Hub Iyo 50 Gaadiidka Dagaalka Ah Ugu Deeqday Dawladda Somaliya (Daawo Sawirro)

0
Thursday April 04, 2013 - 20:00:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti Oo Hub Iyo 50 Gaadiidka Dagaalka Ah Ugu Deeqday Dawladda Somaliya (Daawo Sawirro)

    Jabuuti (xogreebnews.com- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta dawladda Fedaraalka Somaliya ugu deeqday gaadiidka dagaalka iyo kuwo lagu daabulo ciidamada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 50.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti (xogreebnews.com- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta dawladda Fedaraalka Somaliya ugu deeqday gaadiidka dagaalka iyo kuwo lagu daabulo ciidamada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 50. Jabuuti Oo Hub Iyo 50 Gaadiidka Dagaalka Ah Ugu Deeqday Dawladda Somaliya (Daawo Sawirro)

Jabuuti (xogreebnews.com- Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta dawladda Fedaraalka Somaliya ugu deeqday gaadiidka dagaalka iyo kuwo lagu daabulo ciidamada, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 50.
Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo maalintii labaad booqasho ku jooga dalka Jabuuti, ayaa dawladda dalkaasi kala wareegay 50 gaadhi oo iskugu jira kuwo gaashaaman iyo kuwo ciidanka lagu daabulo iyo hub kale sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Raysal-wasaaraha Somaliya.

Si cadaan ah looma sheegin hubka lagu sheegay war-saxaafadeedka inay Jabuuti ku caawisay dawladda Somaliya, balse waxa lagu soo koobay oo kaliya in Wasiirrada gaashaandhiga labada dal ay kala saxeexdeen heshiiska lagula kala wareegay gaadiidkaasi, iyadda oo madashana ay ku sugnaayeen labada raysal-wasaare ee Somaliya iyo Jabuuti.

Munaaisbada gaadiidkan lagu wareejiyey oo ka dhacday xerada ciidamada Jabuuti ee Sheekh Cismaan, ayaa waxa hadalo ka soo jeediyay Wasiirrada gaashaandhiga ee Jabuuti Xasan Dharaar Hufane iyo Somaliya Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi.
Wasiirka gaashaandhiga Somaliya ayaa u mahad celiyey dawladda Jabuuti gaadiidkan ay ugu deeqday “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba”
Ugu dambayn, raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isaguna halkaasi ka sheegay “Hubkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Jabuuti, Waxaan halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas’uuliyadi ku jirto”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured