Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Sheegay In Aan Isbadalka Somaliya Aanu

0
Thursday April 04, 2013 - 08:41:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1367
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Sheegay In Aan Isbadalka Somaliya Aanu

    Hargeysa,(xogreebnews.com)-Wasiirka Wasaaarada qorshaynta Qaranka iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in isbadalka ku yimid dalka Somaliya aanu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa,(xogreebnews.com)-Wasiirka Wasaaarada qorshaynta Qaranka iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in isbadalka ku yimid dalka Somaliya aanu Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Sheegay In Aan Isbadalka Somaliya Aanu

Hargeysa,(xogreebnews.com)-Wasiirka Wasaaarada qorshaynta Qaranka iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr Sacad Cali Shirre, ayaa sheegay in isbadalka ku yimid dalka Somaliya aanu wax saamayn ah ku yeelanayn hawlaha hay’addaha caalamiga ah iyo kuwo qaramada midoobay ay Somaliland ka wadaan.
Dr Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay in Somaliland dedaashay isla-markaana qabsatay wax midho dhalay, balse ay beesha caalamka uga baahan tahay qacan qabasho.

Wasiirka oo maanta Saxaafada kula hadlayay Hargeysa, ayaa isaga oo ka hadlaya caawimada Somaliland uga baahan tahay beesha caalamka ayaa yidhi “Qacan qabasho ayaanu uga baanahay beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo hay’addaha kaleba, dedaal badan ayaanu samaynay oo aanu jecelahay inuu midho dhalo, laakiin qanac qabasho ayaanu u baahanahay”
Wasiirka qorshaynta oo la waydiiyay waxa ka jira in hay’adduhu ka guurayaan Somaliland ayaa ku jawaabay “Somaliland waxa jooga ilaa 70 hay’addood oo caalami ah iyo 22 Qaraada Midoobay Ah, isku geyna waa 92 hay’addood, 92-kaa cid tidhi dalka waanu ka baxaynaa ama hawlihii aanu haynay ayaanu yareynaynaa anagu maanu arag, markii aanu wareysanay qaar ka mid ah bal inay saamayn ku yeelanayso hawlaha ay dalka ka wadaan isbadalka ku yimid Muqdisho, jawaabta ay ka bixiyeen waxay ahayd maya ee wax iska badali maayaan”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured