Wasiirada Somaliland Wasiir Xirsi Ha Kaga Daydaan Dabeecada Wanaagsan ee astaanta u ah Hogaaminta Wanaagsan.

0
Thursday September 05, 2013 - 19:13:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirada Somaliland Wasiir Xirsi Ha Kaga Daydaan Dabeecada Wanaagsan ee astaanta u ah Hogaaminta Wanaagsan.

    Qore: A.M.Faraax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: A.M.Faraax

Wasiirada Somaliland Wasiir Xirsi Ha Kaga Daydaan Dabeecada Wanaagsan ee astaanta u ah Hogaaminta Wanaagsan.

Qaybtii 1 aad:

wasiirka wasaarada madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wuxuu ku sifoobay astaanta lagu yaqaano siyaasiga wanaagsan, iyadoo mudadii uu xilalka kala duwan ka hayay somaliland marka laga soo bilaabo gudoomiye ku xigeenkii komishankii hore ee doorashooyinka somaliland ilaa hada oo uu yahay wasiirka madaxtooyada somaliland waxaa laga bartay siyaasad wanaag ,taasi oo astaan u ah siyaasiga wanaagsan, tusaale ahaan markii uu Xirsi Cali Xaaji Xasan ahaa gudoomiye ku xigeenkii koomishankii hore ee doorashooyinka wuu iska casilay markii uu arkay dariiqa khaldan ee ay gudidaasi haysay oo ahaa mid dalka u horseedayay khilaaf aan laga soo waaqsan kari isla markaana khatar ku ahaa nabad galyada dalka ayaa wuxuu Xirsi Cali Xaaji Xasan xilkii iyo mushaharkii wanaagsanaa ee uu ka qaadanayay komishankii hore uga tegay badbaadinta dalka iyo in uu shacabka u tilmaamo khaladka weyn ee ay umada u horseedayeen komishankii hore ee doorashooyinka dalku, iyadoo daawo ay u noqotay xilkii uu iska casilay Xirsi Cali Xaaji Xasan inay shacabka somaliland oo dhami fahmaan in komishankaasi dalka uu u horseedayay khilaaf iyo nabadgalyo daro sidaasina la iskaga qabtay komishankii hore.

sidoo kale mudadii uu Xirsi Cali Xaaji Xasan Xilka ka wasiirnimo uu ka hayay wasaarada madaxtooyada somaliland wuxuu shacabka muujiyey karti iyo hogaamin wanaagsan oo ay ku suntan tahay aqoon iyo daacadnimo, baadhitaan xeel dheer oo aan sameeyey waxaan ku soo ogaaday in wasiirka madaxtooyadu yahay wasiirka ugu shaqada badan wasiirada somaliland isla markaana ah wasiirka ku shaqeeya nidaam toosan oo aan lahayn leex leexad , iyadoo wasiirka madaxtooyadu dalka uga jiro baal dahab ah, waxayna umada somaliland markhaati ka tahay sida wanaagsan ee habeen iyo maalinba uu wasiirka madaxtooyada somaliland ugu shaqeynayo shacabkiisa, taasi oo keentay in maanta shacabka reer somaliland uu qalbigoodii uu kaga kasbaday daacadnimada iyo hawl karinimada uu qaranka u hayo.

wasiirka madaxtooyada ayaa waxa uu muujiyey siyaasad wanaag inta badan lagu yaqaano siyaasiyiinta hogaaminta toosan, waxana wasiirku isku dayay in uu xdihiidhno badan la sameeyo siyaasiyiin iyo wax garad reer somaliland ah oo inta badan fikirka somaliland ka soo hor jeedi jiray isagoo wasiirku ku guuleystay wada hadalo badan oo uu la sameeyey madax dhaqmeedka gobolada bari ee somaliland inay ka qayb qaataan horumarka dalka intiisa kale ka socda balse meelo ka mid ah gobolka sool oo kale aan ka socon taasi oo suurto gashay isla markaana noqotay in wasiir Xirsi dadka deeganadaasi ku buuriyay inay nabada qaataan oo ay ka qayb galaan horumarka dalka ka socda taasi oo rumowday oo madax dhaqmeeyadii ay hargeysa u yimaadeen sidii ay qayb kaga qaadan lahaayeen horumarka balaadhan ee dalka ka socda.

La Soco Cadadka Danbe

Qore: A.M.Faraax

Tel: 9042799

Email:faarax012@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured