Maareeyaha Tv-ga Qaranku wuxuu qayrkii ku eedaynayay ayuu isagii xalaashaday

0
Sunday September 01, 2013 - 13:49:43 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1192
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Tv-ga Qaranku wuxuu qayrkii ku eedaynayay ayuu isagii xalaashaday

    Taariikhdu markii ay ahayd 02/12/2011 ayuu diiwaangalinta sameeyey, waxaana uu ku diiwaangaliyey sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhdu markii ay ahayd 02/12/2011 ayuu diiwaangalinta sameeyey, waxaana uu ku diiwaangaliyey sidan:- Maareeyaha Tv-ga Qaranka, Khadar Hassan Ali (Gaas) magaciisa uu ku degen yahay Uk waa Muhamed Hassan Ali, kaasoo uu ku diiwaan gashaday xarunta Tv-gu ku leeyahay magaalada London.
Khadar Hassan Ali (Gaas), intii aan loo magacaabin xilkan Maareeyaha waxa uu ahaa Agaasimaha Tv-ga Qaranka ee London oo 29.0ct.2011 lagaga dhawaaqay magaalada London. waxaana markaa loo xilsaaray diiwaangalinta xafiiskaasi oo lagu aaminay.
Taariikhdu markii
ay ahayd 02/12/2011 ayuu diiwaangalinta sameeyey, waxaana uu ku diiwaangaliyey sidan:-

Company Name: SIMLINK MEDIA LIMITED
Company Type: Private Limited
Registeted office: England and Wales. (garoo Birmingham kuma jirtee)
Name: Muhamed Hassan Ali.
date of birth: 01/01/1972
Resident: United Kingdom
Nationality: British.
Ha is odhan cidi kuma arkaysee afka buuxso
ha is odhan cidi kuma arkaysee aqalo jeexo.
Wax yar ka dib markii uu xilka la wareegay waxa uu ku faanay in uu Qaranka Somaliland lacag u badbaadiyey mase la is waydiiyey lacagtaasi halka ay ku danbaysay?.
mida kale waxa muuqata in Kirada satelitka iyaduna ay gacanta ugu jirto shakhsiyaad ku takrifala xoolaha ummadda.
Waayo muxuu dadweynaha ugu soo bandhigi waayey cadaymaha iyo heshiiyada ay galaan, waxa la ogyahay in Tv-gu dhaqaale soo saaro marka laga yimaado Miisaaniyada ay dowladu siiso oo sanadkii ku dhow 4milyan oo dollar, sidoo kale Xafiiska London ee uu magaciisa ku diiwaangaliyey waxa uu isna soo saaraa dhaqaale ay ka qaadaan meelaha iyo xafladaha ay soo duubayaan iyo xayaysiisyada
Hadii aan u soo noqdo xafiiska London ku yaal ee uu hantiyey waxa ku baxay kharash aad u badan oo galay xaga Qalabaynta hadii ay tahay Camera, mixero, computer, sameecado, qalabka kale ee xafiisyada iyo waliba Kiradda sanadka oo markasta la qadimo waxaas oo dhami dowladda England waxa ay u aqoonsan tahay waxa weeye Khadar/Muhamed Hassan Ali oo ah qofka leh Company hase yeeshee aanay u aqoonsanayn in xoolo umadeed ay tahay xaruntani, iyada oo wax iska hortaagi lahaa aanu jirin hadii magaca Somaliland lagu qori lahaa. mida kale hadii maanta xilka laga qaado qof iyo dowlada kula doodi karta xoolaha umaadda ma jirto waayo dalkan uu magaciisa kaga diiwaangashaday waxa kaliya ee lagu kala baxaa waa cadaynta wax cadayn ah oo qaranku leeyahayna kama muuqato xafiiskaa London. haddaba waxa haboon in Madaxweynuhu ka fiirsado qofka uu xil u magacaabayo hanti qaranku leeyahayna uu ku aaminayo.
Khaladaadka kale ee uu ku jiro Khadar/Muhamed waxa ka mida in uu shaqaalaha dibad iyo gudaba uu kula dhaqmo hab foolxun oo ah Qabyaalad isaga oo ugu awood sheeganaya xilka uu hayo. goobaasna ku soo xareeyey ehelkiisa ugu dhow.
iska daa somaliland xataa waxa uu khiyaamo kula dhaqmaa dowlada ingiriiska oo xisaabcelinta uu ku sheegay inuu Capital-kiisu zero yahay waxa uu qariyey dadka shaqaalaha ah oo dhinac markaad ka eegto ay xaraan noqonayso waxa ay shaqaysanayaan waayo cashuur baa ka bixi lahayd oo xalaalbay quudan lahaayeen

Haloo wada joogo waxa xigi doonaa
Waxa xasuus mudan Khadar Cali Gaas iyo inaadeerkii Cabdillaahi Maxamed Cali inay bishii july 2012 Uk uga soo dhoofeen si ay fadeexad been abuura oo xilka lagaga qaadayay agaasimihii maaliyada ee Tv-ga qaranka Xasan Maxamuud Muxumed taasoo galaafatay wasiir Boobe Yuusuf Ducaale markii uu been abuurkaasi ka biyadiiday iyadoo wasiir xirsi iyo wiilka sodoga uu u yahay madaxwaynuhu ee Baashe Cawil ay arintaasi hoosta ka wadeen iyagoo ka urinayay colaadii ay u qabeen madaxwayne Daahir Riyaale Kaahin iyo iyagoo ka baqanayay cidaanay maamulkeeda lahayni inay warbaahinta qaranka ay gacanta ku hayso taasoo Boobe Yuusuf Ducaale aanu u suurto galiyeen hadii uu sii joogo waayo waxay u dhaafi kariwaayeen Xasan Maxamuud oo ilaa maanta wax danbiya oo lagu helay aanay jirin waxa intaa u dheer ceebayn been abuura oo shaqadiisii ilaa maalinkaa maanta ah aanu ku noqon.
Akhri Qoraalo Cadaynaya Musuqmaasuqa iyo Dhaca hantida Qaranka lagu hayo.
Xog tv1-3.jpg
Xog tv1-7.jpg
Xog tv1-4.jpg
Xog tv1-5.jpg
Xog tv1-1.jpg
Xog tv2-1.jpg
Xog tv1-6.jpg
Xog tv2-2.jpg
Xog tv1-2.jpg
Xog tv2-3.jpg




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured