Franck Ribery Oo Loo Caleemo Saaray Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub.

0
Thursday August 29, 2013 - 20:29:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Franck Ribery Oo Loo Caleemo Saaray Xiddiga Sannadka Qaarada Yurub.

    Xiddiga kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka qaarada Yurub ee Uefa isagoo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddiga kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka qaarada Yurub ee Uefa isagoo ka Xiddiga kooxda Bayern Munich Franck Ribery ayaa ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka qaarada Yurub ee Uefa isagoo ka qaaday Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Ribery ayaa helay codadkii ugu badnaa ee abaalmarintan, isagoo ka sarre maray xiddigaha Barcelona iyo Real Madrid oo ay isagu soo hareen tartanka.

Xiddiga reer France ayaa xilli ciyaareedkii hore ka caawiyay Bayern Munich inay ku guuleysato Champions League, Bundesliga iyo German Cup.


Abaalmarintaan oo la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican sannadka kubada cagta Yurub ayaa waxaa la bilaabay 2011kii iyadoo looga gol lahaa in la buuxiyo booskii ay baneysay Ballon d’Or oo markii hore abaalmarinta Yurub ahaan jirtay balse la midowday FIFA World Player of The Year kuwaasoo isku noqday FIFA Ballon d’Or.

Sannadkii ugu horeysay ee abaalmarintaan waxaa ku guuleystay Lionel Messi, halka sannadkii hore ee 2012 uu qaaday Andres Iniesta, waxaana sannadkan loo caleemo saaray Ribery oo wacdarro dhigay xilli ciyaareedkii hore.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured