DHUXULOW SHARAFTA IYO KARAAMADA UU ILLAAHAY KUUGU DEEQAY WAY KA QAALISANYIHIIN SUMUNIGA AAD XIRSI GAAB KA QAADATO.

0
Thursday August 29, 2013 - 12:10:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1253
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHUXULOW SHARAFTA IYO KARAAMADA UU ILLAAHAY KUUGU DEEQAY WAY KA QAALISANYIHIIN SUMUNIGA AAD XIRSI GAAB KA QAADATO.

    Waxaan Maanta Doonayaa in aan ka hadlo dhawaaq aan dhagaha dadwaynuhu jeclaysan oo ka soo yeedhay nin lagu sheegay in uu yahay Af-hayeenka madaxtooyada oo la yidhado Dhuxul oo isagu ka shaqayn jiray idaacadii Horyaal la odhan jiray, kuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Maanta Doonayaa in aan ka hadlo dhawaaq aan dhagaha dadwaynuhu jeclaysan oo ka soo yeedhay nin lagu sheegay in uu yahay Af-hayeenka madaxtooyada oo la yidhado Dhuxul oo isagu ka shaqayn jiray idaacadii Horyaal la odhan jiray, kuna Waxaan Maanta Doonayaa in aan ka hadlo dhawaaq aan dhagaha dadwaynuhu jeclaysan oo ka soo yeedhay nin lagu sheegay in uu yahay Af-hayeenka madaxtooyada oo la yidhado Dhuxul oo isagu ka shaqayn jiray idaacadii Horyaal la odhan jiray, kuna can baxay af-lagaadeynta iyo iska horkeenka beelaha Somaliland, waxaanu masuul ka ahaa Mashaqadii ka dhacday Galbeedka Somaliland oo uu buunbuuniyey kana sii dayey idacadaasi horyaal la odhan jiray, runtii lama siina dhuxul mana ah ninkii faysal Cali Waraabe iyo Eng Cali Guray u jawaabi lahaa, Faysal Cali waraabe waa nin caan ah oo la garanyo oo dalka Somaliland waxa uu u taray dadka reer Somaliland wada og-yihiin, Faysal waxa uu somaliland badbaadiyey Boqol


jeer oo Somaliland Jar ka sii laaladay, Faysal waa Ninkii Axsaabtan aynu ku faanayno horseedka ka ahaa markii uu Kulmiye uu diiday in uu isdiwaangaliyo, lakiin Faysal waxa uu ahaa Qofkii mar walba garab taagna in Axsaab la furro oo Marxuum Cigaal mar walba ku boorinayey in Axsaab la furro, waana ta Inankan Yar ee Dhuxul la yidhado Madaxtooyada ku joogo.



Eng.Cali Guray oo ahaa mujaahid caanka ah dalka oo ay soo wada shaqeeyen ninkan Madaxweynaha Maanta ah, markaasi Xaguu joogay dhuxul wuxu ahaa dadkii dalkan loogu yimid ee aan waxba ka garanaynin Jabhadnimo iyo wixii dadkan iyo dalkani uu soo maray, dhimashadii iyo dhawicii iyo kumanaankii qof ee ku dhintay dalkan, ee maanta lala soo noqday qaranimadiisi, dhuxul wixii waxdilayey ayuu agtaagnaa wixii wax dhacayey ayuu agtaagnaa runtii taariikhda dhuxul waa la garanayaa, ma ah Cali Guray oo mujaahid ahaa in uu u jawaabo inan yar oo aan la garanayn meel uu dalkan ka soo galay.


Marka Xukumada dhaliil la wada arkayo la tuso oo ay ka mid tahay taa Taleex ka dhacaysa ee Puntland qabsatay, in laga gubto ma ah, lakiin waa in talaabo laga qaada oo wixii khaldamay la saxaa, lakiin in lagu soo boodo qofkii wax sheegay ma ah in afka lagag boodo, adeer dalkii qayb dhan ayaa maqan waana la sheegay lana qarinmaayo, anagu mucaarid wax toosinaya ayaanu nahay wixii Muqda sheega, lakiin siddiini waxaan jirin uma mudaharaadayno Shaadhka bandhaladan uma furanayno, Dhuxuloow in badan maad jirin, waayo waxa ku cadeynaysa in aanad inbadan jirin, faysal iyo Cali Guray waa Birimagaydadii dalka, hadanay jirin dalkani oo aanay joogin wax aan aaminsanahay in dalkani jar ka dhaadhici lahaa.

Waxaan doonayaa inaan ku soo afjaro maqaalkaygan, ?Rubiyad beesadi ma goyso, ruux nool sida xoolihiiye, Hankaaga Riyaal Ha Siisan?? Saaxiibkay dhuxul waxaan leeyahay Sharafta iyo Karaamada Illaahay uu ugu deeqay Umaddiiisu maaha mid gayda in Xoolo lagu cuno ee yuu sumunigga aad Xirsi Gaab ka qaadataa Muuqaaga iyo Milgahaagaba Hoos u dhigin.
Zakariye Mohammed
chiefcaqil@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured