Gudomiyaha gobolka maroodijeex iyo maayarku xigeenka caasimada oo deeq raashin ah u qaybiyey qoysaskii guryahooda waayey

0
Saturday March 09, 2013 - 17:58:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1495
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyaha gobolka maroodijeex iyo maayarku xigeenka caasimada oo deeq raashin ah u qaybiyey qoysaskii guryahooda waayey

    Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa iyo gudoomiyaha gobolka Maroodijeex ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiiyey dadkii dhamaadkii todbaadkii hore guryahoodu ay gubteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar ku xigeenka caasimada Hargeysa iyo gudoomiyaha gobolka Maroodijeex ayaa maanta deeq raashin ah gaadhsiiyey dadkii dhamaadkii todbaadkii hore guryahoodu ay gubteen.
Gudoomiyaha gobolka Maroodijeex Xaaji Jeeniyare, Maayar ku xigeenka Md Cabdicasiis Cagaweyne iyo qaar ka tirsan golaha deegaanka ayaa booqday xaafada Stat house-ka ee dhawaan dabku qabsaday.

Ku xigeenka maayarka ahna ku simaha duqa caasimada ayaa deeq raashin ah oo ka koobaan, Bariis, Baasto, Sonkor, Saliid iyo daqiiq u qabiyey qoysaska danyarta ah ee dhawaan waayey guryhaoodii.


Maayar ku xigeenka ayaa qoysaska uu maanta gaadhsiiyey deeqda raashinka ah uga tacsiyadeeyey masiibada ku habstay, waxaanu intaas ku daray inay aad iyo aad uga xunyihiin.

Geesta kale dadka guryahooda waayey ayaa aad ugu baahan wakhtigan hoy ay galaan, iyaga oo ilaa hada aanay jirin wax gargaara oo lala gaadhay dhanka hoyga.

Ibrahim Qaasim

Hargeysa-Somalilan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured