Aas-Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyey Xildhibaan Aadan San-Wayne Oo Xalay Daad Ku Qaaday Dooxa Lafa-Ruug Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-Galay

0
Sunday March 31, 2013 - 18:46:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aas-Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyey Xildhibaan Aadan San-Wayne Oo Xalay Daad Ku Qaaday Dooxa Lafa-Ruug Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-Galay

    Hargeysa, March 31, 2013 (xogreebnews) — Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay aaska Qaran oo Magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Aaden Shirre Faarax (San-weyne) oo xalay u geeriy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa, March 31, 2013 (xogreebnews) — Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay aaska Qaran oo Magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Aaden Shirre Faarax (San-weyne) oo xalay u geeriyooday dooxa lafa-ruug oo qaaday.
Aas-Qaran Oo Maanta Hargeysa Loogu Sameeyey Xildhibaan Aadan San-Wayne Oo Xalay Daad Ku Qaaday Dooxa Lafa-Ruug Iyo Madaxwayne Siilaanyo Oo Ka Qayb-Galay
Hargeysa, March 31, 2013 (xogreebnews) — Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka qayb-galay aaska Qaran oo Magaalada Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Xildhibaan Aaden Shirre Faarax (San-weyne) oo xalay u geeriyooday dooxa lafa-ruug oo qaaday.
Sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo oo ka qaybgalay aas-kaas ayaa Tacsi u diray Marxuumku qoyskii, qaraamadii shacabka Somaliland ee uu ka baxay.
Dhinaca kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Caalamiga ah ee xogreebnews Magaaladda Hargeysa ayaa lagu shaaciyey tacsi Madaxwaynuhu u diray, taas oo iyada oo dhamaystiran u dhignayn sidan:- “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, XILDHIBAAN AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL, oo shalay ku geeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la tegay kaasi oo u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa intii ku geeriyootay shilkaasi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi geeriyooday.
Madaxweynhu waxa uu Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.
waxa kale oo madaxweynuhu uu intii ku dhaawacan tahay shilkaasi alle uga baryayaa inuu ka shaafiyo dhaawacaasi, sidoo kalena Golaha Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured