WASIIRKA MAALIYADA C/CASIIS, SAMAALE OO FADEEXADO BADAN FARAHA KULA JIRA MAXAAD KA OGTAY IYO XILKANA KU WAAYI KARA?.

0
Tuesday August 13, 2013 - 20:16:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA MAALIYADA C/CASIIS, SAMAALE OO FADEEXADO BADAN FARAHA KULA JIRA MAXAAD KA OGTAY IYO XILKANA KU WAAYI KARA?.

    Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegaa in uu tartan ku jiro balse waxa uu u tartamayo lama yaqaano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegaa in uu tartan ku jiro balse waxa uu u tartamayo lama yaqaano Ugu horeyn waxaan salaamayaa dhamaan saxaafada gaar ahaan saxaafada inta badan aanu xidhiidhka leenahey,waxaan idinku salaamayaa salaamta islaamka ah ´ASCW´ .

Ka dib aan u soo noqdo ceebaha wasiirka maaliyada somaliland c/casiis samaale xilka kuwaayi karo,wasiirka maaliyada somaliland waxa dul jooga ceebo badan oo ay ka mid yahiin, xatooyo, xoolaha ummada, eex shaqaalaha dowlada gaar ahan wasaarada maaliyada , laaluush bixin ,ku tagri fal hanti aanu laheyn, ku kac shaqo aanu laheyn sida isku daygii shaley lagu sameeyey wasiirkii hore ee arimaha dibada somaliland maxamed cabdullahi cumar ee xafiiskii dowlada ee gobolka gabiley loogu diidey in uu dadweynaha kula hadlo isagoo ah wasiir ka tirsan ama ka turjumaya siyaasada xukumada aad madaxda ka tahey.

Wasiirka maaliyadu waxa uu sheegaa in uu tartan ku jiro balse waxa uu u tartamayo lama yaqaano maadama aanay hada jirin cid tartameysa balse madaxweyne waxaa kugu waajib ah hadaanad adigu ujeedo ka laheyn ama adiga laftaada aanu wasiirka aan khibrada badan iyo aqoonta laheyn, aanu kuu ololeyneyn,maahan in uu u dhaqmo sida awood ka baxasan shaqadiisa, isagoo waliba ay tahey in hanti dhowrku galaan wasaaradiisa ,ayaad wali adigu hortaagantey, waxananu u aragnaa in aad adigu wasiirkan dabadiisa fadhido balse ogow in aanu wasiir samaale meel ku geyn doonin.
Hadaba madaxweyne anigoo qodobadaasi iyo cabshooyin badan, musuqmaasuq, eexda shaqaalaha wasaarada maaliyada ka socota, hanti boobka ,wasiirka, ishortaaga wasiirada kale ee golaha ama fara galinta shaqada wasaarada arimaha gudaha, waxaan odhan karnaa wasiirkan waxa uu mudanyahay in xil ka qaadis lagu sameeyaa, sababtoo ah waxa uu ku jiraa, danbiyo fara badan iyo xatooyo, xaaraan ah oo uu cashuurtii dalka si dadban u leexsado habeen iyo maalin.
Gabagabadii waxaan shacabka somaliland ugu sheegi lahaa qof xoolahii ummada sifo sharcidaro ah ku xalaaleystey, ka xooleystey, ku baayactama, laaluush u bixinaya, oo xitaa maalinkasta aan maqleyno in uu lacagtii wasaarada maaliyada casuumado ku sameynaayo, cid la xisaabtanata waayey, waliba la yidhi tartanka ayaad lacagta ummada ku galeysaa waxey inoo cadeynaysaa meesha uu maanta dalkii maraayo, bal eega wasiirkan maaliyada ee la leeyahey wasiir kale ayuu xafiisyadii ka xidhey, xaguu awooda ka keeney macnahu sow maahan nimanka sheeganaya maayerada iyo gudoomiyaasha waxaa loo qadhiidhey lacagtii ummada ileyn waan ogney aqoonta samaale iyo hanti ahaan waxa uu ahaaba e, yaa siiyey awoodaasi? sow madaxweyne siilaanyo maahan, miyaan dalkii iyo sharcigiiba la baa-biin? waxaan odhan karaa maahan in dadku sii eegtaan, dhawan xumada iyo maamul xumada wadankii ka socota ee waa in laga hadlaa.

intaasi iyo kulnti danbe.
Q/ Tahir hussein (xumaandiid)
E-mail: waayo_aragman@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured