Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe Muhumed

0
Friday August 09, 2013 - 08:35:45 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe Muhumed

    *DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA **Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe muhumed*

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

*DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA **Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe muhumed*
Bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa EEBE inoo sheegay in la xidho Iblayska
oo ah kan ugu da’da wayn shadaadiinta oo la da’ ah ama ka waynba Aabaheen
Nabi Aadan (NNKHA), laakiin shadaadiinta yar yar lama xidhxidho,
shadaadiintaasi yar yar ee aan la xidhxidhn ayuu ka mid yahay ninka
magaciisa ku sheegay Baashe Muhumed ee umada muslinka ah ee reer Somaliland
oo bishaasi gabogabada ah ee barakaysan xuska ILAAHAY u saro joogay gaar
ahaan xalay oo 27kii Ramadaan ahayd, hurdo aan dhabanka dhulka dhigin unu
soo jeeday xuska ILAAHAY ee tukanayay TARAAWIIXDA iyo TAHAJUDKA ee gacmaha
hoos haystay EEBAHOOD oo dambi dhaafka naxariista iyo in ay ka mid noqdaan
kumanka naarta laga xoreeyo ka tuugayay ninka maalmahaasi barakaysan 27ka
Ramadaan dhaleecayn been iyo qadaf ku sheegaya Madaxwaynaha Somaliland iyo
wasiirada uga waxqabadka badan gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada iyo
Maaliyadu ma aha ilmo xalaal basle waxa uu ka mid yahay shadaadiinta yar
yar ee aan Ramadaanta la xidhxidhin.




Ninkaasi waxan si kooban ugu sheegi lahaa dalkayaga Somaliland Nimcaa
FadhFadhida bishan Ramadaan bilowgeedii Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Idaacadii Quraanka Kariimka ahayd ee
abdi Somaliland laga furo oo 24 hours 7 days baahisa Qawlka EEBE Quraanka
Kariimka ah caasimadii iyo umadii muslinka ahayd ee ku noolayd idaacadaasi
way qaboojisay, Shaydaadiintii aad ka midka ahaydna way buufisay, kaalay
arag gaadiidkii dadwaynah kaad fuushoba meheradii ganacsi ee aad hormartoba
gurigii ag martaba Quraanbaa nooga baxaya ALXAMDULILAAH.



Ku darsoo kaalay arag abaalmara ugu qaalisanaa ee abid Somaliland la
gudoonsiiyo da’yarta korka ka xafiday 2da WAXYI (Quraanka Kariimka ah &
Xadiiska Rasuulkeenii Muxamed NNKHA. Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland
ee aad dhaleecaynayso ayaana bixiyay Abaalmarinta Quraanka Kariimka ah ee
ugu qaalisan ee dhul Soomaaliyeed degto laga bixiyo oo ah dhawr kun oo
dollar iyo Baabuur yar oo cusub, waxanu ku qaabilay xufaadii guulaystay iyo
culimadii tartanka Quraanka wayday Aqalka looga arimiyo Somaliland. Sidoo
kale shirkada aad Aflagaadaynayso ee Dahabshiil ayaa ka mid ahayd
maalgaliyayaasha Tartanada Quraanka ee dalka laga qabtay iyaga iyo
Ganacsato kale oo badan ayaa adduunka ku baxay tartamadaasi bixinaysay.



Baashe Muhumed ninka sheeganayow maanta maalin ay ka wanaagsan tahay
Somaliland ma jirto, maalin caalamku kaga kalsooni badan yahayna inama soo
marin. Itoobiya waa saaxiibka Koowaad ee Somaliland leedahay, Ingiriiskuna
waa ka 2aad, adigu labadan dal afhayeen uma tihid digreetadii ay kugu
magacaabeena namaad tusin. Anigoo ka mid ah Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga
Somaliland ee waliba ka madaxbanaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa
xogogaal u ah arimahan aad beenta qaawan ka sheegayso.

Waligeed may dhicin Digniin Ingiriis, Itoobiya iyo dal kaleeto u soo
gudbiyo Madaxwayne Siilaanyo oo lagu durayo Wasiirka Tamarta badan ee
Madaxtooyada iyo kan maaliyada toona. Xasad iyo Buqdi qabyaalad ku salaysan
ayaa ku hayee, ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Argagixisada aad
adigu ka mid tahay iyo madaxda qaranka oo aan ka ahayn colaad aanu midba
kan kale bixinaynin.



Shirkada Dahabshiil waa shirkada kali ah ee buuxisay dhamaan shuruudaha
caalamiga ah ee lagu kantaroolo xawilaada lacagaha taasi oo ay ku kasbatay
kalsoonida dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga iyo bulshada caalamka
hay’adaha Qarmada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba. EEBE ayaa sharaftaasi
iyo kalsoonidaa u suurtogaliyay.

Shacbiga Somalilandna ma joogaan maanta 1960kii beenta adigoo kale u sheegi
jirteen ee shaydaanku dantooda qaran dhaafin jireen. Waa dad soo jeeda oo
kala og Nacabkooda adigoo kale ah iyo Nasteexooda.



Waar Baashoow toobad keen, oo haddii aad tahay muwaadin Somaliland ah
dalkaaga iyo dadkaaga dhinac ka soo raac oo nala wadaag nimcada if iyo
aakhiro ee shacabka Somaliland haystaan. Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu
guulaha ay hirgaliyeen ee Ilaahay aanu ku tusin adiga Baashow halkan kuma
soo koobi karo, waxay jidad cusub noo dhistay, Idaacada dunida oo dhan laga
dhagaysto ee Radio Hargeisa, Tan Quraanka Kariimka ah, dib u heshiisiinta
beelaha walaahayaga bariga Somaliland, dhismaha garoomada casriga ah ee
dalka, iyo siyaasada dibada oo goolal badan oo xidhiidh ah ay iska dabo
dhalisay.

EEBOW guusha Somaliland noogu sii wad. WABILAAHI TAWFIIQ

Suleiman Ismail Bolaleh


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured