Wiil ka tirsan Qoyska Madaxweyne Siilanyo oo Qandraas Qarsoodiya lagu siiyey soo iibinta Gaadiid casri ah oo loo keenay Qasriga Madaxtooyada

0
Saturday March 30, 2013 - 18:48:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil ka tirsan Qoyska Madaxweyne Siilanyo oo Qandraas Qarsoodiya lagu siiyey soo iibinta Gaadiid casri ah oo loo keenay Qasriga Madaxtooyada

    Hargeisa-xogreebnews.com)-magacyadooda warbaahinta la gelin ayaa xaqiijinayaa in Toban Baabuur oo cusub oo dhawaan Qasriga Madaxtooyada loo keenay soo iibintooda iyo keenidoodaba Qandaraas Naas-nuujina lagu siiyey Wiil ka tirsan Qoyska Madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-xogreebnews.com)-magacyadooda warbaahinta la gelin ayaa xaqiijinayaa in Toban Baabuur oo cusub oo dhawaan Qasriga Madaxtooyada loo keenay soo iibintooda iyo keenidoodaba Qandaraas Naas-nuujina lagu siiyey Wiil ka tirsan Qoyska Madaxtooyada. Wiil ka tirsan Qoyska Madaxweyne Siilanyo oo Qandraas Qarsoodiya lagu siiyey soo iibinta Gaadiid casri ah oo loo keenay Qasriga Madaxtooyada


Hargeisa-xogreebnews.com)-magacyadooda warbaahinta la gelin ayaa xaqiijinayaa in Toban Baabuur oo cusub oo dhawaan Qasriga Madaxtooyada loo keenay soo iibintooda iyo keenidoodaba Qandaraas Naas-nuujina lagu siiyey Wiil ka tirsan Qoyska Madaxtooyada.


Baabuurtan oo noocoodu yahay Land-Cruiser ,Nooca qaaliga ah ayaa xoguhu tilmaameen inaan loo marin nidaamkii sharciyeed ama sharcigu dhigaayey in loo maro Qandaraasyada Dawladu bixiso balse si Qarsoodiya Wasiirka Madaxtooyadu ugu naasnuujiyey Baashe Cawil Xaaji Cumar (Moorgan ) oo ay u dhaxday Inan uu Madaxweyne Siilanyo dhalay.

Baashe-Morgan ayaa la sheegay inuu qandaraasyo hore oo aan la shaacin,lagulana tartamin qaatey sida soo daabicidii Lacagta Noodhka ah ee Kunka iyo Shanta Kun,wuxuu kaloo dalka si joogto ah u keenaa Kooxo Ajaaniba oo gurta Dhagaxaanta iyo Macdanaha qaaliga ah,si Kootarabaanana u dhoofiya xadiga Macdanta Qaaliga ah ee ay heli karaan.
Geesta kale Baashe-Morgan ayaa kal-hore lagu qabtay Madaarka Jomo Kenyatta International Airport isagoo tahriibinaya Lacag kaasha oo lagu qiyaasey $2.000.000 (laba malyuun oo Dollar) Lacagtaas oo uu ku sii dhex qariyey Shandad Dhar balse la qabtay,Dhawr cisho ka dibna isaga iyo Lacagtiiba dib loogu soo mustaafuriyey Somaliland (Madaarka Berbera).Lacagtaas ayaa la sheegay inuu aakhirkii geeyay dalka UK oo Qoyska Madaxtooyadu guryo kaga iibsadeen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured