Wasiiru dawlihii Nabadaynta Arrimaha Barriga oo ka goostay Somaliland iyo safarkii Xagla toosiye ee Turkiga oo ahaa lad-qabo

0
Saturday March 30, 2013 - 08:38:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru dawlihii Nabadaynta Arrimaha Barriga oo ka goostay Somaliland iyo safarkii Xagla toosiye ee Turkiga oo ahaa lad-qabo

    Hargeysa(xogreebenws) warar isa soo taraya oo Suuqa si weyn ugu jira ayaa sheegaya in Wasiiru dawlaha Arrimaha Nabadaynta Goboladda bari Keyse Cabdi Yuusuf warkiisa la la’yahay maalmihii ugu danbeeyay isla markaana xogo laga helayo beesha uu ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebenws) warar isa soo taraya oo Suuqa si weyn ugu jira ayaa sheegaya in Wasiiru dawlaha Arrimaha Nabadaynta Goboladda bari Keyse Cabdi Yuusuf warkiisa la la’yahay maalmihii ugu danbeeyay isla markaana xogo laga helayo beesha uu ka soo jeedaa iftiiminayaan in uu cadho kaga tagay Xukuumadda kadib markii uu in muddo ah naawilayay kharash uu ku galo xalinta khilaafaad ka taagnaa Goboladda Barriga, balse uu waayay kadib markii uu Xukuumadda ka codsaday.
Wasiiru dawlihii Nabadaynta Arrimaha Barriga oo ka goostay Somaliland iyo safarkii Xagla toosiye ee Turkiga oo ahaa lad-qabo

somalilandMa dhabaa in Madaxtooyaddu Laydhkii iyo Biyihiiba ka jartay oo uu is-madalufiyay?

Hargeysa(xogreebenws) warar isa soo taraya oo Suuqa si weyn ugu jira ayaa sheegaya in Wasiiru dawlaha Arrimaha Nabadaynta Goboladda bari Keyse Cabdi Yuusuf warkiisa la la’yahay maalmihii ugu danbeeyay isla markaana xogo laga helayo beesha uu ka soo jeedaa iftiiminayaan in uu cadho kaga tagay Xukuumadda kadib markii uu in muddo ah naawilayay kharash uu ku galo xalinta khilaafaad ka taagnaa Goboladda Barriga, balse uu waayay kadib markii uu Xukuumadda ka codsaday.


Ilaa hada Wasiir Keyse cid si rasmi ah u ogi ma jirto goobta uu ku sugan yahay hase yeeshee ilo wareedyo laha helayo dadkii ay isugu danbeeyeen ayaa sheegaya in uu gaadhigiisii ku wareejiyay Kolay Jaad oo uu Macmiil la lahaa kadib markii uu u waayay kharash uu isaga bixiyo, isagiina gaadhi kale u raacay deegaanka Widhwidh halkaas oo la hadal hayo inuu dhinaca shishe u dhaafay.

Ilo wareedyo Xukuumadda ku dhaw dhaw ayaa Waaheen u xaqiijiyay in Wasiiru dawlaha iyo Wasiirka Madaxtooyaddu isku dhaceen kadib markii sida la sheegay mudadii uu Wasiirka ahaa uu kala kulmay Mushahar la’aan iyo kharashaad uu ku socodsiiyo hawsha loo igmaday, taasoo keentay in xataa uu dalbaday in loo soo celiyo gaadhigii Qorigu saarnaa ee uu la soo galay.

Dhinaca kale, warar aan ka fogayn isla masuuliyiinta Reer Buuhoodle ayaa sheegaya in Wasiirka dibu-dajinta Saleebaan Xagla toosiye laftiisu qabo cabasho la mid ah ta Keyse ku tagay, iyadoo xogaha dheeraadka ah ee laga ahelayo safarkii uu Madaxweyne Siilaanyo ilaa Turkiga u kaxaystay ay ka dhasheen dareen laga qabay in aanu Nafsad u haynin in uu ka sii mid ahaado Xukuumadda.

Wararkan oo isa soo taraya ayaa loo food saaraynayaa qorshe xumaanta ay Xukuumaddu ku gashay soo xero galintoodii hore, taasoo aan ilaa iyo hada Xukuumaddu ka gaadhin Horumar la taaban karo oo aan ahayn in kharash badan lagu bixiyay labadaas shakhsi balse beesha inteedii kale aan halkaas loo dhaafin, iyada oo waliba Gogoshii Nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay Beesha ay ka soo jeedaan Wasiiraddani ay u kala bixin kari waayeen si loo gaadho Heshiis Rasmi ah.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Nabadaynta ee Goboladda Barri waa markii labaad ee uu cadho kaga tago Somaliland, hase yeeshee markii hore waxa uu dib uga soo noqday Widhwidh kadib markii ay Warbaahintu soo bandhigtay cadhadiisa, waxaana la xusaa in ay Xukuumaddu Qadar lacag ah oo aan qiyaastiisa la ogayn ku soo maslaxday.

Si kasta ha ahaatee Xukuumadda Somaliland waxa looga fadhiyaa in ay si qoto dheer u gasho mushkiladaha ay ka cabanayaan siyaasiyiinta ay ka soo cugatay Jabhada ka soo horjeeda ee Khaatumo taasoo haddii ay ku laabtaan fursad u noqon doonta mucaaradka Somaliland gaar ahaan Xukuumadda Somaliya oo wakhtigan gacan togaalaynaysa Siyaasiyiinta dhadhama raaca ah ee Reer Somaliland.

cource waaheen



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured