Qoarmadii 19-aad - Qaranka Somaliland Wuxuu Ku Yimi Go´aanka Bulshada iyo Gumucii Mujaahidiinta

0
Tuesday August 06, 2013 - 19:46:09 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoarmadii 19-aad - Qaranka Somaliland Wuxuu Ku Yimi Go´aanka Bulshada iyo Gumucii Mujaahidiinta

    Waxa aynu iyana ognahay in wadanka Somaliland uu yahay qaran dimuqraadi ah oo ku dhisan nimaadka asxaabta badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aynu iyana ognahay in wadanka Somaliland uu yahay qaran dimuqraadi ah oo ku dhisan nimaadka asxaabta badan Qaranka Somaliland wuxuu ku yimi go´aankii ay u-foodeen ee ay qaateen bulsho-weynta reer Somailand,waxaana uu ku soo xerogaley gumucii mujaahidiinta hadda ku dhawaaqey
golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka.Su´aashase la is weydiinayaa waxay tahay maxaa ka lifey in ay intaas oo mujaahid ay isu tagaan oo ay ku dhawaaqaan in talo lasiiyo oo la toosiyo xukuumada talada haysa ?? mar hadii xukuumadii la isku raacey in ay taraartey oo turun-turootey iyaga oo mujaahidiintu cid walba

uga lexajeclo badan qarankan barakeysan ee Somaliland.ee ay naftooda iyo muruqooda iyo maalkoodiiba ay u-soo hureen ayaa waxay go´aan sadeen in wadanka si deg-deg ah loogu gurmado waxaana markiiba ku raacey shacabka reer Somaliland badankiisii.
Waxa aynu iyana ognahay in wadanka Somaliland uu yahay qaran dimuqraadi ah oo ku dhisan nimaadka asxaabta badan,madax banaanida garsoorka iyo golayaasha sharci dejinta.
Hadaba maxaa khaldamey? Maxaa is bedelay ?? maxey saluugeen mujaahidiintii wadanka u-soo halgamey ee ka xoreeyey taliskii cadowga ahaa ee Siyaad Bare? Jawaabta oo kooban iyo wixii ay saluugeenba ka akhriso qodabadan hoose ee kooban:
1- Dimuqraadigii iyo geedi- socodkii ,ma-baa-diidii siyaasadeed iyo qadiyadii wadanka oo ay wada ragaadisey xukuumadii Siilaanyo , kadib markii ay dhiiri gelisey in beelo dib-loogu noqdo ee ay hadana xukuumadii ku fashilantey kala xadeyntii golihii fulinta, sharci dejinta iyo garsoorkii taas oo ay meesha ka-baxeen is-xisaabintii iyo xil-gudashadii ka dib markii xeerarkii dastuurkana qaarna hadh cad la sariftey intii hadheyna la baalmarey, ka dibna ay Mujaahidiintu saluugeen habka ay ku socdaan dhiirigelintii ,mabaadii´dii, qadiyadii iyo masiirkii ummaddu.
2- Xisbiyadii:Labdii xisbi ee mucaaridka ahaa oo midna la shuraakoobey xukuumadii oo uu muxaafid noqdey kii kalena ay faraha lala galey oo ay xukuumadii ka shaqeysatey oo fur-furtey

Halkaana waxaa meesha kaga baxey quwadii mucaaridka ahaa ee xukuumadan taraartey tilmaami lahaa ee ku toosin lahaa toobiyaha toosan.Mujaahidiintu waxay arkeen in

ay xukuumadu dhex-hurudo xisbiyadii mucaaradka ahaa ee qaranka oo aanu jirin S/land maanta mucaarid adag oo mideysan oo wax-toosin kara ama ay ka mid noqon karaan.

3 Wakiiladii: oo ahaa goobtii ugu sareysey ee sharci dejinta dawlada,halkaas oo lagu abuuro sharciyada kadibna lagu ansixiyo laguna meelmariyo sharciyadii wadanka ee ay soo abuureysey qaybtii fulinta ee dawladu ayaa waxaa iyagii iyo xukuumadii kala dhex-marey balan-qaad,gacan-wadaag iyo dhabarka ii xoq aan kuu xoqee.Taasina waxay sababtey in golihii wakiilada ee ummadu u soo dooratey in ay ku hogaamiyaan siyaasada guud ee wadanka tubta toosan marka ay taraarto xukuumadu, ayaa waxay seegeen shaqadii loo igmadey oo ay iyagii iyo xukuumadii (fulintii) isku daneyteen oo ay xaraan ku heshiiyeen waxaana taa kaaga markhaati kaceysa xisaab-xidhkii miisaaniyada ee sanadka oo uu golaha wakiiladu ay ku faraxsanayeen odoroska, 4 laabka ah ee been abuurka cadaanka ah ee aan laba cali is-weydiin ee ay idho-la´aan iyo duuduubka ay ku sii daayeen kuna ansixiyeen iyada oo aan laga doodin, taas oo iyaduna fududeysey in muq-maasuqii xukuumadu uu xadka dhaafo oo xadhkaha goosto. nasiib-daro golihii wakiiladu waxay noqdeen gole la magac-baxey aniga uun baa nool oo iyagu uun baa wax-kasta iska fuudhyeela ,ku waas oo iyagu ilaa iyo sadex-jeer musha-harka isu kordhiyey.iyada oo uu maanta hal-doorkii dhalinyarada wadanku badaha isku guraayo oo u-baahnaa hadii wax kale loo qaban waayeey in xeerar xakameeya loo abuuro oo loo ansixiyo. labadii goleba waa guurtidii iyo wakiiladiiye iyaga uun baa daneystey oo dhabarka is-taabtey.Markaa danta guud ee dalkana faa´ido uguma jirto in kolba waqti loo kordhidho goleyaal fasaqmey oo fadhiid ah. waxaana ay khiyaameeyeen wadanka markii ay ka cago jiideen in ay dhameystiraan xeerarkii i yo sharciyadii iyaga laftooda lagu dooran lahaa. qodobkan ayaa waxaa aad u-saluugay Mujaahidiinta golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo ay ka mid yihiin xubno ka mid ah golaha wakiilada oo u-adkeysan waayey sida uu golahoodii wax wado ee uu ugu fasqamey golihii fulinta ee xukuumada.

4- Xukuumadii: shacabka reer Somaliland waxay doorteen Madaxweyne iyo ku-xigeen lakiin waxaa ka soo dhex-fuurey Ra´isal wasaare qarsoon oo darban oo dalabka ku shaqeeya kaas oo aan doorasho ku iman ee ku yimi daba-kanuugnimo iyo digreeto madax-weyne. taas oo asadkii iyo hantidii maguuraanka aheyd ee ummadda ay gacanta u-galey wax-magarato madaxweyne wato, kadibna anfacii iyo asadkii wadanka shaqsiyaad shirkado sheeganaya iyo shirkado dhinac ka karar oo gaar ah loo -sad-qeeyey halkaana ay xukuumadii ku-seegtey milgihii iyo karaamadii dawladnimo, waxaan ay Xukuumadii isku milmeen xeer-dejintii, xisbiyadii iyo wakiiladii kuwaas oo wada noqdey hal xisbi oo is-xanbaar isbarkan ah. hada qabso oo waxaa xukuumada shidhka hore ugu jira shaq-siyaad ku amar-ku-taagleeya awood aaney laheyn oo baadiya oo meel cidla ah ka qaateen cidina ku qabsan weydey.Diirigelintii maslaxadii dantii guud ee ummadda oo meesha iyana ka baxdey.higsigii iyo habsami-usocodkii hawlihii qaranka oo iyana hagaasey. Taas oo ay xukuumadii Siilaanyo ay dhamaan baal-martey mabaadii´dii siyaasadeed iyo qadiyadii Somaliland taas oo sabatey in ay dhamaan mar-qudha mujaahidiintii ugu miisaanka weynaa Somaliland ay ku dhawaaqaan gurmad, badbaado,talo iyo toosin qaran oo loo wada dhanyahay oo deg deg looga hawl-galo.

Guntii iyo Gebagebo: Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranku waxay tasteexo u-yihiin xukuumada Siilaanyo.iyo bad-baadinta qaranka Somaliland. Maadaama ay Somaliland ku soo caano maashey oo heerkan ay maanta mareyso ku- soo gaadhey wada- tashi , is-maqal, gar-naqsi,isu- tanaasul, iyo wada-shaqeyn joogto ah.



Alleh ayaa Mahada Leh,

Wa-Laahum-Aclum-Wa-billahi-Towfiiq

Qalinkii A/rahman Fidhinle

Intensive ED BD PA

United Kingdom

London



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured