LABA GAADIIDA OO UU QAADEY DAAD DOOXA AW BARKHADLE

0
Saturday March 30, 2013 - 08:34:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    LABA GAADIIDA OO UU QAADEY DAAD DOOXA AW BARKHADLE

    weetHargeysa (xogreebenws.com) — Dooxa Magaaladda Aw-barkhadle ee degmadda Laas-geel ee gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay qaaday baabuur noociisu yahay SURF, halka dhawr baabuur oo nooca yaryar ah oo iyagu markii uu daadkii marayey dooxaasi yara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

weetHargeysa (xogreebenws.com) — Dooxa Magaaladda Aw-barkhadle ee degmadda Laas-geel ee gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay qaaday baabuur noociisu yahay SURF, halka dhawr baabuur oo nooca yaryar ah oo iyagu markii uu daadkii marayey dooxaasi yaraaday damcay inay maraan jidkaasna la sheegay inay galeen camuudii dooxa, isla markaana aakhirkii laga samata-bixiyey inuu la tago. Hargeysa (xogreebenws.com) — Dooxa Magaaladda Aw-barkhadle ee degmadda Laas-geel ee gobolka Maroodi Jeex ayaa shalay qaaday baabuur noociisu yahay SURF, halka dhawr baabuur oo nooca yaryar ah oo iyagu markii uu daadkii marayey dooxaasi yaraaday damcay inay maraan jidkaasna la sheegay inay galeen camuudii dooxa, isla markaana aakhirkii laga samata-bixiyey inuu la tago.

Sida uu noo xaqiijiyey Guddoomiyaha Degmada Laas-geel Axmed Muuse Cabdi baabuurkaas SURF-ta ah ee uu daadku qaaday ayaa dadkii saarnaa gurmad badan ka dib laga saaray dooxa, kaas oo sheegay inaanu wax khasaare nafeed ahi ka dhalanin gaadhigaas.


Sidoo kale baabuurtaas ayuu dooxa Aw-barkhadle qaaday shalay xili Madaxwayne Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayey oo ka soo guryo noqday dalka Imaaraadka Carabta oo ay socdaal shaqo ugu maqnaayeen waxyar uun ka hor soo mareen Dooxaas, kuwaas oo sida uu Guddoomiyaha Laas-geel xusay intii aanay halkaas soo gaadhin in Cagafyo la sii galiyey labada doox ee degmadaas si aanay caqabad ugu noqonin socdaalka Madaxwaynuhu ugu soo baqoolayey Caasimada.
Guddoomiyaha Degmadda Laas-geel Axmed Muuse ayaa isaga oo Dacar-budhuq jooga ka warbixiyey saamaynta dooxyada Dacar-budhuq iyo Aw-barkhadle ku keenaan isu-socodka Hargeysa iyo Berbera xiliyada roobka, kaas oo sidoo kale faahfaahin ka bixiyey khasaaraha roobabkii shalay da’ay ay ku keeneen gaadiidkii isticmaalayey jidkaas. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya arimahaas, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sida aynu ognahay xiliyada roobka Dooxyadu way iska khatar badan yihiin, markaa waxa aanu imika maamul ahaan dooxa u dirnaa Askar xaga soke iyo xaga shisheba la geeyaa, oo roobkii maalintii dhawayd da’ay daadadkii uu soo rogay waxa ay sababeen oo dooxyada Dacar-budhuq iyo Awbarkhadle ay qaadeen laba baabuur, isla markaana wax khasaar nafeed ah oo ka dhacayna muu jirin”.

Guddoomiyaha Degmadda Laasgeel Axmed mar la waydiiyey khasaaraha ilaa iyo inta uu ogyahay ka dhashay roobabkii shalay da’ay ee ay keeneen Dooxyadda Awbar-khadle iyo Dacar-budhuq, waxa uu yidhi “Dooxa Aw-barkhadle waxa uu caawa qaaday baabuur Serf ah oo u socday Jimce-barkhadlaha oo xaga Sheekha u talaabayey, kaas oo sida uu guddoomiyaha Magaaladda Aw-barkhadle ii sheegay dadkii saarnaa baabuurkaasna laga Samata-bixiyey. Markaa run ahaantii iyada oo dooxyadu xiliga roobka ay dhamaantood khatar yihiin, hadana waxaan qabaa in dooxa Awbarkhadle uu yahay ka ugu khatarta badan dooxyada degmaddan ku yaala oo uu xataa ka Dacar-budhuq ka khatar badan yahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey “Degmaddu Cagaf ma laha oo waxa aanu samaynaa oo aanu la hadalnaa oo naga saacida dhinaca gaadiidka Wasaarada Hawlaha Guud ayaa Cagaf soo dirta oo imika roobkii dhawaaba Musuuliyiinta Hawlaha Guud ayaan la hadlay oo dirtay Cagaftii camuuda ka guraysay dooxa oo imika doraad oo kale mar uu aniga I celiyey aniga oo Hargeysa u socda Hawlaha Guud ayaan la hadlay oo markaa u fududaysay inay baabuurtu sidii caadiga ahayd u isticmaalaan wadda Caasimadda iyo Berbera isku xidha, mida kale dooxyadani waxay inta badan dhibta ugu badani ka soo gaadhaa baabuurta aan 4WD ahayn oo ay baabuurta waawayn ee Waaradka loo yaqaano iyo kuwa yaryarba. Markaa dooxa Dacar-budhuq isagu Camuud badan ma dhigo waddada laakiin ka aadka u khatarta badani waa ka Aw-barkhadle oo u baahan in la iska kaashado wax ka qabashadiisa”. Guddoomiyuhu mar uu ka hadlayey culayska haysta degmooyinka yaryar ee dalka ee aan iyagu dhaqaalaha badan lahayn, waxa uu yidhi “Kolay waynu ognahay oo dalka degmooyinka waawayn mooyaane kuwa yaryari ma helaan gaadiidka waawayn ee sida Cagafyada oo kale ah, run ahaantiina waa mihiim in Cagaf iyo Wiish iyo wixii qalab ee loo baahan yahayba loo helo waddo sidan mihiim u ah oo isku xidhaysa Caasimadii dalka iyo Magaaladii wax inooga soo degayeen ee Berbera oo hadii Cagaftu waxba qaban-waydo mararka waxa loo baahan yahay Wiishka oo isagu qaadaya wixii daadku qaado ama u baahan gargaarka degdeg ah”.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse Cabdi mar wax laga waydiiyey waxa uu jidkaas ka Mutaystey Madaxwayne Siilaanyo markii uu shalay socdaalka dhulka ah ku soo maray waddadaas iyo dooxyadaas oo sida la sheegay rogmanayeen qaarkood, waxaanu yidhi “Anigu Dacar-budhuq ayaan joogay marka ay Dooxyadaasi rogmanayeen markaa maan arag wax dhib ah ama safarka Madaxwaynaha caqabad ku noqda oo uu Dooxyadaas kala kulmay, Awbarkhadle-na madaxdii joogtey sidaasay ii sheegtey oo si habsami ah ayuu jidkaas u maray oo sida caadada ah socdaalka Madaxwaynaha gogol xaadh badan ayaa ka horeeyey oo isaga oo socda uun muu soo galin Dooxa’e oo waa laga sii shaqeeyey oo Cagafyo ayaa la keenay degmadda oo meelna kumuu hakanin inta aan ogahay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured