Dalkeena Nimcaa Fadhfadhida ee u sheega munaafaqa magaciisa ku sheegay Baashe Muhumad

0
Monday August 05, 2013 - 23:16:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dalkeena Nimcaa Fadhfadhida ee u sheega munaafaqa magaciisa ku sheegay Baashe Muhumad

    NASTEEXO KU SOCOTA SHACABKA SOMALILAND IYO DIGNIIN KU SOCOTA SHAR WADE BAASHE MUHUMED

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

NASTEEXO KU SOCOTA SHACABKA SOMALILAND IYO DIGNIIN KU SOCOTA SHAR WADE BAASHE MUHUMED Bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa EEBE inoo sheegay in la xidho
Iblayska oo ah kan ugu da’da wayn shadaadiinta oo la da’ ah ama ka
waynba Aabaheen Nabi Aadan (NNKHA), laakiin shadaadiinta yar yar lama
xidhxidho, shadaadiintaasi yar yar ee aan la xidhxidhn ayuu ka mid
yahay ninka magaciisa ku sheegay Baashe Muhumed ee umada muslinka ah
ee reer Somaliland oo bishaasi gabogabada ah ee barakaysan xuska
ILAAHAY u saro joogay gaar ahaan xalay oo 27kii Ramadaan ahayd, hurdo

aan dhabanka dhulka dhigin unu soo jeeday xuska ILAAHAY ee tukanayay
TARAAWIIXDA iyo TAHAJUDKA ee gacmaha hoos haystay EEBAHOOD oo dambi
dhaafka naxariista iyo in ay ka mid noqdaan kumanka naarta laga
xoreeyo ka tuugayay ninka maalmahaasi barakaysan 27ka Ramadaan
dhaleecayn been iyo qadaf ku sheegaya Madaxwaynaha Somaliland iyo
wasiirada uga waxqabadka badan gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada iyo
Maaliyadu ma aha ilmo xalaal basle waxa uu ka mid yahay shadaadiinta
yar yar ee aan Ramadaanta la xidhxidhin.

Ninkaasi waxan si kooban ugu sheegi lahaa dalkayaga Somaliland Nimcaa
FadhFadhida bishan Ramadaan bilowgeedii Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Idaacadii Quraanka Kariimka ahayd
ee abdi Somaliland laga furo oo 24 hours 7 days baahisa Qawlka EEBE
Quraanka Kariimka ah caasimadii iyo umadii muslinka ahayd ee ku
noolayd idaacadaasi way qaboojisay, Shaydaadiintii aad ka midka
ahaydna way buufisay, kaalay arag gaadiidkii dadwaynah kaad fuushoba
meheradii ganacsi ee aad hormartoba gurigii ag martaba Quraanbaa nooga
baxaya ALXAMDULILAAH.

Ku darsoo kaalay arag abaalmara ugu qaalisanaa ee abid Somaliland la
gudoonsiiyo da’yarta korka ka xafiday 2da WAXYI (Quraanka Kariimka ah
& Xadiiska Rasuulkeenii Muxamed NNKHA. Madaxwaynaha Jamhuuriyada
Somaliland ee aad dhaleecaynayso ayaana bixiyay Abaalmarinta Quraanka
Kariimka ah ee ugu qaalisan ee dhul Soomaaliyeed degto laga bixiyo oo
ah dhawr kun oo dollar iyo Baabuur yar oo cusub, waxanu ku qaabilay
xufaadii guulaystay iyo culimadii tartanka Quraanka wayday Aqalka
looga arimiyo Somaliland. Sidoo kale shirkada aad Aflagaadaynayso ee
Dahabshiil ayaa ka mid ahayd maalgaliyayaasha Tartanada Quraanka ee
dalka laga qabtay iyaga iyo Ganacsato kale oo badan ayaa adduunka ku
baxay tartamadaasi bixinaysay.

Baashe Muhumed ninka sheeganayow maanta maalin ay ka wanaagsan tahay
Somaliland ma jirto, maalin caalamku kaga kalsooni badan yahayna inama
soo marin. Itoobiya waa saaxiibka Koowaad ee Somaliland leedahay,
Ingiriiskuna waa ka 2aad, adigu labadan dal afhayeen uma tihid
digreetadii ay kugu magacaabeena namaad tusin. Anigoo ka mid ah
Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee waliba ka madaxbanaan
xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa xogogaal u ah arimahan aad beenta
qaawan ka sheegayso.
Waligeed may dhicin Digniin Ingiriis, Itoobiya iyo dal kaleeto u soo
gudbiyo Madaxwayne Siilaanyo oo lagu durayo Wasiirka Tamarta badan ee
Madaxtooyada iyo kan maaliyada toona. Xasad iyo Buqdi qabyaalad ku
salaysan ayaa ku hayee, ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya
Argagixisada aad adigu ka mid tahay iyo madaxda qaranka oo aan ka
ahayn colaad aanu midba kan kale bixinaynin.

Shirkada Dahabshiil waa shirkada kali ah ee buuxisay dhamaan
shuruudaha caalamiga ah ee lagu kantaroolo xawilaada lacagaha taasi oo
ay ku kasbatay kalsoonida dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga iyo
bulshada caalamka hay’adaha Qarmada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba.
EEBE ayaa sharaftaasi iyo kalsoonidaa u suurtogaliyay.

DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo
digniin ku socota shar wade Baashe Muhumed

Bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa EEBE inoo sheegay in la xidho

Shacbiga Somalilandna ma joogaan maanta 1960kii beenta adigoo kale u
sheegi jirteen ee shaydaanku dantooda qaran dhaafin jireen. Waa dad
soo jeeda oo kala og Nacabkooda adigoo kale ah iyo Nasteexooda.

Waar Baashoow toobad keen, oo haddii aad tahay muwaadin Somaliland ah
dalkaaga iyo dadkaaga dhinac ka soo raac oo nala wadaag nimcada if iyo
aakhiro ee shacabka Somaliland haystaan. Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu
guulaha ay hirgaliyeen ee Ilaahay aanu ku tusin adiga Baashow halkan
kuma soo koobi karo, waxay jidad cusub noo dhistay, Idaacada dunida oo
dhan laga dhagaysto ee Radio Hargeisa, Tan Quraanka Kariimka ah, dib u
heshiisiinta beelaha walaahayaga bariga Somaliland, dhismaha garoomada
casriga ah ee dalka, iyo siyaasada dibada oo goolal badan oo xidhiidh
ah ay iska dabo dhalisay.

EEBOW guusha Somaliland noogu sii wad. WABILAAHI TAWFIIQ

Suleiman Ismail Bolaleh

On 8/5/13, Baashe Muhumed wrote:
>
>
> Digniin Ku Socota; Siilaanyo,
> Dahabshiil, Xirsi iyo Samaale (Jano Kabood):
>
>
>
> Soomaalidu
> waxay ku maahmaahdaa “Nin Kuu Digey Kuma
> Dilin”. Digniintani waxay ku socotaa ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliland
> oo dhagaha ka fureystey talooyin badan oo si gooniya loogu soo gudbiyey.
> Digniintu
> waa maxay? Digniintu waxa weeye raga la shaqeeya ARGAGIXISADA ee ku jira
> MAAMULKIISA iyo waxa uu wax uuga qaban waayey? Waxa hubaal ah inuu ogyahay
> digniintan oo ugu yaraan inta aan ogahay labagoor oo marina Nairobi tahay
> marna
> London tahay in Ingriisku ugu soo jeediyey, laakiin inuu wax ka qabto uu
> illaa
> hada diidan yahay. Itoobiyana illaa biloowgii markii Madaxweyne Siilaanyo
> dalka
> xukunkiisa qabsaday dhowr jeer ayey u soo bandhigtey, laakiin waxa hubaal ah
> in
> uu Madweyne Siilaanyo dhagaha ka fureystay. Fureysigaa uu Madaxweyne
> Siilaanyo
> dhagaha ka fureystay Ingiriiska iyo Itoobiya waxa ay kaliftey in xidhiidhkii
> Soomaaliland iyo Itobia iyo Ingriiskuba ay marayaan meeshii ugu hooseysey 23
> kii sano ee la soo dhaafey. Madaxweyne Sirta laguu soo gudbiyey ee Xirsi
> khuseysa waxaad moodaa SIRTA uu kaa hayo in ay ka weyntahay?!!!
>
> Digniin
> Dahabshiil oo sharciyada u yaala dawladaha reer Galbeedka jabiya marka uu la
> shaqeeyo raga ARGAGIXISADA la shaqeeya iyo sida uu ugu milmay maamulka hada
> ka
> jira Soomaaliland. Tallo ku socota shirkada Dahabshiil; “Intaanad Falin Ka
> Fiirso”. La shaqeynta iyo hawl u fududeynta aad
> la wado raga lagu tuhunsan yahay in ay la shaqeeyaan ARGAGIXISADA ee ku jira
> maamulka Soomaaliland, dani kuuguma jirto shirkad ahaan ee ka joog. Hadii
> aad
> ka dhaga adeydo; waxa hubaal ah in aad
> jabisay sharciga uu ugu horeeyo PATRIOT ACT, oo odhanaya dadka lacagta kaa
> diranaya iyo kuwa account ka kaa furanaya waa in aad taqaano (Know your
> customer). Marka aad ogtahay maanta laga bilaabo in Xirsi iyo Samaale (Jano
> Ka
> Bood) loo sheegay Madaxweyne Siilaanyo in ay ku lug leeyihiin ARGAGIXISO oo
> wada shaqeyn dhaqaale iyo mid kalaba la leeyihiin, in aad account u furto
> iyo
> in aad la shaqeyso labaduba waa mamnuuc. Waana in aad ka buuxiso report; waa
> hadii aanad rabin in aad la dambi noqoto. Shirkad ahaan waxa ay dani kuugu
> jirtaa in aad ka fogaato QABYAALADA, oo dhex u ahaato umada. Hadii aad ka
> waantoobiweydo wax yaalo badan oo aad faraha kula jirto; waxa hubaal ah in
> umadu shilinkooda la tegi doonaan meel kale. Taasna waxaan filayaa in aad
> dani
> kuugu jirin, shirkad ahaan.
>
> Digniin ku
> socota labada nin ee ISMOOG Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland) iyo
> Jana
> Kabood Samaale (Wasiirka Maaliyada Soomaaliland); waxa aan idiin sheegi in
> Soomaaliland dadkii lahaa joogaan oo xayi yihiin, hadii aad joojin weydaan
> sida
> aad u dhaqmeysaan, waxa aan idiin ka balan qaadayaa in aan soo qufidoono
> SIRO
> badan oo labadiina KHUSEEYA. Ama hanoqoto shirarkii, muxaadarooyinkii, iwm.
> ee
> aad la gasheen raga ay ka midka yihiin Illaahay ha u naxariistee Ibrahim
> Afkhani, Godane iyo nimanka CARBEED ee aad la shaqeysaan. Waxa hubaal ah in
> xantu idin soo gaadhey; SAWIRADII iyo XUGTII Madaxweyne Siilaanyo la tusey
> ee idin
> khuseysey idinka. Halkii ay ka yimaadeen wararkaas iyo sawiradaasi, wax
> badan
> oo kale ayaan weli la soo bandhigin, waxaana loo tudhayey Soomaaliland,
> laakiin
> imika halka aad dalka la mareysaan oo ah meel cid kasta oo ka naxaysa
> Soomaaliland aanay u dulqaadan karin, waxa qasab ah, in GACAN BIRA la
> idinkaga
> qabto dalka iyo dadka. Waxa wax lala yaaba ah Jana Kabood Samaale in uu
> hungureynaayo sidii uu Madaxweyne uuga noqonlahaa Soomaaliland; lakiin waxa
> isweydiin mudan Baarlamaankii uu Gudoomiye Ku Xigeenka Ka Ahaa Muxuu Qabtey
> 10
> kii sano ee ina dhaafey? Xaalkiisu waxa weeye Ninkii Maqasha Loo Direy ee
> Dayacay, ee yidhi Geela aan raaco!!! Waxaad Wasiirka uuga dooratey
> Gudoomiyaha
> Baarlamaanka oo Marka Ciro uu ordo adigu aad iskalaheyd, ayaa umada uugu
> filan
> shaqsiyadaada.
>
> Digniin ku
> socota kuwa isku sheega Salaadiinta ee bilaa Damiirka ah “Nin Soori Kaa
> Qaadey Waa Nin Seefi Kaa Qaadey”, hadii aad
> joojinweydaan dhibta aad ka wadaan Soomaaliland, waxa inoo balan ah in mid
> kasta gurigiisa loogu tegidoono, shaqana laga qabandoono. Dalkan in aad
> burburisaan idinka oo isticmaalaya Magac Madaxdhaqameed ku yimi SIXIR BARAR,
> la
> idinka yeeli maayo. Joojiya waxa xilka leh ee aad wadaan oo wixii idinku
> yimaada cidna hadhoow ha u aaneynina.
>
> Digniin ku
> socota shicibka Soomaaliland; waxaan filayaa in aad maqasheen Wasiirkii
> Arimaha
> Gudaha ee Soomaaliya ayaa Hargeysa jooga, oo Guri ka danbeeya Madaxtooyada
> ayaa
> la dejiyey. Dalkan meesha loo wado waad aragtaan, oo dalalkii aan saaxiibka
> la
> aheyn oo dhan, xidhiidhkoodii wuu baaba’ey. Inta aan meel dheer laga eegin,
> u
> tashada dalkiina iyo dadkiina. “Nin Kuu
> Digey Kuma Dilin”.
>
> Guul iyo
> Gobonimo Soomaaliland
>
> Wabilaahi
> Toowfiiq
>
> Baashe
> Muhumed
>
>
>
>

--
*Suleiman Ismail Bolaleh*
*Senior Human Rights Researcher*
*Horn of Africa Human Rights Watch Committee (HORNWATCH)*
Cell No. 00252 2 4429552
Office Email: hornwatch@yahoo.com
Personal Emails: sbolaleh@yahoo.com, xuquuq@gmail.com
*Hargeisa, Somaliland*

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured