Digniin Ku Socota; Siilaanyo, Dahabshiil, Xirsi iyo Samaale (Jano Kabood):

0
Monday August 05, 2013 - 19:38:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1361
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin Ku Socota; Siilaanyo, Dahabshiil, Xirsi iyo Samaale (Jano Kabood):

    Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin Kuu Digey Kuma Dilin”. Digniintani waxay ku socotaa ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliland oo dhagaha ka fureystey talooyin badan oo si gooniya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin Kuu Digey Kuma Dilin”. Digniintani waxay ku socotaa ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliland oo dhagaha ka fureystey talooyin badan oo si gooniya Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin Kuu Digey Kuma Dilin”. Digniintani waxay ku socotaa ugu horeyn Madaxweynaha Soomaaliland oo dhagaha ka fureystey talooyin badan oo si gooniya loogu soo gudbiyey. Digniintu waa maxay? Digniintu waxa weeye raga la shaqeeya ARGAGIXISADA ee ku jira MAAMULKIISA iyo waxa uu wax uuga qaban waayey? Waxa hubaal ah inuu ogyahay digniintan oo ugu yaraan inta aan ogahay labagoor oo marina Nairobi tahay marna London tahay in Ingriisku ugu soo jeediyey, laakiin inuu wax ka qabto uu illaa hada diidan yahay. Itoobiyana illaa biloowgii markii Madaxweyne Siilaanyo dalka xukunkiisa qabsaday dhowr jeer ayey u soo bandhigtey, laakiin waxa hubaal ah in uu Madweyne Siilaanyo dhagaha ka fureystay. Fureysigaa uu Madaxweyne Siilaanyo dhagaha ka fureystay Ingiriiska iyo Itoobiya waxa ay kaliftey in xidhiidhkii Soomaaliland iyo Itobia iyo Ingriiskuba ay marayaan meeshii ugu hooseysey 23 kii sano ee la soo dhaafey. Madaxweyne Sirta laguu soo gudbiyey ee Xirsi khuseysa waxaad moodaa SIRTA uu kaa hayo in ay ka weyntahay?!!!

Digniin Dahabshiil oo sharciyada u yaala dawladaha reer Galbeedka jabiya marka uu la shaqeeyo raga ARGAGIXISADA la shaqeeya iyo sida uu ugu milmay maamulka hada ka jira Soomaaliland. Tallo ku socota shirkada Dahabshiil; “Intaanad Falin Ka Fiirso”. La shaqeynta iyo hawl u fududeynta aad la wado raga lagu tuhunsan yahay in ay la shaqeeyaan ARGAGIXISADA ee ku jira maamulka Soomaaliland, dani kuuguma jirto shirkad ahaan ee ka joog. Hadii aad ka dhaga adeydo; waxa hubaal ah in aad jabisay sharciga uu ugu horeeyo PATRIOT ACT, oo odhanaya dadka lacagta kaa diranaya iyo kuwa account ka kaa furanaya waa in aad taqaano (Know your customer). Marka aad ogtahay maanta laga bilaabo in Xirsi iyo Samaale (Jano Ka Bood) loo sheegay Madaxweyne Siilaanyo in ay ku lug leeyihiin ARGAGIXISO oo wada shaqeyn dhaqaale iyo mid kalaba la leeyihiin, in aad account u furto iyo in aad la shaqeyso labaduba waa mamnuuc. Waana in aad ka buuxiso report; waa hadii aanad rabin in aad la dambi noqoto. Shirkad ahaan waxa ay dani kuugu jirtaa in aad ka fogaato QABYAALADA, oo dhex u ahaato umada. Hadii aad ka waantoobiweydo wax yaalo badan oo aad faraha kula jirto; waxa hubaal ah in umadu shilinkooda la tegi doonaan meel kale. Taasna waxaan filayaa in aad dani kuugu jirin, shirkad ahaan.
Digniin ku socota labada nin ee ISMOOG Xirsi (Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland) iyo Jana Kabood Samaale (Wasiirka Maaliyada Soomaaliland); waxa aan idiin sheegi in Soomaaliland dadkii lahaa joogaan oo xayi yihiin, hadii aad joojin weydaan sida aad u dhaqmeysaan, waxa aan idiin ka balan qaadayaa in aan soo qufidoono SIRO badan oo labadiina KHUSEEYA. Ama hanoqoto shirarkii, muxaadarooyinkii, iwm. ee aad la gasheen raga ay ka midka yihiin Illaahay ha u naxariistee Ibrahim Afkhani, Godane iyo nimanka CARBEED ee aad la shaqeysaan. Waxa hubaal ah in xantu idin soo gaadhey; SAWIRADII iyo XUGTII Madaxweyne Siilaanyo la tusey ee idin khuseysey idinka. Halkii ay ka yimaadeen wararkaas iyo sawiradaasi, wax badan oo kale ayaan weli la soo bandhigin, waxaana loo tudhayey Soomaaliland, laakiin imika halka aad dalka la mareysaan oo ah meel cid kasta oo ka naxaysa Soomaaliland aanay u dulqaadan karin, waxa qasab ah, in GACAN BIRA la idinkaga qabto dalka iyo dadka. Waxa wax lala yaaba ah Jana Kabood Samaale in uu hungureynaayo sidii uu Madaxweyne uuga noqonlahaa Soomaaliland; lakiin waxa isweydiin mudan Baarlamaankii uu Gudoomiye Ku Xigeenka Ka Ahaa Muxuu Qabtey 10 kii sano ee ina dhaafey? Xaalkiisu waxa weeye Ninkii Maqasha Loo Direy ee Dayacay, ee yidhi Geela aan raaco!!! Waxaad Wasiirka uuga dooratey Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Marka Ciro uu ordo adigu aad iskalaheyd, ayaa umada uugu filan shaqsiyadaada.
Digniin ku socota kuwa isku sheega Salaadiinta ee bilaa Damiirka ah “Nin Soori Kaa Qaadey Waa Nin Seefi Kaa Qaadey”, hadii aad joojinweydaan dhibta aad ka wadaan Soomaaliland, waxa inoo balan ah in mid kasta gurigiisa loogu tegidoono, shaqana laga qabandoono. Dalkan in aad burburisaan idinka oo isticmaalaya Magac Madaxdhaqameed ku yimi SIXIR BARAR, la idinka yeeli maayo. Joojiya waxa xilka leh ee aad wadaan oo wixii idinku yimaada cidna hadhoow ha u aaneynina.
Digniin ku socota shicibka Soomaaliland; waxaan filayaa in aad maqasheen Wasiirkii Arimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa Hargeysa jooga, oo Guri ka danbeeya Madaxtooyada ayaa la dejiyey. Dalkan meesha loo wado waad aragtaan, oo dalalkii aan saaxiibka la aheyn oo dhan, xidhiidhkoodii wuu baaba’ey. Inta aan meel dheer laga eegin, u tashada dalkiina iyo dadkiina. “Nin Kuu Digey Kuma Dilin”.
Guul iyo Gobonimo Soomaaliland
Wabilaahi Toowfiiq
Baashe Muhumed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured