Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Dubai kula Kulmay Caawa Mas’uul ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta

0
Saturday March 30, 2013 - 08:23:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1396
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Dubai kula Kulmay Caawa Mas’uul ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta

    Muqdisho(xogreebnews.com) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed B

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, iyagoo uga hadlay kulankooda arrimo la xiriira: ammaanka, dib u heshiisiinta harumarka iyo siyaasadda. Madaxweynaha Soomaaliya oo Magaalada Dubai kula Kulmay Caawa Mas’uul ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta

Muqdisho(xogreebnews.com) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, iyagoo uga hadlay kulankooda arrimo la xiriira: ammaanka, dib u heshiisiinta harumarka iyo siyaasadda.


Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa: ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda, Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo danjiraha Soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, C/qaadir Sheekey Al-Xaatimi.

Intii ay wadahadalladu socdeen madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyay horumarka dhinaca ammaanka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay, iyo dib u soo laabashada deggenaasha qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Waxaan doonaynaa horumar intaas ka badan iyo in deggenaashaha dalka la xoojiyo. Sidoo kale waxaa socda dib u habeyn lagu sameynayo ciidamada ammaanka. Ciidamadeennu hadda waxay ku jiraan tababar, dhawaanna waxay awoodi doonaan inay howshooda u gutaan si hufan u gutaan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Xukuumaddu waxay ku howlan tahay inay ka hir-geliso deegaanno ku yaalla dalka mashaariic loogu talogalay horumarinta adeegyada bulshada. Waxaana ka dhisaynaa deegaannadaas shan mashruuc oo kala ah: isbitaallo, iskuullo, xarumaha maamulka, saldhigyada booliiska iyo ceelal degmo walba laga hirgelinayo, si dadkeennu u helaan adeegyada aasaasiga ah.”

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Imaaradka Carabta taageeradoodii hagar la’aanta ahayd ee ay siiyeen Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysteen dib u heshiisiinta.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa waxaa lagu gaaray heshiis ah in Imaaraadka Carabta ay dib uga furato Soomaaliya safaaraddeedii kaddib 22-sano oo ay xirnayd. Tallaabadan ayaa waxay muhiim u tahay xoojinta xiriirka labada dal u dhexeeya. Safaaradda Soomaaliya ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa si caadi ah u shaqeynaysay labaatankii sano ee lasoo dhaafay.xogreebnews dubai



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured