Sahankii Shiidaalka oo u istaagay khilaaf Deegaanka ka dhashay iyo Suldaan Dayax barri oo Xukuumadda iyo Shirkadda uga digay khatarta ka iman karta

0
Saturday March 30, 2013 - 08:20:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sahankii Shiidaalka oo u istaagay khilaaf Deegaanka ka dhashay iyo Suldaan Dayax barri oo Xukuumadda iyo Shirkadda uga digay khatarta ka iman karta

    Norway(xogreebnews) Suldaan Madar Maxamed Ducaale (dayax barri) oo ah Madax dhaqameedka beesha Muuse Abokor ee barriga Burco ayaa Xukuumadda Somaliland uga digay inay beesha uu ka soo jeedo oo degta degaanada laga baadhayo shiidaalka ka hor istaagto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Norway(xogreebnews) Suldaan Madar Maxamed Ducaale (dayax barri) oo ah Madax dhaqameedka beesha Muuse Abokor ee barriga Burco ayaa Xukuumadda Somaliland uga digay inay beesha uu ka soo jeedo oo degta degaanada laga baadhayo shiidaalka ka hor istaagto Heshiiskii ay hore ugula gashay ee ahaa inay fursadaha shaqo ee ka soo baxa Mashruucaasi siin doonto.
Sahankii Shiidaalka oo u istaagay khilaaf Deegaanka ka dhashay iyo Suldaan Dayax barri oo Xukuumadda iyo Shirkadda uga digay khatarta ka iman karta
“Xukuumadda iyo Shirkadaba waxaanu ugu baaqaynaa Nabad iyo Cadaalad inay fursadaha shaqo ee ka soo baxay Khayraadka Dalka ugu qaybiyaan Bulshada” Suldaan dayax Barri

Suldaan Madar oo Waaheen kula soo xidhiidhay khadka Telefoonka isagoo Norway jooga ayaa Xukuumadda uga digay talaabada ay hada qaaday oo ah inay dadka deegaankaasi kaga baxday Heshiiskaas, waxaanu si adag ugu celceliyay xukuumaddu inay Nabada ilaaliso deegaankaasna aanay ka abuurin xasilooni darro. Isaga oo sheegay dhawr jeer durtaba inay ka dhaceen iska hor imaadyo.

Suldaanka oo ugu horayntii ka jawaabaya dhibaatada u muuqata ee uu ka dar-daar warinayo waxa uu yidhi “ inaadeer waxaan doonayaa arrin hadal haynteedu aad dalkii uga taagan tahay oo anagana Telefoonkeedii iyo qaylo dhaanteedii aad noo soo gaadhayso oo qurbaha laga hadal hayo inaan ka hadlo oo ah arrinta Shiidaalka ee Dalkii laga qodayo.

Arrinkaa sida aad ka war haysaan shirkada Shiidaalka ka baadhaysaa deegaanada oo dhan bay soo martay waxaanay ugu balanqaadeen inay shaqaalaha iyo waxqabadka deegaanka laga qabanayo ay dadka deegaanka mudnaanta siiyaan, taas wax badan baa iska bedalay si kalaa loo maamushay rag baa gacanta isaga dhigay dhibaato badan baana ka taagan waxanina waa wax qaranku wada leeyahay oo ka wada dhaxeeya wax cid gaar ahi leedahay maaha, markaa waxaan leeyahay raga hawshaas wada iyo Dawladdaba arrinkaas dib halooga fiirsado waayo buuq buu dalka iyo dadkaba ku keeni karaa oo halaga fiirsado oo qawaaniinta caalamiga ah hala eego.”

Isaga oo sii wata isla markaana hoga tusaalaynaya Xukuumadda iyo Shirkadda shiidaalka baadhaysa waxa uu yidhi “ qolada Dawladdana waxaan leeyahay arrinkaas wadanka iyo dalka iyo dadkuba idinkay idin doorteen cadaalad baa la idiinka baahan yahay, shirkadda raga watana waxaan leeyahay rag waxgarad ah baad tihiin dee sharciga ha dhaafina.” Ayuu raaciyay

Mar uu Suldaanku ka hadlayay qaylo dhaantan waxa keenay waxa uu kaga jawaabay “ inaadeer wadankii waad ogtahoo dhawr jeer baa la taagay meehaasi xabado iyo waxbaa la isku riday, xaga deegaanka ee hawshaas laga wadana waa la igala soo xidhiidhay, Dhulkan waa Xoolo daaqeen ragii deganaa wax aliyaale wax laga weydiiyay iyadoo aanay jirin ayaa waxa la is yidhi ka bilaaba markaas rasaas baa ka dhacday oo khasaaraa meesha iman gaadhay ilaa Maraykankana waa la igala soo hadlay oo waxa la leeyahay dadkaa walaalaha ah ee wada degan iyo dadka wadanka degan yaan la isku dhufane hala galo horena waxyaabahaas oo kale Wadanka waa uga dhaceen”

Mar aanu weydiinay waxa is bedelay ee dhibaatada keenaya waxa uu yidhi “ sida la sheegayo balanqaadkii dadka ay kaga yimaaden dhinac ayay ka dhaafeen markaa waxa aan leeyahay sidii ay marka hore wax u wadeen haloo wado, wadankuna waa u baahan yahay oo dhibaatooyin badan baa ka jira oo shaqo la’aan ah si fiican haddii aynaan wax u maamulan dee xumaan uun baa ka soo kordhaysa”

Mar aanu weydiinay suldaan ahaan waxa xog ah ee uu ka hayo shirkadaha shiidaalka baadhaya waxa uu kaga jawaabay “ waxa nagu maqaalo ah in hawlo deegaankaas laga bilaabay, in markab ay alaabihii kala soo degeen dee laba jeerna sidaan warka ku hayno khaakhuul baa ka dhacay, imika wax socdaa ma jiraan cabashooyin badan baana ka taagan oo waa taa aan ku leeyahay waxbaa iska bedelay qorshihii hore markaa in arrinkaas aad loogu fiirsado ayaan u jecelahay mana doonayo in Wadankaygii iyo dadkiisiiba dhibaato manta ka abuuranto, sidaas aan kuu sheegayana khayraadka Dalka dad gaar ahi ma laha” ayuu raaciyay
Mar aanu weydiinay inuu Xukuumadda kala hadlay arrinkan iyo inkale waxa uu yidhi “ waan tijaabiyay inaan xukuumadda kala hadlo laakiin way ii suurtogeli weyday laakiin rag badan baa ku maqan xukuumadduna way ka war haysaa waxa taagan oo nabadgelyaduu haddii ay faraha ka baxdo iyaga laftigooda dee uma fiicna waanay ogyihiin qaylada iyo dhibaatada ka taagan. Imika shirar baa ka socda Ingiriiska, Maraykan iyo Yurub na shirar baa ka socda oo arrintaasi dadka way taabatay oo waad maqashoo faransiiska laftiisa baaq baa laga soo saaray arrintaas ku waajahan” ayuu yidhi

Mar la weydiiyay waxa ka soo bixi kara shirarkaas haddii ay Xukuumaddu ka leexatay sida uu ku doodayo heshiiskoodii hore “ Nabada wax ka wanaagsani ma jiro, waxanina waa wax aynu wada leenahay si sharci ah oo cadaalad ah in loo maamulo uun baanu jecelnahay kolay baaqyo nabad ah oo deegaanka hoos haloo eego ah ayaanu soo saaraynaa. Sida aan warka ku hayana xagaas wadanka gudihiisa kolay ragu waa wada-hadlayaa markaas Nabad iyo wanaag baanu doonaynaa in wax lagu soo saaro” ayuu kaga baxay

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured