Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirkii bilaha ahaa

0
Sunday June 02, 2024 - 23:00:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirkii bilaha ahaa

    Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirkii bilaha ahaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirkii bilaha ahaa Maareeyaha guud ee Dekedaha JSL Siciid Xasan Cabdilahi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shirkii bilaha ahaa daneeyayaasha Dekedda Caalamiga ah Berbera. 
kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Taliyaha Qaybta Booliska G/Saaxil, Guddoomiye Ku-xigeenka G/Saaxil, madaxda Shirkada DP World Berbera, Maamulka Iskaashatada Gadiid Tawfiiq, Maamulka Dallada SOFFA.
kulankan ayaa lagu lafo-guray sidii loo fudaydin lahaa adeegyada dekedda, Kastamada, si ganactaddu badeecadaha hore ula baxaan. sidaasna waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey bogga Maareeyaha Dekedaha JSL Eng Said Hassan Cabdilahi. 
"Waxaa Maanta noo qabsoomay kulankii bilaha ahaa ee daneeyayaasha Dekedda Berbera. 
Kulankan oo aannu ku falanqayno kuna xalino caqabadaha soo food saara ganacsatada badeecadaha kala soo degta Dekedda Berbera. Kulanka waxa igu wehelinaayay Wasiirka Wasaaradda H.Maaliyadda, Mudane Dr.Sacad Cali Shire, Taliyaha Qaybta Booliska G/Saaxil, Guddoomiye Ku-xigeenka G/Saaxil, DP World Berbera, Maamulka Iskaashatada Gadiid Tawfiiq, Maamulka Dallada SOFFA iyo Isuduwayaasha Wasaaradaha iyo Hay'adaha Dawlada ee ka hawlgala Dekedda Berbera".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured