Xisbiga Kulmiye 14 Sano Kadib Ma Hanaan Karaa Xukunka, Xili Habacsanan Iyo Laba-gardaaqnimo Ka Muuqato Golaha X Madaxweyne Muuse. Faallada Xogreeb Media

0
Monday May 13, 2024 - 23:21:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Kulmiye 14 Sano Kadib Ma Hanaan Karaa Xukunka, Xili Habacsanan Iyo Laba-gardaaqnimo Ka Muuqato Golaha X Madaxweyne Muuse. Faallada Xogreeb Media

    Xisbiga Kulmiye 14 Sano Kadib Ma Hanaan Karaa Xukunka, Xili Habacsanan Iyo Laba-gardaaqnimo Ka Muuqato Golaha X Madaxweyne Muuse. Faallada Xogreeb Media

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Kulmiye 14 Sano Kadib Ma Hanaan Karaa Xukunka, Xili Habacsanan Iyo Laba-gardaaqnimo Ka Muuqato Golaha X Madaxweyne Muuse. Faallada Xogreeb Media
Doorashaddu waa hab ay Shacabku kusoo xulaan, ama kusoo doortaan shaqsi iyo shaqsiyaad ay u dhiibayaan, ama u dooranayaan Xafiis Dawladeed, Doorashooyinku waxay mudo soo ahaayeen hab Dimuquraadiyadda casriga ah, oo soo taxnaa ilaa qarnigii 17-naad. Doorashooyinka waxa lagu soo buuxiyaa ama lagu soo doortaa golayaasha iyo xafiisyada sharci dejinta, fulinta iyo kuwaa dawlada hoose ee ismaamulka magaalooyinka.
Habka Doorashooyinka waxa kaloo loo adeegsan karaa ururada kale ee gaarka loo leeyahay, sidoo kale kuwo ganacsi. Doorashaddu waa go'aan ay dadku hagaan ciday talada iyo Siyaasada u dhiibanayaan, iyadoo laga eegayo in Doorashadaasi u dhacday si xor iyo xaalala, oo ka fog ku shubasho iyo wax is dabamarin.
Hadaba, Somaliland oo calanka Dimuquraadiyada iyo qabashada Doorashooyinka u sida Wadaamada Geeska Afrika, ayaa waxa ka dhacay tan iyo 2002-dii Doorashooyin dhowr ah, oo kala duwan, isla markaana lahaa Madaxtooyada, Wakiilo iyo golayaal deegaan, ayaa bisha November ee sanaadkan 2024-ka,  gelaysa doorashadda ugu xasaasisan, ee Madaxtooyada oo ay ku sidkan tahay Doorashooyinka Xisbiyada qaranka.
Sidii cadada u ahayd Doorashada Madaxtooyada ayaa waxa ka qaybgelayaa Sadex musharax Madaxweyne, oo u kamid yahay Madaxweynaha 7 sanno ee u dambeeyay talada hayay, oo hadana u ordaya teeramkiisi 2 aad, ayaa waxa uu tartan xoogan kala kulmayaa, Musharaxa  Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro, oo u doorkan ka muuqdo diyaar garow xoogan, iyo isa siin ah inuu yahay ninka bedelayaa Madaxweynaha talada haya, ee Muuse Biixi, marka la gaadho Bisha November 2024-ka. 
Inkastoo aan la dhayalsan karin, Madaxweyne Afrikaan ah, oo isku haysta dhamaan wixii u uga baahnaa tartan doorasho, sidoo u xukunka u sii difaacan lahaa, Madaxweynaha hada Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbigiisa 14-ka sanno soo hayay talada dalka, waxa ka muuqata habacsanaan iyo Rakaab xumo, sababi kartaa inuu afka Cidda daro, oo laga guulaysto. balse hadii mudada kooban ee u haysto ku sameeyo isbedelo Xukuumaddiisa, soona dhiso Xukuumad Kaambayn, oo Wasiiraddu ay ka yimaadeen dad saamayn ku leh Beelaha, ay kasoo jeedan, isla markaana daacad u ah oo aan ahayn wasiiro laba gardaaq ah, oo maalintiina isaga u nacam leeyaa, habeenkiina u dhukusa Musharaxa Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro.
Habada Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa kamid ah, Masuuliyiin haya xilal shilis, kuwasoo leh wasiiro, ku xigeeno, iyo xilal kale oo muhiim ah, kuwasoo aan daacad ka ahayn soo noqoshada Madaxweyne Muuse Biixi, taas bedelkeeda na qaarkood xidhiidh hoose la leh, hoggaamiyaha kursiga kula tartamaaya, hadii aynu shaqsiyaadka laba gardaqa ah, aan tilmaano, sida xogo hoose oo labada dhinac ah tibaaxeen Wasiirka Arrimaha bulshada Somaliland Cali Xoorxoor, oo marka laga reebo inuu yahay hawlgab, aaminsan inuu xilkan u hayo mid ka shilis ka helayo Abtigii Musharax Cabdiraxmaan Cirro.
Sidoo Kale, Wasiiradda aan saamaynta ku lahayn deegaanadooda 1 Codka aan u keenayn Madaxweyne Muuse Biixi waxa kamid ah Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire, Wasiirka Beeraha Habane, waxa kaloo jira Wasiiro aan Deeganadooda laga Codaynayn sida Sool oo kale.
Masuliyin xilalka haya ee aan saamaynta lahayn, waxa kamid ah Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera oo ah masuul mushahar ku xisaabtama, Sidoo kale waxa kamid ah, Maareeyaha Wakaalada Biyaha Berbera.  la soco xogo kale todobaadka dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured