Rajada Haakah-sugge ee Samaale oo Hoos-u-dhacday Iyo Gacan-togaalaynta Dhaqaalaha Oloolleha D. Madaxtooyada...Ma Rajo ayuu ka Qabaa Inuu Wasiir Shilis ka Noqdo Xukuumadda Cirro?.

0
Wednesday May 01, 2024 - 00:02:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rajada Haakah-sugge ee Samaale oo Hoos-u-dhacday Iyo Gacan-togaalaynta Dhaqaalaha Oloolleha D. Madaxtooyada...Ma Rajo ayuu ka Qabaa Inuu Wasiir Shilis ka Noqdo Xukuumadda Cirro?.

    Rajada Haakah-sugge ee Samaale oo Hoos-u-dhacday Iyo Gacan-togaalaynta Dhaqaalaha Oloolleha D. Madaxtooyada...Ma Rajo ayuu ka Qabaa Inuu Wasiir Shilis ka Noqdo Xukuumadda Cirro?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rajada Haakah-sugge ee Samaale oo Hoos-u-dhacday Iyo Gacan-togaalaynta Dhaqaalaha Oloolleha D. Madaxtooyada...Ma Rajo ayuu ka Qabaa Inuu Wasiir Shilis ka Noqdo Xukuumadda Cirro?.
Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna Haakah Suggaha 2043-ka ee Xisbiga Kulmiye oo u hadda ka yahay Gudoomiye ku xigeenka koowaad, ayaa gacan-bidixaynayaa guusha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo marlabaad u taagan Doorashada Madaxtooyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 2024-ka dabayaaqadiisa. 
Haakah-sugge Samaale, ayaa sida la sheegayo, waxa uu dano gaar u ah u isticmaalaya dhaqaalihii Ololaha Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada oo sida xogo muhiim ah tibaaxeen uu qayb kamid ah gacanta ku dhigay. 
Gudoomiye ku xigeen Cabdicasiis Maxamed Samaale, dadka ka agdhow, waxay ku tilmaamaan shaqsi aan doonayn inuu ku dheeraado kalka sadexaad ee u doonayo ama u qorshaha Kulmiye kula balamay yahay, iyadoo hadii Musharax Madaxweyne Muuse Bixii talada dalka kusoo noqdo, uu sii fadhiyi karo 5 sanno ee soo socda, sidoo kalena hadii xisbiga Kulmiye mar kale kusoo baxo saxada xisbinimo uu 2031-ka musharax ka noqon doono Gudoomiyaha hada ee Xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed kaahin.
Mr Kaahin oo isna laba xili teeram xaq u leh, inuu iska sharaxo Xisbiga Kulmiye. waxana sharci dalka iyo ka xisbiguba diidaya 2 jeer waxka badan inuu qofku isku sharaxo xil.
Haddaba xoggaha la xidhiidha dhaqdhaqaaqyada qarsoodiga ah ee Sheekhan Siilaanyo, Muuse iyo Kaahinba Haakaha-suggaha u ahaa, waxa uu jaanis u banaan yahay 2043 wixii ka dambeeya, ayaa wakhti xaadirkan jeclaan lahaa in aanu Madaxweyne Muuse Biixi markale is sharaxin, taa badalkeedana xisbiga Kulmiye musharax u noqdo Gudoomiye Maxamed Kaahin.
taasoo damaca Sheekh Samaale, soo dedejinaysaa inuu halabsiga Musharaxnimada Kulmiye ee 2043-ka wixii ka dambeeya soo degdegi karto, iyo rajadaasi ay god kaga dhacday Haakah-sugge Samaale dhowaan markii la shaaciyay in Musharaxa rasmiga ah ee Xisbiga Kulmiye yahay Madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi. isagoo ka danbeeyay Wararkii been abuurka ahaa ee sheegayay in Xisbiga Kulmiye musharax ka yahay Maxamed Kaahin, isla markaana u tanaasulay Madaxweyne Muuse Biixi.
Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay dalka ka qabsoonto 2024-ka dabayaaqadiisa, ayaa waxa dhinac socdaa Doorashada Xisbiyada, iyadoo xisbiga Kulmiye na ka qaybgalayo, waxa haddii u soo baxo Kulmiye uu Liisanka xisbinimo haysanayaa 10 sanno, iyadoo 2036-kana u ka dhacayo mar kale Liisanku. lamana ogga wixii intaa ka dambeeya rajada xisbiga Kulmiye inuu sii jiri karo iyo in kale, iyo sidoo kale inuu Siyaasi Samaale hankiisa ku xigeen dhaafi karo halkaa.
Maadaama oo Xisbiga Kulmiye ku dhisan yahay magaca ama isbahaysigaa siyaasadeed ee Jeegaanta, oo hadda aan sidii hore ahayn, isla markaana leh xulufo siyaasadeed oo kasoo horjeeda, inuu mar kale halabsan doono salaanka Xisbi iyo jeegaamad ee qori isku dhiibka ah.
Dadka ka saadaaliya Siyaasadda Somaliland waxay Siyaasi Samaale ku tilmaamayaan shaqsiga ugu rajada xun ee leh hanka Musharaxnimo Madaxweyne, waxana lagu misaalay kalmada Somalidu isticmaasho ee ah Quud-aan jirin Qoryo u guro.
Si kastaba ahaatee Gudoomiye Haakah-sugge  waxa uu hadda wadaa qorshe ah ka xoolayso hadii uu doono ha dhaco Madaxweyne Muuse Biixi doorashadiisa xiliga labaad. 


Siyaasi Samaale, ayaa la sheegay inuu quud-daraynaayo, isla markaana uu leeyahay damac qarsoon oo u ku doonaayo in Madaxweyne Muuse Biixi guulaysan waayo xilka Madaxweynenimo, isla markaana u soo baxo musharaxa kale Xisbiga Mucaaridka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ay mudo dheer saaxib ahaayeen, isla markaana Gudoomiye iyo ku xigeen isku noqdeen Golahii wakilladda ee ay mudada dheer soo wada maamulayeen inuu Xukuumadda Cirro ka noqon doono Wasiir shilis, damacaas oo dadka ka agdhowi tilmaameen inuu hadda u curyaamiyo xoojinta Oloolleha Xisbiga Kulmiye oo hada geli doonaa laba doorasho oo ah ta Madaxweyne Muuse Biixi iyo ta Xisbinimo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured