Fadeexadaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Dawlada hoose Berbera iyo Laba Gardaaqnimada Xoghaye Suhayb.

0
Saturday April 20, 2024 - 09:37:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Dawlada hoose Berbera iyo Laba Gardaaqnimada Xoghaye Suhayb.

    Fadeexadaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Dawlada hoose Berbera iyo Laba Gardaaqnimada Xoghaye Suhayb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexadaha Dul-hoganaya Masuuliyiinta Dawlada hoose Berbera iyo Laba Gardaaqnimada Xoghaye Suhayb.
Masuuliyiinta iyo xubnaha xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera, ayaa gabi-ahaanba shaqadii qaran ee loo xil-saaray waxay kaga mashquuleen, ka xoolaysiga iyo boobka hantida umadda.
Waxaanay hadda xubnaha fulinta dawlada hoose ee Berbera oo uu kow ka yahay xoghayaha dawlada hoose Suhayb Maxamed Cali oo isaggu ilahay ugu xamdi naqaya inuu markale dib ugu soo celiyay shaqo uu mar hore soo maray, horana uga soo xoolaystay.
Xoghayahan ayaa dabaqyo iyo hanti kale oo qarsoonba kasoo dhistay, hadana waaxabu xaalkiisu noqday meel aan rabay Roob ma igu helay.
Xohayaha ayaa sidoo kale xarunta dawlada hoose ka dhigtay meel uu ka eegto baloodh qof laga qaadi karo, iyo sidoo kale meel wax laga dhex dilaali karo. 
Xoghaye Suhayb oo caan ku ah qabyaalad xadhkaha goosatay iyo sidoo kale boob baahsan oo hantiyeed, ayaa hadda si hoose isugu dhiibay Gudoomiyaha Xisbiga waddani Xirsi Cali Xasan,  oo u la wadaago mab'da siyaasiga ah, wallow u qarsoodi ula shaqeeyo, isagoo Kulmiye inuu wax usoo kordhiya kaga gabanaya shaqaale ayaa ahay oo xisbi uma shaqayn karo.
Xoghaye Suhayb oo markii buulka laga dhigay, uu baago-muudanimadii kasoo saaray Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed.
Hase-yeeshee Xoghyaha u wasiir Kaahin shaandho la,aanta ku keenay dawlada hoose ee Berbera waxa uu aaminsan yahay in Xirsi ka mudan yahay Kaahin in lala shaqeeyo.
Sidoo kale, Xildhibaanadii loo doortay degmada Berbera waxay u xuubsiibteen dhadhamo doon iyo malafsi hanti raadis, dhul-doon iyo weliba baloodh raadis, inay bulshada wax u qabtaan iska daayo, waxay noqdeen kuwii ugu liitay ee abid soo maraa degmada Berbera. 
Nasiib darada maanta berbera masuuliyiinta degmada haystaa waxa weeye in aanay haba-yaraatee lahayn wax qorshe ah, gaar ahaana Xili roobaadka waayo maagaaladu ma laha Biyo-mareen, sidoo kalena dhismayaasha guryaha, caafimaad daro ka dhalan kartaa Daadku markay guryaha iyo Suuliyada galaan, sidoo kale Magaalada Berbera waa magaalada ugu dhaqaalaha badan, hadana dhibka ugu weyn ee haystaa waa laydh la,aan. 


la soco xogo kale oo dheerada todobaadka soo socda. 
Waa Bilahi Tawfiiq 
Aqoonyahan 
Farxaan Aadan Jaamac 
Berbera/Somaliland.,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured