Taliyihii Ciidanka Kenya oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

0
Saturday April 20, 2024 - 09:33:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 16
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Ciidanka Kenya oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday.

    Taliyihii Ciidanka Kenya oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii Ciidanka Kenya oo Shil Diyaaradeed ku Geeriyooday....
Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa shir deg deg ah isugu yeedhay golaha ammaanka ee dalkaasi, kadib markii ay burburtay diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay wateen ciidamada Kenya, sida uu sheegay afhayeenka.

Xuseen Maxamed ma uusan bixin faah faahin intaas dheer.


Balse warbaahinta maxalliga ah ayaa ku warramaysa in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada milateriga.

Waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Gen Francis Ogolla oo ah la taliyaha madaxweynaha ee dhanka ciidamada iyo taliyaha ciidamada Kenya ee KDF.

BBC ma aysan awoodin inay xaqiijiso wararkan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaarada helicopter-ka ah ay ku soo dhacday deegaanka Rift Valley ee dalka Kenya, waxaana la sheegay in uu dab qabsaday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in 5 qof oo saarnaa diyaaradaasi ay dhinteen, halka saddex kalena ay ka badbaadeen.

Kooxaha gurmadka iyo soo kabashada ayaa loo diray goobta shilku ka dhacay.

Qoraal uu soo dhigay barta X, afhayeenka dowladda Kenya Isaac Mwaura ayaa dadka Kenyaanka ah ku booriyay inay "dejiyaan oo ay iska ilaaliyaan wax kasta oo la isla dhexmarayo si kasta oo lagu jiro xilligan xasaasiga ah”.

"Isgaadhsiin rasmi ah oo ku saabsan shilka diyaaradeed waa in dhawaan la soo saaro," ayuu yidh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured