Madaxweyne Muuse Biixi oo la Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Wasiirradiiisa....

0
Sunday March 17, 2024 - 08:02:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Wasiirradiiisa....

    Madaxweyne Muuse Biixi oo la Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Wasiirradiiisa....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo la Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Wasiirradiiisa.... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu isku shaandheyn iyo shaqo ka caydhin ku sameeyo qaar kamid ah, golihiisa Wasiirada.
Ilo-wareedyo looga kalsoon yahay oo Telefishanka Xogreeb Media ka helayo xubnu ku dhow-dhow Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa tibaaxaya in Isku Shaandhayn la filayo inuu sameeyo Madaxweynuhuu ay u badan-doonto shaqsiyaadka Xukuumadda ku jira ee ku abtirsada deegaanada bariga Burco, isla markaana waxa Xoguhuu tibaaxeen inuu deegaanadaas kasoo xulan doono Siyaasiyiin daacad u ah, kuwasoo saamayn ku leh deegaanadaas.
Waxa kaloo Xoguhuu sheegeen in Madaxweyne Muuse Biixi isha ku hayo oo uagacaabayo Xilal Cusub, waxana la filayaa inuu Xukuumadiisa kusoo daro Siyaasiyiin saamayn ku leh, deegaanadooda, iyo Bulshada. 
Geesta Kale Waxa wararku intaa ku darayaan Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi kusoo daraay golaha Xukuumadiisa wajiyo cusub, iyo weliba shaqsiyaad la sheegay inay yihiin Siyaasiyiin xilal hore usoo qabtay.
Shaqsiyaadka ilaa hadda la sheegay in Madaxweynuhuu go'aansaday inuu kusoo daro golaha wasiirrada, gaar ahaan deegaanada bariga Burco waxa kamid ah Maayirkii hore ee Magaalada Burco, Maxamed Muraad, iyo sidoo kale Nin lagu magacaabo Jaamac oo hore usoo noqday Badhasaab gobolada Burco iyo Hargeysa, Xukuumadiisa.
Taas bedelkeedana waxa wararku sheegeen inay xilalka waayi doonaan xubno kamid ah golaha hada ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi, kuwasoo ay kamid yihiin Wasiirka Warfaafinta Cali Mareexaan.


iluhuu Waxa kaloo intaa raaciyeen inuu Madaxweynuhuu xilal Cusub u kordhin doono gobolka Saaxil, waxana la sheegay inuu shaqada ka caydhi doono Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera, kasoo aan wax saamaMadaxweyne Muuse Biixi oo la Filayo Inuu Isku Shaandhayn Ku Sameeyo Golaha Wasiirradiiisa....yn ah ku lahayn Berbera iyo deegaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee Isku Shaandhayntan ayaa hadii ay rumowdo waxaa cadaan doonto inuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si weyn ugu diyaar-garoobayo inuu guulka keeno Doorashada Madaxtooyada ee la filayo inay Somaliland ka dhacdo dabaqaayada Sannaadkan 2024ka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured