Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland

0
Sunday March 17, 2024 - 07:48:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland

    Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland Qodobadiisa 22,naad iyo 23naad , sidoo kale Xeerka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka xe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland Qodobadiisa 22,naad iyo 23naad , sidoo kale Xeerka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka xeer lr.14.
Ururada siyaasadu waxay ahaayeen xuquuq dastuuri ah oo ay leeyihiin muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland sida ku cad dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland Qodobadiisa 22,naad iyo 23naad , sidoo kale Xeerka ururada siyaasada iyo axsaabta qaranka xeer lr.14. 

Haddaba waxa isweydiin leh yaa fashiliyey xuquuqdii siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland 10 kii sanadood ba mar in ay isku abaabulaan ururo siyaasadeed ahayd si ay talada dalkooga uga qayb qaataan ?


Dhawaqii ugu horeeyey ee bar-madaw u yeelay ururada siyaasada waxa uu ka soo baxay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi mar uu qudbad u jeedinayey goleyaasha qaranka sanadkii 2020/21 oo uu si jees jees ah u yidhi mar hadii aynu heshiin waynay ( axsaabta siyaasada ahaan ) waa in ururadii siyaasada la furaa.

Madaxweynuhu waxa uu u adeegsanayey dube uu la dhaco mucaaridka si ay isugu qasbanaadaan , xisbiyada mucaaridkuna waxay ka dagaalameen goleyaasha iyaga oo uu wakhtigoogii dhamaaday oo aan haysan dillo loogu kordhiyo , sidoo kale waxay ku doodayeen in ay laba mudo xileed xisbiyo ahaanayaan halka xeerku qorayo 10 sanadood in ay axsaab ahaanayaan oo aanu xusin mudo xileedyo.

Xukuumada kulmiye iyo labada xisbi mucaarid dagaalkoogii siyaasadeed sadexdii sanadood ee ugu dambeeyay waxa uu ahaa ururada siyaasada , ugu dambayna waxay meesha ka saareen xuquuq siyaasadeed oo ay lahaayeen muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ka dib markii Aug 23 2023 gudi odayaal oo is xilqaamay go'aan ka soo saareen doorashooyinkii dhici lahaa.

Halkaasi waxaa ku luntay fursad siyaasadeed oo da' yarta dalka , aqoonyahanka , siyaasiyiinta iyo dadka xilkaska ah ee ku qanci waayey nidaamka iyo dhismaha sadexdii xisbi ee hore ay lahaayeen iyo sidey uga lumeen ujeedooyinkii aynu ka lahayn ee ahaa in lagaga baxo qabyaalada, goboleysi iwm ah.

Mohamed Abdi Jama 
Mohamed Dhimbiil


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured