Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...

0
Sunday March 10, 2024 - 08:31:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 57
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...

    Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee UK- Oo Bannaan-bax Ballaadhan ku Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya...


London,(xogreeb-Jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska oo banaanbax weyn u soo baxay magaalada London waxa ay taageero ballaadhan u muujiyeen heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Dadweyne kumanaan ah oo isugu jira dhalinyaro, haween , caruur, waxgarad, aqoonyahan iyo culimo ka kala socday dhammaan magaalooyinka dalka ingiriiska ayaa ka soo banaanbaxa shalay.

Qabanqaabada banaanbaxa oo ay iska kaashadeen masuuliyiinta Safaarada Somaliland ee Ingiriiska, jaaliyadaha kala duwan ee Ingiriiska ayaa ujeedadiisu ahayd sidii xukuumada ingiriiska iyo caalamka loogu sheegi lahaa inaan jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland gorgortan geli Karin, beesha caalamkana loogu baaqay inay aqbalaan.
Qaar ka mid ah bulshada ka soo qeybgalay banaanbaxa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dalkoodu u madaxbanaan yahay heshiis uu la galo badooda, iyo dhamaan xuduudadooda isagoo dhaafsanaya dannaha uu doonayo.
"Heshiiska Somaliland iyo itoobiya ee isdhaafsiga dannaha labada wadan wuu dhaqangelayaa, soomaaliya ama cid kale oo hor istaagi karta ma jirto.
Safiirka Somaliland ee Ingiriiska Md. Cabdi Cabdillahi dayaxweerar oo hadal u jeediyey bulshada ka soo qeybgashay banaanbaxa ayaa ugu baaqay inay sii labanlaabaan taageeradooda ay la garab taagan yihiin madaxbanaanida dalkooda Somaliland.

Banaanbaxa ayey sidoo kale kala soo qeybgaleen xildhibaanada baarlamaanka Ingiriiska ee sida weyn u taageera qadiyadda madaxbanaanida Somaliland kana mid yahay Xildhibaan Gavin Williamson.
Isu-soo baxan ayaa sii xoojin doona dedaalada xukuumada Somaliland iyo bulshada guddo iyo dibed ku doonayaan sidii dalkoodu uga mid noqon lahaa beesha caalamka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured