Madaxweyne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Masuuliyiin Xukuumadiisa Ka Tirsan

0
Saturday January 14, 2023 - 18:57:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Masuuliyiin Xukuumadiisa Ka Tirsan

    Madaxweyne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Masuuliyiin Xukuumadiisa Ka Tirsan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo Xilka Qaadis Iyo Magacaabis Ku Sameeyey Masuuliyiin Xukuumadiisa Ka Tirsan
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/WM/222/1-978012023 iyo JSL/XM/WM/222-981/012023, JSL/XM/WM/222-982/012023 uu xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
 
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.


Ku: Maxamed Cabdi Gurxan, 
Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Mudane 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu'adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. 

2. In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Midowga Yurub.
 
ALLAA MAHAD LEH
 
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured