Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan Ku Saabsan Diiwaangalinta La Yeeshay Maayirada 23ka Degmo Doorasho Ee Dalka

0
Tuesday December 20, 2022 - 21:23:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan Ku Saabsan Diiwaangalinta La Yeeshay Maayirada 23ka Degmo Doorasho Ee Dalka

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan Ku Saabsan Diiwaangalinta La Yeeshay Maayirada 23ka Degmo Doorasho Ee Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kulan Ku Saabsan Diiwaangalinta La Yeeshay Maayirada 23ka Degmo Doorasho Ee Dalka
Hargeysa, (Xogreeb.com) - Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Maayarada 23 Degmooyinka Doorasho ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kulankan ayaa loogu diyaar garoobayey Diiwaangelinta Codbixiyayaasha   Somaliland, taasoo qabsoomaysa 28-12-2022.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Maayarada Dalka in u diyaar garoobaan Diiwaangelinta, taasoo ka dhacaysa degaanada ay maamulaan Maayarada dalku, sidoo Wasiirku wuxuu warbixin ka siiyey Maayarada halka ay marayso diyaar garowga Diiwaangelinta Kaadh qaatashada Codbixiyayaasha Somaliland.


Wasiirka ayaa faray Maayarada in ay si hagar la'aan uga qayb galaan Diiwaangelinta kaadh qaatashada,  sidoo kale Wasiirka ayaa faray Maayarada in ay laba laabaan shaqada oo ay shaqada caadiga ah ay qabtaan habeenkii iyo gelinka danbe u bedelaan, maalinta inteeda kalena ay xooga saaraan ka shaqaynta Diiwaangelinta, taasoo ah mid muhiim ah Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo himilooyinka Qarankani Leeyahay.

Maayarada dalka ayaa muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin ka shaqaynta Diiwaangelinta iyo in ay degaanada ay Maayarada ka yihiina ay ku wacyigelinayaan shacabkooda ayna dedaal gelinayaan in bulshadu ay qaataan Kaadhka Diiwaangelinta, Wasiirka iyo Maayarada Ayaa kala qaatay go'aan ah in xooga la saaro Diiwaangelinta mudada ay socoto.

Maayarada dalka ayaa door wayn ka qaadanaya Diiwaangelinta, taasoo ah waajib qofkasta oo Somalilander ah saaran in la hirgeliyo barmaamujka Diiwaangelinta, sidoo kale Maayarada ayaa mudada ay socoto Diiwaangelintuna dedaal ku bixin  doona doorkooda sugida iyo adkaynta nabadgelyada.

Kulan Waxaa Wasiirka Arimaha Gudaha ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Mustafe Godane, Wasiirka Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka Cabdirisaaq Ibraahim faarax iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured