Koobkii Kooxaha Heer koowaad oo Kooxda Duulista iyo Hawada ku guulaysatay iyo Ciyaartii xisaaha badnayd ee ay leeyatay Nuuradiin School

0
Friday March 29, 2013 - 21:06:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobkii Kooxaha Heer koowaad oo Kooxda Duulista iyo Hawada ku guulaysatay iyo Ciyaartii xisaaha badnayd ee ay leeyatay Nuuradiin School

    Hargaysa(xogreebnews.com)-Tartanka Koobka Kooxaha Heerka Koowad Ayaa Maanta soo Geba-geboobmay,Koobkaasi oo Ay Ku Kulmeen kooxaha Nuuradiin School Iyo Kooxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com)-Tartanka Koobka Kooxaha Heerka Koowad Ayaa Maanta soo Geba-geboobmay,Koobkaasi oo Ay Ku Kulmeen kooxaha Nuuradiin School Iyo Kooxda

Hargaysa(xogreebnews.com)-Tartanka Koobka Kooxaha Heerka Koowad Ayaa Maanta soo Geba-geboobmay,Koobkaasi oo Ay Ku Kulmeen kooxaha Nuuradiin School Iyo Kooxda Duulista iyo Hawada. Hadaba ciyaartani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Masuuliyiinta wasaarada Dhalinyarada,ciyaaraha iyo dalxiiska oo uu Horkacaayo wasiirka wasaaradu mud. Siciid raygal iyo waliba talyaha ciidanka Booliska Somaliland Mud. Cabdilaahi Iiman (Fadal), Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo Maamulaha Schoolka Nuuradiin.

Hadaba Ciyaartani oo Ahayd Mid aad u Xamaasad Badnayd Isla markaana Soo jiidatay Tageerayaashii dawanaayay Ayaa waxaa half kii Hore ee Ciyaarta lagu kala nastay 0-0 intaasi kadib Markii Ay koox Waliba La Soo Tashatay Tababaraheedi Ayaa Waxaa dhacday Weerar iyo Weerar Celin Iyada Oo Kadib Goal keedi koobad ay u suuro Gashay Kooxda ku Ciyaaraysay Magaca wasaarada Duulista iyo Hawada, isaga oo uu u saxeexay ciyaartoyga ka ciyaara Af-ka Hore Mr: muxuyadiin.

Hadaba kooxda Nuuradiin Ayaa Goalkaasi Kadib Qaaday weeraro Fara Badan Hase Ahaate way u suuro gali weyday, iyada oo ay sidaasna guushu ku raacday Kooxda Duulista Iyo Hawada, halkaasina lagu gudoonsiiyay koobkii.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured