Madaxweyne Muuse Biixi oo safar Shaqo ku tagaya gobolada Saaxil iyo Togdheer

0
Monday September 12, 2022 - 23:06:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 220
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi oo safar Shaqo ku tagaya gobolada Saaxil iyo Togdheer

    Madaxweyne Muuse Biixi oo safar Shaqo ku tagaya gobolada Saaxil iyo Togdheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi oo safar Shaqo ku tagaya gobolada Saaxil iyo Togdheer
Berbera, (xogreeb.com) - Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filaa in maalinta Khamiista ee todobaadkan uu safar shaqo ugu ambabaxo gobolada bariga Somaliland.
Waxaanay wararka hor-dhaca ah ee ay heshay shabakada Wararka ee Xogreeb news sheegayaan in Madaxweye Biixi uu maalmaha Khamiista iyo jimcaha uu ku sugnaan doona magaalo xeebeedka Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Weftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in dadweyne tiro badani ay ku soo dhaweeyaan deegaanada ku teedsan Laamiga, ee u dhexeeya Magaalooyinka Hargeysa ilaa Berbera.
Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa usii dhaafi doona magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo maalinta Sabtida uu kaga qaybgali doono qalinjabinta Ardayda Jaamacada Burco.
Socdaalkan Madaxweynaha Somaliland uu ku tagi doono gobolada Saaxil iyo Togdheer ayaa daba socda safar uu ku tagay Tagay gobolada Awdal iyo Gabiley oo si diiran loogu soo dhaweeyey.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured