Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Sheegay Inaanay Aqbalayn Doorasho Aan Ahayn Madaxtooyada

0
Thursday September 08, 2022 - 19:08:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Sheegay Inaanay Aqbalayn Doorasho Aan Ahayn Madaxtooyada

    Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Sheegay Inaanay Aqbalayn Doorasho Aan Ahayn Madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Sheegay Inaanay Aqbalayn Doorasho Aan Ahayn Madaxtooyada Hargeysa, (Xogreeb.com) - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa sheegay in aanay aqbalayn doorasho aan ahayn ta madaxtooyada, isla markaana ay sii wadayaan Mudaharaadka.
Musharaxa xisbiga Waddani Cabdillaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta si wadajir ah ula hadlay, ayaa sheegay in anay aqbalayn doorasho kale oo kasoo horaysa ta madaxtooyada.

"Ma jirto doorasho kasoo horayn karta doorashada madaxtooyada oo sharcigeedii iyo miisaaniyadeediiba diyaar  yihiin, oo aanu aqbali karnaa ma jirto, ma jiro xeer diyaar ah oo lagu qabto doorashooyinka tooska ah ee urrurada iyo axsaabta qaranka" Musharax Cirro ayaa sida yidhi.

Waxa uu sheegay in anay jirin cid qaban karta doorasho aanay isku waafaqsanayn saddexda xisbi, isaga oo sheegay in qaraarka maxkamada sarre ee ahaa in "Doorashooyinka urrurada loo galo si toos ah" aanu noqon karin xeer doorashada lagu dhaqo, isla markaan waxa uu sheegay in golayaasha sharci dajinta uuni ay leeyihiin awooda xeer samaynta.

Sidookale, waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay doorashada madaxtooyada si ku talo gal ah wakhtigeeda u dhaafinayso, waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay xil-gudasho la aan, isagoo ka digay in madaxweynaha xil-gudasho la'aantiisa loogu abaal guddo mudo kordhin aan sharci ahayn.

Waxa ay sheegeen in ay dib u bilaabayaan bannaanbaxyo kuwii hore ka baaxad wayn, isla markaana ka abaabul wanaagsan, dibadbaxyadaas oo socon doona ilaa xal laga gaadhayo muranka siyaasadeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured