Somaliland Samaheedu Waa Sharcigeeda Oo La Dhawraa: Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Thursday August 25, 2022 - 22:53:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Samaheedu Waa Sharcigeeda Oo La Dhawraa: Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Somaliland Samaheedu Waa Sharcigeeda Oo La Dhawraa: Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Samaheedu Waa Sharcigeeda Oo La Dhawraa: Qalinkii Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.
Waxaynu hore u arkaynay Qolo kuwan ka horeeyey oo isku magacaabayey Guddi is xil-qaantay iyana waxana muuqanaysay inay Mindi roortaynayeen, arrin sharci aanay masuuliyadeeda lahayn, aan ka ahayn Dallo lagu tiraabo Markasta oo la rabo in  Sharciga dacal lagaga tunto, taasoo ah Somaliland waxay ku soo nabad iyo Caano Maashay isu tanaasul oo ah Statements odhaahdiisu fiican tahay aakhiro iyo Aduunba Marka booskeeda la dhigo,  Markase Sharciga iyo Dawladnimada lagu duminaayo dhagarteedu ay weyn tahay, Sida tii dhawayd ee ina soo martay Maxsuulkii ay dhashayna ahaa intii inaga dhimatay iyo intii inaga Dhawacantay & fowdadii aynu galnay.


Waxan u arkaa tan kale ee inagu curatay inagoo tii hore dhibkeedii aan ka bogsan , fowdo cusub oo bilow ah weliba ay bilaabeen intii lacagta iyo Daaraha dhaadheer wadanka ku lahaa, cida kaliya eegod-daloolada bixinaysaana waa Golayaashii Sharci-dajinta Iyo  fulinta oo masuuliuadoodii lagu haysta.

Waxaynu ogayn inay doorasho kasta oo wadankeena ka dhici jirtay ay ugu yaraa laba kordhimood qaadan jirtay, tan maanta ma jirto doorasho la kordhiyeyba Madax-weynaha hadda fadhiyaana, waa kii kowaad ee ay isagoo sanad u hadhsan yahay kursiga lagu qabsado. Marnaba may inagu dhacaynin ashkhaastan magacyadoodu kala duwan yihiin ee maanta uun is xil-qaamaya.

Somalidaa hore ugu Maah-maahday Kitaab Galkiisii loo diiday Sayax allaa Baday, ninka Somaliland u naxaya  ama Samaheeda ka talinayaa, wuxuu adkayn lahaa in sharciga lagu dhaqmo, kala dambaynta la ilaaliyo, laakiin ninka Dariiq kala furaa waa ku doonaya inuu qadada inaga weeciyo,  kii sharkana inagu furo 

Ugu dambay waxaan soo jeedinayaa Golayaasha Sharci-dejintu waa inaanay wadanka fowdo cusub geline ee ay dhaqan-geliyaan shuruucdiisa.

https://www.facebook.com/100009258213262/posts/3259479134370662/


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured