Murashaxa Waddani Oo Xabsiga Gabilay Ku Booqday 23-Hablood Oo Dhalinyaro Ah, Deeq Xoola Ahna Gaadhsiiyay

0
Thursday August 25, 2022 - 20:56:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murashaxa Waddani Oo Xabsiga Gabilay Ku Booqday 23-Hablood Oo Dhalinyaro Ah, Deeq Xoola Ahna Gaadhsiiyay

    Murashaxa Waddani Oo Xabsiga Gabilay Ku Booqday 23-Hablood Oo Dhalinyaro Ah, Deeq Xoola Ahna Gaadhsiiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Murashaxa Waddani Oo Xabsiga Gabilay Ku Booqday 23-Hablood Oo Dhalinyaro Ah, Deeq Xoola Ahna Gaadhsiiyay
Gabiley, (Xogreeb.com) - Murashaxa Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo sarakiil Xisbiga Waddani ah oo uu hoggaaminaayo ayaa Xabsiga Magaaladda Gabilay ku booqday 23-hablood oo dhammaantod dhalinyaro ah, kuwaas oo loo xidhay mudaharaadki salmiga  aha ee Xisbiyada Mucaaridku dhigeen. 

Hablahan oo dadoodu u dhaxayso 17-jir ilaa 30-jir waxay isugu jireen arday Jaamacadaha dhiganaayay, hooyin qaarkod umul ahayeen qaarna aroos ahayeen. Hablaha  qayb kamid ah  warba kamay haynin mudaharaadka qaarna shaqo ayay ka soo rawaxeen oo suuqa laga taxaabay.


Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani wuxuu warbixin ka dhagaystay sarakiisha habsiga iyo Taliyaha Jeelka Gabilay, wuxuu sidoo kale u kuurgalay xaalada nololeed ee guud ahaan Maxabiista Xabsiga iyo 23-habloodba, madaxda Xisbiga ee murashaxa wehelinayay iyo Murashax Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ayaa hadalo ku aadan dareenka booqshadooda u jeediyay 23-ka hablood, waxayna  ugu bushareyeen in tariikhdu xusidoonto nidaamka loo qabtay iyo maxkamad la’aanta lagu xabisayna aanay sharciga Waddanka meelna ka soo galin. 

Dhankooda 23-hablood waxay mujiyeen dareenka farxadeed ee booqshada Murashaxa Waddani ugu yimi, waxay ka xogogaal warameen qaabki loo qabtay iyo sidii loola dhaqmay waxayna ka mahadsheegteen sarakiisha Xabsiga Gabilay.

Waxa xusid mudan inay Xabsiga ku xanuunsadeen 3-kamid ah lana daweeyay, iyagoo  madaxda Xisbiga Waddani ka codsaday inay cadaalad helaan. 

Gebo gebadii Murashaxa Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi wuxuu ku wareejiyay  maxabiista Xabsiga Gabilay deeq xoolo nool ah oo isugu jirtay 10-adhi ah iyo Tulud neef geel  ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured